Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland government Congratulates president elect Ismacil Cumar geele.

Recommended Posts

Xukuumada Somaliland Oo Hambalyo U Qadintay Madaxweynaha Djibouti Iyada Oo Aanay Guddida Doorashooyinka Dalkaas Ku Dhawaaqin Natiijada.

 

Hargeysa (Ramaas) Apr.9, 2011- Xukuumada Somaliland ayaa hambalyo u dirtay Madaxweynaha dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle oo la saadaalinayo in uu ku guulaystay doorashadii maalintii shalay ka dhacday dalkaas, iyada oo aanay guddida doorashooyinka Djibouti weli ku dhawaaqim natiijada doorshada.

 

Afhayeen Madaxtooyada Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo maanta ka hadlay shir jaraa’id oo ay xukuumadu ku soo bandhigaysay waxqabadkeeda saddex bilood ah, ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan guusha Madaxweyne Geelle la sheegay in uu ka soo hooyay doorashadii maalintii ka qabsoontay wadanka Djibouti, isla markaana ay hambalyo u dirayaan Madaxweynaha oo markii saddexaad qabanaya hogaanka dalkaas.

 

Hadalka afhayeenka ayaa imanaya wakhti aan la shaacin natiijada doorashada oo aanay ilaa weli soo saarin guddida doorashadu, lamina garankara sababta ay xukuumada Somaliland u soo qadintay hambalyadan.

 

Mar wax laga waydiiyay sababta keentay in xukuumada Somaliland ay ka hadasho danaha dal shisheeye ah oo ka soo horjeeda jiritaanka dalkeeda, waxa uu ku jawaabay” Wax waa laga sheegi karaa dalka kale oo waanu soo dhawaynaynaa guusha Madaxweynaha”

 

Madaxweyne Geelle ayaa isaga qudhiisa fiirinaya wax ka soo bixi doona natiijada, laakiin waxa ay arrintan u muuqanaysaa ismuujin siyaasadeed oo maamulka talada Somaliland hayaa uu ku doonayo in uu dalka Djibouti tuso sida uu diyaarka ugu yahay meelmarinta masaaliixda hogaamiyaha dalkaas oo saamayn ballaadhan ku leh jaangoynta siyaasadaha Somaliland.

 

 

 

Waxa dhawaaqani uu meel ka dhac ku noqonayaa haybada qaranimada Somaliland,iyada oo Madaxweyne dalkaas uu ballanqaaday in aanay Djibouti marnaba Somaliland u aqoonsan doonin wadan madaxbanaan oo deris ah, waxaana uu si cad u diiday in xafiis diblumaasiyadeed uu ku yeesho Somaliland, iyada oo taas cagsigeedana uu Mr Geelle hawgal baxaad leh ugu galay sidii loo soo celin lahaa midnidamadii dhulweynihii Soomaaliya oo ay Somaliland qayb ka tahay.

 

Ramaasnews Desk

 

Hargeisa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boqorka Beesha Subeer Awal oo Hambalyo iyo Mahadnaq U Diray Madaxwaynaha Dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geele.

 

Boqor Muxumed Geele waxaa uu sidaa u sheegay mar uu shabakada Wararka ee...

 

Uk/Britain (Gabiley News): - Boqorka beesha Subeer Awal ee Somaliland Boqor Muxumed Geele Seed ayaa isagoo ku sugan dalka Ingiriiska Gabiley News soo gaadhsiiyay hambalyo uu u dirayo madaxwaynaha dalka jamhuuriyada Djibouti, isagoo ugu hambalyaynaya guusha uu ka soo hoyay doorashadii madaxtooyada dalkaasi ee jimcihii ina dhaafay ka dhacday.

 

Baqor Geele waxaa kale oo uu madaxwaynaha jamhuuriyada Djibouti uga mahad naqay kaalmadii badnayd ee uu soo gaadhsiiyay Jaamacada Gabiley ee Timacadde, waxaanu illaahay uga baryay inuu ku asturo xilkaasi culus ee uu u qaaday shacabwaynaha dalka Djibouti.

 

Boqor Muxumed Geele waxaa uu sidaa u sheegay mar uu shabakada Wararka ee Gabiley News kulasoo xidhiidhay khadka Telefoonka isagoo hawlo shaqo ugu baxay dalka ingiriiska mudana halkaasi joogi doona, sidoo kalena soo mari doona wadamo kale oo Europe ah.

