Sign in to follow this  
The Zack

Mahiga: The Presidential Elections shall NOT be postponed!

Recommended Posts

The Zack   

Madaxda Dawlada Oo Si Deg Deg Ah Loogu Yeerey Magaalada Nayroobi Kulan Wadatashi Ah: Mahiga Oo Maanta Markale Ku Si Toos Ah U Sheegay Inay Doorashadii Madaxweyanaha Ay Dhacayso Xilligii Loogu Talogalay...

 

Kadib safar aan hore loo shaacin uu Wakiilka Qaramada Midoobay maanta ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda soomaaliya isla markaasna uu kulamo aan caadi ahayn kula yeeshay madaxweynaha & Raisalwasaaraha ayaa dib ugu laabtey Magaalada Nayroobi ee dalka Kiiniya.

 

Mahiga waxaa uu si cad u sheegey inay doorashadu dhaceyso xilligi loogu tallo galay,waxaana uu sheegey in Madaxweynaha ,Raisalwasaaraha & gudoonka baarlamaanka si deg deg ah looga doonayo inay yimaadaan magaalada Nayroobi oo lagu martiqaadey kulan wada tashi ah oo halkaas lagu qaban doono.

 

Waxaa hadalkani dhawaaqa dheer ee ku aadan inaan doorashadu dib u dhici karin isla markaasna ay dhici doonto xilligii loogu tallo galay ka soo yeerey Wakiilka QM markii kulamadii uu la qaatey labadaasi masuul soo idlaadeen.

 

Kulan uu iclaamiyey Augustine Mahiga ayaa la sheegey inuu yahay mid wada tashi ah kaasi oo diirada lagu saari doono waqti beenaadka ay madaxda dawladu ku darsadeen xilliga ay sii joogaan xafiisyada taasi oo beesha caalamka & QM si weyn uga hortimid isla markaasna ku gacan sayreen,waxaana kulankaasi lagu wadaa inuu dhamaadka bishan ka dhaco magaalada Nayroobi ee dalka Kiiniya.

 

Sidoo kale kulankan ayaa qayb ka ah sidii loo xalin lahaa muranka siyaasadeed ee ka dhex taagan 3-da masuul ee ku aadan waqtiyada ay kororsadeen hay'adahoodu & sidii looga dhaadhicin lahaa inaan doorashadu dib uga dhicin xilligii loogu tallo galay.

 

Ugu dambeyntii kulankii maanta ayaa ahaa mid Augustine Mahiga si cad uu uga soo horjeestey waqtii ay Golaha wasiirada dawlada kmg ah ku kordhiyeen Hay'adaha dastuuriga ah ee dawlada kmg ah ee soomaaliya,waxaana kulankaasi ahaa mid uu mawqifka beesha caalamka & QM ku cadeyey Mahiga.

 

Ahmed Aadam Gacal

 

Muqdisho-Gedo-News

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Dr.Augustine Mahiga Oo Cod Dheer Ku Sheegay In Doorashadii Hogaanka Dalka Soomaliya Ay Dhici Doonto Bisha July, Beesha Calaamankana Ay Raali ka aheyn Xilli kororsiga Dowladda KMG Soomaliya

 

Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaliya Dr.Austine Mahiga ayaa wareysi dhinacyo badan taabanaya oo la xiriira arrimaha Soomaliya ay la yeelatay wakaalada wararka ee Associated Press (AP) ayaa ku sheegay in doorashadii madaxda sarsare ee dalka Soomaliya la qaban doono Bisha July ee soo socota kadib markii xukuumaddii ku meel gaarka ahayd ay hareersayay arrimo badan la xiriira dastuurka haatan ka jira dalka Soomaliya.

 

Dr.Augustine Mahiga ayaa sheegay in xilliga dowladda cusub oo la dooran doono bisha July uu xilligeedu lagu cayimi doono dastuurka cusub ee dalka yeelan doono. Wakiilka Qaramada Midoobay ee dalka Soomaliya ayaa sidoo kale tibaaxay in wadanka Soomaliya uu hareereeyey muran aad u ba'an oo la xiriira isqabqabsiga ka dhaxeeya masuuliyiinta sarsare ee dowladda gaar ahaan madaxweynaha iyo gudoonka baarlamanka.

 

Dr.Augstine Mahiga ayaa waxaa kale intaasi raaciyay inay xukuumadda haatan ka jirta dalka Soomaliya aysan wax tilaabo ah oo horumar ah aysan ku tilaabsan lixdii sano ee u dambeeysay loona baahan yahay in isbedel lagu sameeyo masuuliyiinta dowladda ee hogaanka ka haysa oo xilligoodu uu ku egyahay bisha August ee soo socota.

 

Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa sheegay inaysan beesha Caalamku aysan ka dhaadhicin karin oo aysanna aqbalayn waqtigii muddada halka sano aheyd ee dhowaan golaha wasiiradu ay iskood u ansixteen, ayna dhici doonto doorasho bisha July ee soo socota, halka uu ku sheegay inay macquul tahay in golaha baarlamanka muddo kororkiisu aanann laga badin muddo sano ah. Hadalkaan ka soo yeeray wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimah Soomaliya ayaa mugdiga ka saaraya waxii laga yeeli lahaa xilligii dowladda federaalka oo waqtigeedu ku egyahay bisha August ee soo socota, doorashana ay dhici doonto lagu bedeli lahaa madaxda sarsare ee dalka Soomaliya.

