Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Dagaal Diimeed Gaalkacyo Ka Dilaacay

Recommended Posts

Dagaal is-gaad-gaad ah oo looga shakisan-yahay inuu salka ku hayo dagaal-Diimeed ayaa ka qarxay Magaalada Gaalkacyo,waxaana dagaalkan lagu tuhun-san-yahay inuu u dhexeeyo taageerayaasha Al-Itixaad iyo Kooxda Timaweynta ee hoos-timaada Suufiyadda,balse Reer Gaalkacyooka u yaqaaniin (Heema)

Kooxahan oo is-gaad-gaadkoosu bilowbay bilooyinkii la soo dhaafay,ayaa hadda dagaalkoodu soo gaaray Masaajidyadda ay kala maamulaan,waxaana dagaalkan hadda loo bixiyay (Car-Duko)maadaama qofka la dilayo xili uu sujuud-san-yahay oo Ilaahay uu hor-taagan-yahay.

Hadaba kadib markii maanta Gaalkacyo lagu dilay Agaasimihii Awqaafta Diinta ee Puntland oo isagu ahaa Sheekh ka mid ah Culimadda Timaweynta ama Heemada loo yaqaan ee Xertii Allaha u naxariistee Sheekh Cabdulaahi Baardheere,ayaa waxaa caawa maqrabkii weerar habkii Maafiyada oo kale Malayshiyo hubaysan oo aan weli haybtooda lagaran balse loo maleynayo inay yihiin Xerta Heemada ama Timaweynta,weerar lasoo maleegay la beegsadeen salaadii Makhrib gudaha Masjidka Salaaxu-diin oo kamid ah masaajidyada ay gacanta ku hayaan Kooxda Al-Itixaad,waxaana kooxdan oo aanan weli tiradooda la xaqiijin ay halkaas ku fureen Rasaas keentay dhimasho & Dhaawac badan oo ku dhacday dadkii ku jiray Masjidka markii ay gudaha u galeen.

 

Wararku waxay sheegayaan in Malayshiyadani ay Masjidka galeen dabadeedna ay damiyeen guud ahaanba korontadii masaajidka oo ka dhigtay inuu Iftiinku lumo,waxaana ay wararku sheegayaan in deminta Layrka kadib ay Rasaas ooda uga qaadeen dad badan oo kusugnaa Masaajidka oo ay ku jireen Wadaado & odayaal caan ka ah magaalada Gaalkacyo,waxaana halkaas ka dhacay khasaaro badan oo aanan weli la xaqiijin inta ay tiradeedu le'egtahay.

 

Agaasimaha Isbitaalka guud ee gobolka Mudug Cabdiraxmaan Maxamuud Jaamac (Xumbul-Xaambul) ayaa APL goordhaweyd u xaqiijiyey In Isbitaalka la geeyey dhaawaca Lix Ruux & Dhimashada Sadex kale oo dhamaantood wax ku noqday weerarkii masjidu-Salaaxu Diin,waxaana uu Agaasimuhu intaas kudaray in Dhaawacyada loo keenay ay qaarkood halis yihiin,isagoo sheegey in dadka dhintay & kuwa dhaawacmayba qaarkood ay yihiin kuwo la garanayo.

 

 

Warar Shacabkamedia ku kalsoontahay ayaa sheegaya in ay khasaaraha halkaas ka dhacday intaas ka badantahay,waxaana ay wararku intaas ku darayaan in dhaawaca wax ku noqday weerarkii Masaajidka uu ku dhowyahay Tobon Ruux,waxaase uu weerarkani imaanayaa xili ay Gaalkacyo saacadihii lasoo dhaafay aad u qasantahay islamarkaasna ay jiraan xaalado culus oo magaalada kajira kadib markii maanta Qarax balaaran lagu dilay agaasimihii Waaxda arimaha diinta ee Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhacdooyin aan horey looga baran magaaladda Galkacyo ayaa waxay xalay ka dhacday xaafadda Gorsoor ee Waqooyiga magaaladda Galkacyo, oo uu gacanta ku haayo Maamul Goboleedka Puntland.

 

Kooxo indhaha soo duubtay ayaa waxay xalay fiidkii ay weerar kedis ah kusoo qaadeen dad ku cibaadeysanaayay Masaajidka Saalaxudiin ee xaafadda Garsoor ee magaaladda Galkacyo, isla-markaana waxay halkaasi ay ku dilleen afar ruux, halka in ka badan toban kalana ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan.

 

Dadkii dhaawacmay iyo kuwii dhintayba ayaa waxaa xalay fiidkii laga daad gureeyay Masaajidka Saalaxudiin ee xaafadda Garsoor ee magaaladda Galkacyo ee Gobolka Mudug, isla-markaana dhacdadaan ayay ka naxeyn inta badan shacabka reer Galkacyo.

 

Sidoo kale saakadii hore ayay Masaajid kale weerar kaloo kedis ah ay kusoo qaadeen kooxo indhaha soo duubtay, waxayna halkaasi ay ku dilleen tiro dad ah, halka in kaloo fara-badan ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan.