 

Boqorka Geele ayaa noqonaya masuulkii ugu horeeyay ee hambalyeeya madaxwaynaha jabuuti ka dib guushii uu kasoo hooyay doorashadii dalkaasi ka dhacday jimcihii ina dhaafay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxwaynaha Somaliland Oo Dhambaal Hambalyo Iyo Guubaabin Isugu Jira U Diray Madaxwaynaha Djabuuti Ee Marka Saddexaad Ku Guuleystay Madaxwaynenimada Dalkaas.

Hargeysa (Ramaas) Apr 10,2011- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dhambaal hambalyo iyo guubaabin ah u diray Madaxwaynaha dalka Jamhuuriuyadda Djabuuti Md Ismaaciil Cumar Geelle oo mar saddexaad ku guuleystay doorashadii dalkaasi ka dhacday jimcihii todobaadkii hore.

 

Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) isaga oo ku hadlaya Magaca dawlada iyo shacabka reer Somaliland waxa uu Madaxwayne Geelle iyo shacabka reer Djabuutiba u rajeeyay inay ku waraan nabadgalyo iyo barwaaqo isaga oo rajeeyay in xidhiidhka Somaliland iyo Jamhuuriyadda Djabuuti sii xoogeysto.

 

War-saxaafadeed kooban oo mar dhawayd laga soo saaray Madaxtooyadda kuna saxeexnaa afhayeenka Madaxtooyadda Md Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) isla-markaana soo gaadhay xafiiska wararka ee Ramaasnews ee Magaaladda Hargeysa ayaa isaga oo dhamaystiran waxa uu u dhignaa sidan “Anigoo ku hadlaya Magacayga, ka Dawladda iyo kan Shacbiga Somaliland, waxaan Madaxweyne kugu Hambalyeynayaa Doorashadii sida Nabad-gelyada leh uga dhacday Dalka Jabuuti Jimcihii oo ay Taariikhu ahayd 08/04/2011, waxaanan si gaar ah kaaga tahniyadaynayaa guusha aad ka gaadhay in shacbiga Dalka Jabuuti ku doorteen Madaxweynaha Dalka Jabuuti.

 

Madaxweyne waxaan ku kalsoonahay in horumarka muuqda ee ay Jabuuti ku talaabsatay Mudadii aad hogaaminaysay uu sii socon doono, Waxaan kaloon aaminsanahay in xidhiidhka ka dhaxeeya labadeena Dal uu noqon doono mid midha dhal ah oo sii xoogaysta. Waxaan mar labaad si farxadi ku dheehantahay kugu hambalyeynayaa guusha taariikhiga ah ee aad ka soo hooysay doorashada.

 

Waxaanan idiin rajaynayaa Mudane Madaxweyne adiga, Xukuumada iyo Shacabka reer Jabuuti ee aanu Walaalaha nahay in aad ku waartaan Barwaaqo, Nabadgelyo iyo Horumar"

 

Ramaasnews Desk

 

Hargeisa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Hadlay Doorashadii Jabuuti Iyo Xidhiidhka Labada Dal

April 10th, 2011

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta ka hadlay doorashadii madaxtinimada ee ka dhacday Jimcihii dalka Jabuuti, taasi oo uu markii sadexaad ku guulaystay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

 

Madaxweynuhu wuxuu qaabkii ay doorashadaasi u dhacday iyo natiijadii ka soo baxdayba uu kaga hadlay dhambaal uu u diray Madaxweynaha Jabuuti, sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu saaka soo saaray Afhayenka Madaxtooyada Cabdilahaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxaanu u dhignaa qoraalkaasi sidan:-

 

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Dhambaal Hambalyo ah u diray Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Shacbiga Jamhuuriyada Jabuuti, Guushii ay ka Gaadheen Doorashadii Madaxtinimada Dalka.

 

Madaxweynuhu waxa uu Dhambaalkiisa oo Qoraala ku yidhi:-“Anigoo ku hadlaya Magacayga, ka Dawladda iyo kan Shacbiga Somaliland, waxaan Madaxweyne kugu Hambalyeynayaa Doorashadii sida Nabad-gelyada leh uga dhacday Dalka Jabuuti Jimcihii oo ay Taariikhu ahayd 08/04/2011, waxaanan si gaar ah kuuga tahniyadaynayaa guusha aad ka gaadhay in shacbiga Dalka Jabuuti ku doorteen Madaxweynaha Dalka Jabuuti.