 

Source: Gedonet

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Shariifka is trying to postpone the elections, not sure why. An African is African walle. Adeer you clearly knew you had TWO years to clear the Xamar mess but you have failed. (Wadanka wuu qasnaaa, alshabaab baa i hor istaagtay, balaayaa xamar ka buuxdo excuses won't work). Your two years up! Understand that. However, you still have the right to run again, you have no rights to stop the elections. Asagoo sidaan u tabar daran buu rabaa inuu booska xoog ku heystee hadduu xoogeysto yaa ka fujin doono?

 

Shariika kale bring your a** to the ballot! If you win it, we will all support you but you can't keep the presidency with you by xoog. Banaanka is keen duqa!

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

sleaders1-150x150.jpg

 

Mahiga told Both Sharifs and Farmajo to come to Nairobi. Beesha Caalamka will basically tell them to give the election the go ahead we have all been waiting for :D.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Shariif Supporter, Jowhar.com: War deg deg: Mahiga oo ku dhawaaqay in Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra'iisul Wasaaraha Nairobi lagu marti qaaday

 

Wakiilka Qaramada Midoobey Soomaaliya Agoustine Mahiga ayaa ka sheegay Magaalada Muqdisho in Madaxweynaha, Ra'iisul Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka lagu marti qaaday Magaalada Nairobi, si ay uga qeyb galaan shir wada tashi ah.

 

Hadalkan ayuu ka sheegay Mahiga kulan uu kula qaatay Magaalada Muqdisho Madaxda ugu sareysa Dowladda KMG, isagoo sheegay in shirkaas aanu aheyn shir dib u heshiisiin sida uu yiri.

 

Kulanka marti qaadka ayaa waxay Saddexda Mas'uul si wada jir uag qeyb geli doonaan dhamaadka bishan, iyadoo qeyb ay ka tahay khilaafka u dhaxeeya saddexda Mas'uul oo ku wajahan waqtiga Dowladda KMG u harsan.

 

La soco wixii ku soo kordha

 

 

 

Hoyga wararka Somaliyeed

www.jowhar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

The Zack;707435 wrote:
Madaxda Dawlada Oo Si Deg Deg Ah Loogu Yeerey Magaalada Nayroobi Kulan Wadatashi Ah: Mahiga Oo Maanta Markale Ku Si Toos Ah U Sheegay Inay Doorashadii Madaxweyanaha Ay Dhacayso Xilligii Loogu Talogalay...

Mahiga waxaa uu si cad u sheegey inay doorashadu dhaceyso xilligi loogu tallo galay,waxaana uu sheegey in Madaxweynaha ,Raisalwasaaraha & gudoonka baarlamaanka si deg deg ah looga doonayo inay yimaadaan magaalada Nayroobi oo lagu martiqaadey kulan wada tashi ah oo halkaas lagu qaban doono.

xogtan mahiiga waxey igu dhalisay suaaalahan .

mahiga ma isagaa soomaali madax ka ah mise shariff waaba yaabe ?

waa maxay sababta dhabta ah ee ka danbeeysay dadajinta doorashadan ? .

halkee loo qorsheeyey iney ka dhacdo doorashada ? .

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Whoever pays the bills is the boss of the house. On your other question, Shariiifka knew this from get go, he has been told clearly and he agreed that he had two years to hold elections, now it is that time. Bal doorShada maxuu ugu carari? Doorashada waxey ka dhici xamar, baarlamaanka baa fartaag ku codeyn.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

lol@ Sheikh Shariff, Sheikh Sakiin & Farmaajo getting told off. I guess Mahiga is the boss of Mogadishu afterall.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Zack meesha sharci kama jirto Barlamaanka oo 11 sano wax ku qaban waaye maxey 3 sano ku qabanaayan? Shariifka waa saxan yahay... Sanad ayaa ku haboon in lagu daro Xukumadda ileen hadda ma doorasho iyo wareer ayaa la galaa iyadon Dalka laga sifeyn cadowga? Aniga koleey olalaha Sakiin iyo barlamaanka wado waxaan uu arkaa mid lagu fashilinaayo howlgalada dowladda ay ka wadaan dalka ileen everytime howlgall la bilaabo waxaa fashilinaayo Sakiin iyo Barlamaan ku sheega..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mayaani   

Ninkaan Mahigaan maan doorane madaama isugu uu yahay defact leader maxaa yeelay Somalidu isuma ogla inay ayaga is xukumaan. Waxaase iigu daran inay ayagu isu tanasulaan lagama yaabo oo go'aan umada dan u ah qaataan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ Sharci haddii la rabo iyo waxqabad Ama sanad halo kordhiyo, hadii kale Barlamaanka hala kala diro Xukumadana sidoo kale kedib hala doorto Barlamaan iyo madaxweyne. Ya maqlaayo hee

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ Ma garanayo dastuurka balse Barlamaanka waaye koleey laakin Barlamaanka 3 sano extra ay ku darsadeen oo iyaga isa siiye marka sharci darro waaye, marka laba wax ayaa lagu xalin karaa khilaafka saan hore kugu sheegay, Barlamaanka iyo xukumadda oo la kala diro ama sanad lo kordhiyo Xukumadda iyo Barlamaanka...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this