Sign in to follow this  
Liqaye

Gabdhaha ku nool deeganada ay Shabab maamulaan oo ka baxsanaya guur qasab ah

Recommended Posts

Liqaye   

Gabdhaha ku nool deeganada ay Shabab maamulaan ee K/Soomaaliya oo ka baxsanaya guur qasab ah oo ka soo wajahay dagaalyahanada shisheeye (Warbixin)

 

Tan iyo markii K/Soomaaliya ay xooga ku qabsadeen kooxdan ku xiran Al-Qacida ee Shabab waxey la yimaadeen habdhaqano guracan oo isugu jira iney dhalinyarada waxbarsahada ku jira ay qasab ku dagaal galiyaan , iney dhalinyarada ka dhaadhiciciyaan fikrado ay soo minguuriyeen oo ku dhisan xagjirnimo iyo is qarxin iyo sidoo kale iney gabdhaha ku qasbaan guur qasab ah iyagoo siinaya ajaanibta dalka ku soo duushay ee ka yimid dalalka Ciraaq , Afganistaan , Bakistaan iyo India .

 

Waxaa dhacday in dhacdooyin badan oo xanuun leh ay kooxdan ka sameeyeen meelo badan oo ay joogaan gaar ahaan magaalooyinka xeebaha ee Marka iyo Kismaayo oo xog lagu helay iney ku badanyihiin soo duulayaasha ajaanibta ah .

 

Dhacdooyinka la soo wariyey waxaa ka mid ah in nin Afganistaani ah uu si bartimihi sanadki aan soo dhaafnay wiilal Shabab ah oo ilaala u ahaa ay uga soo afduubeen degmada Barawe ee G/Sh/Hoose gabadh 13-jir ah taas kadibna si qasab ah looga soo kaxeeyey waalidkeed laguna daray ninkaas si qasab ah taas oo ah xadgudub bani’aadanimada , shareecadeena suuban iyo dhaqanka Soomaalidaba bari ka ah in gabar la soo qafaasho walibana aan qaangaarin lagana dhigto xaas .

 

Waalidiinta Soomaaliyeed ee ku nool deeganada ay kooxdan maamulaan ayaa had iyo jeer wadnaha farta kaga haya in gabdhahooda la siiyo soo duulayaasha ajaanibta ah taas oo joogto ka noqtay meelaha ay Shabab maamulaan.

 

Waalidiin badan ayaa gabdhahooda ula soo cararay dalalka dariska sida Kenya , Ethopia iyo jabuuti si ay uga badbaadiyaan gabdhahooda ajaanibta Shabab la socota ee qasabka ku guursada.

 

Dhinaca kale xog aruurin la sameeyey ayaa lagu ogaaday in magaalada Kismaayo ay tahay halka ugu badan ee gabdhaha ay ku qabaan ajaanibta , waxaana arinkaas dhawr mar ka hadlay culumaa’udiinka Soomaliyeed iyo waxgaradka oo ku tilmaamay iney tahay habdhdhaqan xun oo Soomaalida la soo darsay loona baahanyahay in laga hortago.

 

Ajaanibta ku nool K/Soomaaliya ayaa lagu qiyaasaa iney yihiin kumanaan kuwaas oo ah dhamaantood dambiilayaal ka soo baxsaday dalalkooda dhibaatana u soo raray dalka Soomaliya.

 

Hadaba waxgaradka Soomaaliyeed , culumaa’udiinka iyo dhalinyarada ayaa looga fadhiyaa iney wax ka qabtaan ajaanibta xooga ku heysta gabadhaha da’da yare ee Soomaaliyeed , waxaana arinkaas looga hortagi karaa wacyigalin buuxda oo bulshada laga siiyo habdhaqanada guracan ee Shabab si ay u sameeyaan kacdoon la mid ah sida kuwa ka socda dalalka Masar , Tunizai , Yemen iyo Liibiya.

 

Soomaalida oo ah 100% umad muslim ah heysatana madhabka Shaaficiyada waxaa ay kooxdan ku gambata magaca diinta bilaabeen iney galiyaan mab,dada wahaabiyada sanadihi ugu dambeeyey taas oo dhalinyaro badan lagu baray wax aan diinteena sal ku laheyn.

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Muqdisho-Somalia

Tel:0025261-5573321

00252699995088

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this