 

Madaxweyne waxaan ku kalsoonahay in horumarka muuqda ee ay Jabuuti ku talaabsatay Mudadii aad hogaaminaysay uu sii socon doono, Waxaan kale oo aan aaminsan nahay in xidhiidhka ka dhaxeeya labadeena dal uu noqon doono mid midha dhal ah oo sii xoogaysta.

 

Waxaan mar labaad si farxadi ku dheehan tahay kugu hambalyeynayaa guusha taariikhiga ah ee aad ka soo hooysay doorashada.

 

Waxaanan idiin rajaynayaa Mudane Madaxweyne adiga, Xukuumada iyo Shacabka reer Jabuuti ee aanu Walaalaha nahay in aad ku waartaan Barwaaqo, Nabadgelyo iyo Horumar.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boqorka beesha Subeer Awal ee Somaliland Boqor Muxumed Geele Seed

Who is this Boqor ma buur madow iyo buur cad buu la tartamayaa kuwii horaa loo taagla'aa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wiil Cusub;710538 wrote:
Who is this Boqor ma buur madow iyo buur cad buu la tartamayaa kuwii horaa loo taagla'aa

Maya wa boqorka beelaha Gobolada saaxil woqoyiga hargeysa iyo gabiley i think 2 years ago ba la caleemo saaray

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muuse Biixi Oo Madaxweyne Geelle Ku ******tay Horumarka Uu Gaadhsiiyay Jabuuti

April 10th, 2011

 

Hargeysa (Somaliland.Org)-Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee tallada Somaliland haya Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa Madaxweynaha Jabuuti ku ******tay kuna ammaanay wax uu ku tilmaamay horumarka uu gaadhsiiyay dalkiisa.

 

Waxa sidaasi lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xisbigaasi oo uu dhambaal Hambalyo ah Guddoomiyuhu ugu diray madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle, oo markii sadexaad loo doortay ka dib markii uu ka adkaaday murashaxii madaxa banaanaa Maxamed Warsame Raagge ee kula tartamayay doorashadii dhacday jimcihii 8-dii bishan.

 

War-saxaafadeedkaasina wuxuu u dhignaa sidan:-“Guddoomiyaha Xisbiga Talada dalka haya ee Kulmiye Mudane Muusa Biixi Cabdi wuxu isagoo ku hadlaya magaca Hogaanka, Guddiga Fulinta, kan Golaha Dhexe ee Xisbiga iyo kiisaba hamalyo iyo salaan u dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Djibouti Mudane Ismaacill Cumar Geele doorashada loo doortay mar seddexaad Madaxtinimada dalka Djbouti ee ka dhacday dalka Djibouti maalintii Jimcaha ee bishan April 8, sannadka 2011, isagoo ku guulaystay aqlabiyad aad u sareysa.

 

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muusa Biixi Cabdi wuxuu sheegey in guusha uu Mudane Ismaaciil Cumar Geele ka helay shacabka reer Djibouti ay tusaale u tahay sida niyad samida ah ee reer Djibouti ugu kalsoon yihiin Madaxweynahooda.

 

Mudane Ismaciil Cumar Geele wuxuu muddadii uu Madxweynaha ka ahaa dalka Djibouti uu gaadhsiiyey dalka horumar dhinaca walba gaar ahaa dhinaca adeega bulshada, wuxuuna ku xidhay Djibouti wadamo badan oo ka tirsan qaaradaha adduunka. Mudane Ismaaciil Cumar Geelle waxa kale mudadii uu xilka hayey aad u wanaajiyey xidhiidhka uu la leeyahay wadamada ay deriska yihiin sida Somaliland, Ethiopia, Kenya iyo Yemen.

 

wuxuu u rajeeyey Madxweyne Ismaaciil Cumar Geelle caafimaad, dalka iyo dadka reer Djiboutina horumar.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally Posted by Wiil Cusub

Who is this Boqor ma buur madow iyo buur cad buu la tartamayaa kuwii horaa loo taagla'aa

Maya wa boqorka beelaha Gobolada saaxil woqoyiga hargeysa iyo gabiley i think 2 years ago ba la caleemo saaray

Xaji I'm frm that area and even didn't know hem let alone recognize hem.

Waa in la magnuucaa in SL cidi Boqor isku magacowdo not more than Caaqil ama Suldaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland and Mogadishu congratulate Guelleh on election victory

 

HARGEISA — President Ahmed Mohamed Silanyo has congratulated Djibouti President Ismael O. Guelleh (IOG) on his third election win and paid tribute to the people of the tiny Red Sea nation on Sunday. The President says he hopes ties between the two states could be raised to a new level. Thousands of Djiboutians with dual citizenship also cast their vote in Somaliland on Friday.

