Sign in to follow this  
Liqaye

Prof. Dalxa: Shariif Xasan wey ku adkaan doontaa inuu Baarlamanka mariyo qodobada shirka Nairobi

Recommended Posts

Liqaye   

Prof. Dalxa: "Shariif Xasan wey ku adkaan doontaa inuu Baarlamanka mariyo qodobada shirka Nairobi oo qaarkood ka hor imanaya Axdiga Qaranka"....

 

Xildhibaan Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Baarlamaanka KMG ah ayaa ka hadlay shirka wada tashiga Soomaalida ee dhowaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxa uuna sheegay in shirkaasi uu yahay mid qabyo ah oo loo baahnaa in qodobo fara badan looga hadlo, wuxuuna sheegay in wafdiga Baarlamaanka uga qeyb galay shirkaasi looga fadhiyo sidii ay u meel marin lahaayeen go'aanadii laga soo saaray.

 

Waxa uu sheegay Xildhibaan Dalxa in shirka qodobada ka soo baxay kuwooda quseeya Dowladda KMG ah ay ka hor imaanayaan dastuurka Xukuumadda KMG ah, oo uu sheegay in go'aanada shirka Nairobi uu ka mid yahay muddo laba sano ah in Baarlamaanka loogu kordhiyo, isagoona sheegay in go'aan Baarlamaan uu dastuurku dhigayo marka wax laga bedelayo go'aankiisii mudada saddexda sano ee uu ku kororsaday lix bil kaddib isbedel lagu sameyn karo.

 

"Shariif Xasan wey ku adkaan doontaa inuu golaha Baarlamanka mariyo qodobada ka soo baxay shirka Nairobi, gaar ahaan qodobka sheegaya mudada labada sano ah ee loogu kordhiyay Baarlamaanka oo ka mid ahaa go'aanadii ka soo baxay shirka Nairobi, oo dastuurka uu dhigayo in lix bil ka dib isbedel lagu sameyn karo macquul ma aha" ayuu yiri Xildhibaan Prof. Dalxa oo sheegay in shirka qaar ka mid ah qodobada ka soo baxay ay yihiin kuwo qabyo ah.

 

Dhinaca kale waxa uu sheegay Prof. Dalxa ayaa ka digay in haddii aan dib loo sixin go'aanada shirka Nairobi qaarkood oo aan loo marin wadada saxda ah inay adkaan doonto meel marin waxyaabaha ka soo baxay shirkaasi, "Talo soo jeedinta ka timid shirka Nairobi waa qabyo" ayuuna yiri Xildhibaan Dalxa oo sheegay in ergada Dowladda uga qeyb gashay shirkaasi ay ku adkaan doonto sidii ay u marsiin lahaayeen go'aanada shirka Nairobi Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this