Sign in to follow this  
Liqaye

Waxgardka gobolka Awdal oo ka cabanaya Howlgalo Ciidamada Somaliland Gobolkaasi ka wadaan

Recommended Posts

Liqaye   

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boorame ee gobolka Awdal ayaa sheegaya in ciidamada Booliska Somaliland ay maalmahaan ka wadaan gobolkaas howlgallo kala duwan, iyadoo ciidamadu ay gacanta ku dhigeen ilaa afar nin oo degan magaalada Boorame isla markaana xabsiga dhigay, waxaana sidoo kale dowladda Somaliland ay bedeshay dhammaanba macallimiinta goobaha waxbarashada, iyadoo lagu bedelay macallimiin ka yimid Wasaaradda Waxbarashada Somaliland.

 

Howlgalada ciidamada ammaanka Somaliland ay ka wadaan gobolka Awdal oo socda muddo ku dhow laba toddobaad, ayay sheegayaan dadka gobolka inay ka welwelsan yihiin ilaa 15-ruux oo ciidamada Somaliland ay ku qorteen liis, kuwaasi oo xukuumadu dooneyso inay xabsiga dhigto, balse ilaa iyo iminka lama oga sababta dadkaasi lagu xirxirayo.

 

Suldaan Abshir Muxumad oo ka mid ah Salaadiinta gobolka Awdal ayaa ka hadlay kulan ay odayaasha gobolka ka yeesheen howlgalada ciidamada Somaliland ay ka wadaan gobolka laguna qabqabanayo ilaa 15-nin oo liis ugu qoran, waxaana shir shalay ka dhacay magaalada Boorame oo ay ka qeyb galeen Isimada, Salaadiinta iyo qeybaha bulshada gobolka Awdal ay walaac ka muujiyeen sababaha keenay in la qabqabto dadkaasi iyo waliba isbedelka ay Somaliland ku sameyneyso goobaha waxbarashada.

 

"Afar nin baa nagala xiray ilaa 15-ninna waxaa la leeyahay liis ayay ku qoran yihiin, mana garaneyno waxa la inagu heysto" ayuu yiri Suldaan Abshir Muxumad oo sheegay in gobolka Awdal uu qancin waayay qaabka ay xukuumada Somaliland ula dhaqmeyso dadka gobolka degan oo uu sheegay inay taageersan yihiin xukuumada isla markaana aanay raalli ka ahayn wax kasta oo dhibaato ku ah jiritaanka Somaliland.

 

Dhinaca kale Nabadoon Daahir oo ka mid ah odayaasha ka qeyb galay kulanka ka dhacay magaalada Boorame ayaa sheegay inuu isagu damiin ku joogo gobolka Awdal, isagoo sheegay inuusan garaneynin waxa ay ku heysato xukuumada, wuxuuna sheegay in sidoo kale aanu garaneynin waxa lagu ugaarsanayo aqoonyahanada, odayaasha iyo bulshada ku dhaqan gobolka Awdal.

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Muqdisho-Somalia

Tel:0025261-5573321

00252699995088

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this