 

 

Ismael Omar Guelleh succeeded his uncle in 1999 (Reuters)

“I would like to offer my sincere congratulations to you President on behave of myself, my government and the people of Somaliland,” he said in a statement.

 

“We are confident that the progressive values and development Djibouti has achieved under your leadership will continue in the right direction with your re-election. We are convinced that the cooperation between the two nations will turn into a lasting friendship that produces tangible fruits,” Silanyo continued.

 

“Again, with sincerity we congratulate you for your historic victory. We hope for you, Mr President, your government and the people of Djibouti, who are our brothers, a future filled with development, stability and prosperity,” he concluded.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland and Mogadishu congratulate Guelleh on election victory

 

HARGEISA — President Ahmed Mohamed Silanyo has congratulated Djibouti President Ismael O. Guelleh (IOG) on his third election win and paid tribute to the people of the tiny Red Sea nation on Sunday. The President says he hopes ties between the two states could be raised to a new level. Thousands of Djiboutians with dual citizenship also cast their vote in Somaliland on Friday.

 

 

Ismael Omar Guelleh succeeded his uncle in 1999 (Reuters)

“I would like to offer my sincere congratulations to you President on behave of myself, my government and the people of Somaliland,” he said in a statement.

 

“We are confident that the progressive values and development Djibouti has achieved under your leadership will continue in the right direction with your re-election. We are convinced that the cooperation between the two nations will turn into a lasting friendship that produces tangible fruits,” Silanyo continued.

 

“Again, with sincerity we congratulate you for your historic victory. We hope for you, Mr President, your government and the people of Djibouti, who are our brothers, a future filled with development, stability and prosperity,” he concluded.

 

 

 

 

 

SOMALIA

 

During a conference meeting held in the capital Mogadishu, elders and leaders of Southern Somalia’s prominent clan, the ******, also sent their best wishes. They pledged their support for Omar Guelleh who tried to resolve the conflict in Somalia numerous times.

 

“We wish to express our profound congratulations to President Ismael Omar Guelleh for his historical win for the third time,” Mr Mohamed Hassan Haad said, a peace activist speaking on behave of the traditional leaders.

 

“We hereby also congratulate the citizens of Djibouti for choosing the right path in exercising a peaceful vote which will continue their country in the right direction,” he added.

 

Djibouti election

 

President Guelleh won his third term in office after winning 80% of the votes cast on Saturday despite opposition groups boycotting the election. He faced an independent challenger, the former Constitutional Council Chairman, Mr Mohamed Warsama Ragueh, who received about 19% of votes.

 

More than 150,000 people have registered to vote but the country’s prominent opposition parties — the Union for Democratic Change (UAD) and the Union of Democratic Movements (UMD) — have all boycotted the poll after they accused the government of lack of freedom and intermediation. They called for demonstrations against the ruling People’s Rally for Progress (RPP) party, which left at least one person dead after police used force to disperse them.

 

Guelleh, 63, will rule the tiny but strategic nation for the next six years, continuing the legacy of his family who ruled Djibouti since independence in 1977. He is often given credit for steering Djibouti on a right course of development and stability while creating jobs and improving living conditions.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kusimaha Maayarka Saylac Oo Hambalyo U Diray Madaxweyne Geelle

 

in April 12th, 2011 by lug in NewsSaylac-(Lug)-Kusimaha maayarka magaalada Saylac ee g/Selel, ahna kuxigeenka guddoomiyaha G/degaanka degmadaasi ayaa hambalyo u diray madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, isagoo ugu hambalyeeyey guusha uu kasoo doorashooyinkii dalka ka dhacay maalintii jimcihii .

 

kusimaha Maayarka Saylac Md.Cismaan Muumin Caarre ayaa hambalyadaasi ku yidhi “Annigoo ku hadlaya magaca G/degaanka Degmada Saylac, magaca dadweynaha magaalada iyo guud ahaanba maamulka dawladda ee degmadaasi, waxaan hambalyo u dirayaa madaxweyneha dalka Jabuuti, anigoo ugu hambalyeynaya doorashada mar saddexaad loogu doortay mansabka madaxweynaha dalka Jabuuti ee aan jaarka nahay, anigoo dalka iyo dadweynaha reer jabuuti rajaynaya horumar, barwaaqo iyo nabadgelyo”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this