Sign in to follow this  
Liqaye

Shabaab Reer Jowhar maxaa kala heysta?

Recommended Posts

Liqaye   

Wixii ka danbeeyay markii dagaalada ay ka dhaceyn qeybo badan oo ka mid ah magaalooyinka Muqdisho iyo qaar ka tirsan gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxaa jiryay dhaqdhaqaayo ciidan oo ay wadeen xoogaga Shabaab ee ku sugan guud ahaan dalka Soomaaliya, magaalada Jowhar ayaa ka mid ah goobaha sida tooska ah looga dareemayo dhaqdhaqaayadaasi ayadoona halkaasi ay ka soconayaan dadaalo ay shabaab ku doonayaan in ay uga dhaadhiciyaan dadka deegaanka in ay la galaan dagaalada ka soconaya Muqdisho waxaana ilaa haatan Jowhar ay ka midtahay magaalada ugu badan oo laga taageero Shabaab.

 

Magaalada ayaa la sheegayaa in haatan uu ka soconayo Qafaal ayadoona kooxda Shabaab Qafaalka ay ka bilowday Degmada Jowhar ayaan la ogeyn ujeedadiisa, waxayna Ciidamada Shabaabku yihiin kuwo wata dareys cagaaran, waxayna qafaal ku bilaabeen Haweenka iyo ragga socda wadooyinka magaaladaasi.

 

Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in qafaalka uu saameeyay Ardaydii iskuulaadka oo intii wadada ay ku jireen la qab qabtay, waxaana isa soo taraya dadka sida aadka ah loogu qabanayo qafaalka ay wadaan Ciidamada Shabaabka, Dadka ku dhaqan Degmada Jowhar ayaa saxaafadda u sheegay in xataa Gaadiidka dadka la istaajinayay iyadoo dadka lagala degaayay , waxaana gebi ahaanba istaagay gancsigii magaalada Jowhar, iyadoo dadku xireen goobahooda ganacsiga si ay uga badbaadaan qafaalkaasi qasabka ah.

 

Magaalada Jowhar dhawaan waxaa laga keenay Odayaal la sheegay in ay ka qeyb galayaan dagaalka ka soconaya Muqdisho ayadoona aysn ahaeyn markii ugu horaysay oo ay shabaabku ka qabqabtaan deegaanada dad rayid oo ku qasabayaan in ay kala qeyb galaan dagaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this