 

Dhacdadaan ayay sidoo kale la anfariireen shacabka ku dhaqan magaaladda Galkacyo, taasoo ka dambeysay in magaaladda Galkacyo ay saakay noqoto mid madow miiran ah, iyadoo ay ilbaabada u xiran yihiin guud ahaan dhaq dhaqaaqii ganacsi ee ka jiray Waqooyiga magaaladda Galkacyo.

 

Dhinaca kale majirto wax war ah oo kasoo baxay Maamul Goboleedka Puntland, lamana oga waxa ay uga jawaabi doonaan ficilaadaani foosha xun leh ee ay ku kaceen kuwo lid ah horumar iyo kala dambeen.

 

Majirto koox sheegatay dhacdooyinkaani lagu kala qaaday Masaajido ku yaalla magaaladda Galkacyo ee Gobolka Mudug, hase ahaatee inta badan dadka reer Galkacyo ayaa waxay rumeysan yihiin in’ay ka dambeyso Xarakada Al Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dableey la tuhunsan yahay inay yihiin Ahlusunada Mayalka adag ayaa saakay weerarkii labaad ku qaaday Masjid ku yaal xaafadda Garsoor ee Magaaladda Galkacyo sida uu ku soo waramay Wariyaha Waagacusub ee gobolka Mudug.Masjidka la weeraray salaadii subax kadib ayaa la sheegay inuu ka mid yahay talisyadda Al-Shabaab ku leeyihiin gobolka Mudug gaar ahaan Magaaladda Galkacyo.

 

Sarkaal u hadlay Ahlusunada Mayalka adag oo magaciisa ku koobay Sheikh Yaasiin ayaa Waagacusub u sheegay in labada weerar ee lagu qaaday waxa uu ku sheegay talisyadda Al-Itixaadka Wahaabiyadda loogu aargudayay Agaasimahii Wasaaradda diinta iyo aawqaafta Puntland oo qarax miino shalay lagu dilay Galkacyo

 

" Masaajid lama dhihi karo laakiin waa talisyadda Wahaabiyadda dhismayasha aan weerarnay,waa halka laga soo abaabulo qaraxyadda lagu laayo waxgaradkeena iyo culumadeena"ayuu yiri Sarkaalka u hadlay Ahlusunada mayalka adag ee magaciisa ku sheegay Sheekh Yaasiin.

Dableey hubeeysan ayaa xalay bacdul salaadii Maqrib weerar ku qaaday Masjidka Salaaxu diin ee xaafadda Israac,waxayna labada jiho kala istaageen qoryaha loo yaqaan BKM,iyagoo si arxan daran u jar jaray dadkii ku dhex jiray.

 

Ahlusunada Mayalka adag sarkaalka u hadlay wuxuu ku hanjabay inay sii wadi doonaan weerarada ilaa ay gobolka Mudug ka sifeeynayaan Al Itixaadka iyo Khawaarijta ,dad uu ku sheegay.

 

Agaasimaha la dilay ee diinta iyo aawqaafta ayaa ka mid ahaa Saraakiisha sare ee Ahlusunada gobolka Mudug.Sheekh Axmed Khudubi ayaa khudbad uu hore u jeediyay ku sheegay in dilalka socda ee la leeyahay isagoo masjid ka soo baxay ayaa la dilay ay xigi doonto isagoo dukanaya ayaa la dilay.Halkaan ka dhageyso

 

Xeeldheerayaasha waxay rumeeysan yihiin in weerarada lala beegsaday Masaajidada Al Itixaadka ee Galkacyo noqon karaan kuwa ku fida guud ahaan Somalia maadama gobolka Mudug lagu tilmaamo meel looga daydo habka colaadaha.

 

AL-SHABAAB ayaa hore loogu yaqiin inay Masaajidada alle jameecadda ka soo baxda dilaan laakiin sida muuqata hada ficiladii ay bilaabeen waxaa laga dhaxlay in masjidkii gudahiisa lagu xasuuqo jameecadii ku jirtay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaalad kacsanaan ah ayaa saaka ka jirta Magaalada Galkacyo dhankeeda koofur ee uu ka arrimiyo Maamulka Puntland, iyadoo goobaha ganacsiga iyo isu socodka ay yihiin mid albaabada u xiran, kadib markii weeraro is xiga lagu kala qaaday Masaajidyo ku yaala Magaalada, kaasoo ay dadi ku dhinteen.

 

Sida ay sheegayaan wararka weerar xalay fiidkii lagu qaaday Masaajidka Salaaxudiin ee Xaafada Garsoor ayaa lagu dilay ilaa saddex ruux, halka 10-kalean ay ku dhaawacmeen, iyadoo dhacdadan oo aheyd mid aad uga argagaxeen dadka deegaanka ay geysteen Ragg Hubeysan.

