Sign in to follow this  
Liqaye

Dagaalo Culus Oo Ka Socda Duleedka Magaalada Beledweyne Ee Gobolka Hiiraan

Recommended Posts

Liqaye   

Dagaalo xoogan ayaa hadda ka socda duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaan dagaaladaasi si xoogan uga socdaan duleedka magaalada gaar ahaan dhinaca waqooyi ee magaalada beledweye,waxaana dagaaladaasi u dhexeyaan ciidamada Maamulka Dooxada Shabelle & Ciidamada Maamulka islaamiga ah ee gobolka Hiiraan.

 

Waxaa dagaaladan u dhexeyaan ciidamada Dooxada Shabelle Iyo Xarakada Alshabaab ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan,waxaana dagaaladaasi yihiin kuwo culus oo labada dhinac isu adeegsanayaan hub aad u culus iyadoo dhawaaqa madaafiicda laga maqlayo guud ahaan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka hiiraan.

 

Waxaa la sheegey inay dagaalkaasi soo qaadeen ciidamada maamulka Dooxada shabelle ee fariisimaha ku leh duleedka magaalada beledweyne,waxaana dagaaladaasi yihiin kuwo xoogan oo dhinacyada dagaalamaya isu adeegsanayaan hub aad u culus oo daryankooda laga maqlayo magaalada gudaheeda.

 

Dagaaladani waxay keenayaan qasaare lixaad leh oo dhinacyada dagaalamaya soo kala gaaraya,waxaana la sheegayaa inay gurmadyo kala helayaan labada dhinac iyadoo ay Xarakada alshabaab magaalada gudaheeda hadda ka direen ciidamo badan oo gurmad ah kuwaasi oo wajahaya degaanada lagu dagaalamayo,waxaana laga cabsi qabaa in dagaaladu ku soo faafaan gudaha magaalada.

 

Ma jiraan cid ka tirsan labada dhinac oo dagaalada hadda socda ka hadlay,waxaase lagu wadaa inay saacadaha soo socda dagaaladaasi ka hadlaan inkastoo aan la xaqiijin karin dhinaca hadda dagaaladaasi ku gacan sareya,waxaana la sheegayaa inuu dagaalkaasi sababay qasaare dhimasho & dhaawacba leh oo labada dhinac ku kooban.

 

Ahmed Aadam Gacal

 

Muqdisho-Gedo-News

 

Gedonet.com@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this