 

Wararka ayaa intaa ku daraya in weerarkaas uu ahaa mid daba socday qarax shalay lagu dilay Sheekh caan ka ahaa Galkacyo, ahaana Agaasimihii Wasaarada cadaalada, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Maamulka Puntland oo lagu magacaabi jiray Sheekh Ismaaciil.

 

Hase ahaatee waxaa saaka mar kale Ragg hubeysan ay iyana weerar ku qaadeen Masaajid, kadib markii sida la sheegay ahaa mid daba joogay weerarkii xalay ee masaajidka lagu qaaday.

 

Ilaa afar ruux oo kale ayaa iyana la sheegay inay ku dhinteen masaajidka mar kale waabarigii saaka la weeraray.

 

Dhacdooyinkan foolxamada ee ka kala dhacay Magaalada Galkacyo dhankeeda Waqooyi ayaa xaalada ka dhigay mid jahwareer iyo cabsi la soo gudboonaata dadka deegaanka, iyadoo weerarkan arxan darada uu yahay mid dadka cabsi ka sii qaadi karaan in Masaajidada Alle lagu beegsado, bedelkii dadka u heysteen in Lagu nabad-galo oo kooxo waxmagarato ah bilaabeen in Masaajidada dadka lagu laayo.

 

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeen dambe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gaalkacyo:(Allpuntland)-Koox hubaysan ayaa saaka kadib Salaadii Subax weerar xoogan ku qaaday masjidka Faaruuq ee Xaafada garsoor kaas oo ay dad badani ku tukanayeen salaadii Subaxa,waxaana weerarkaas uu geystay Khasaaro kaladuwan oo dhimasho & dhaawac isugujira kuwaas oo aanan weli si rasmi ah loo xaqiijin.

 

Inta la'ogyahay Hal Ruux ayaa weerarkaas ku geeryooday iyadoo ugu yaraana Sadex kale ay ku dhaawacmeen Weerarka,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in kooxdii weerarka gaysatay ay goobta ka baxsatay walow ay jiraan warar aan rasmi ahayn oo sheegaya in dableydii weerarka ku qaaday Masaajidku ay goobta kala tageen dad kamid ah kuwii masaajidka joogay.

 

Weerarka laga qaaday Masjidu-Faaruuq ee Gaalkacyo wuxuu imaanaya waqti yar un kadib markii isla xalay weerar xoogan lagu qaaday Masaajidka Salaaxu-diin ee magaalada Gaalkacyo kaas oo khasaaro badani ay kasoo gaartay dad ku tukanayey masaajidkaas,waxaana weli xaalad kacsanaani kajirtaa gudaha Magaalada Gaalkacyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gaalkacyo:(Allpuntland)-Maamulka degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa qeylo dhaan culus oo dhanka amaanka ah soo saaray kadib markii saacadihii lasoo dhaafay weeraro isdabajoog ah oo ku lug lahaa qarax shalay duhurnimadii lagu dilay Agaasimihii waaxda diinta ee Wasaarada Cadaalada & Arimaha diinta Puntland lagu dilay ay ka dheceen qaarkamid ah Masaajida magaalada Gaalkacyo,iyadoo sidoo kalena ay xaalad kacsanaani ka jirto magaalada,waxaana uu maamulku ku baaqay in wax laga qabto xaalada khatarta ah ee Gaalkacyo kasoo bidhaantay.

 

Duqa magaalada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaj-Xassan oo ka hadlay xaalada amnidaro ee magaalada Gaalkacyo ayaa sheegey in Maamulkiisu uu ku dadaalayo wax kaqabashada xaalada Magaalada,isagoo ka tacsiyeey dadka faraha badan ee ku dhintay weeraradii u danbeeyey,waxaana uu duqu sheegey in ay dawlada dhexe ee Puntland ka codsanayaan in si deg deg ah loosoo farageliyo xaalada Magaalada Gaalkacyo,islamarkaasna wax laga qabto amnidarada kajirta magaalada oo imika u eg in ay gaartay heerkii u saraysay.

 

"Annagu inbadan Amaanka waanu ka shaqeynaa,habeenkii ciidankeenu waxay sameeyaan howlgalo culus,waad la socotaan xaaladu meeshay marayso,hada ka hor dawladu arintan oo kale waxbay ka qabatay,hadana wixii baa soo laabtay,waanu ku dadaalaynaa in aanu wax kaqabano waxa jira,Qof Qof dilaya oo u gaatamaya cidna ma qaban karto,Dawlada dhexe degdeg hanoo soo farageliso"Ayuu yiri Duqa Magaalada Gaalkacyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ismahaan   

Inna lillahi wa inna ilayhi raji'un! May Allah grant them Janah (intii xaq ku dhimatay) and give their family patience. Islam is the religion of peace, love and mutual respect! The masajid is Allahs house ,any acts of violence in the name of Islam have no religious backing. This violence should be replaced by peaceful and politically negotiated solutions.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

ilaahay ha u naxariisto dadka lagu xasuuqay masjidka dhexdiisa,,,, dagaal diimeed maahan waa fitno aysan dhaqan u lahayn somaalidu

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this