Sign in to follow this  
Liqaye

Shirweyne ay Culimada Somaliland kaga hadleen fikirka is-qarxinta iyo aragtida Islaamka

Recommended Posts

Liqaye   

Talaado, 29 March 2011 (HOL)- Culimada Somaliland ayaa markii u horraysay isugu yimi Shirweyne ballaadhan oo ay kaga hadlayeen fikirka is-qarxinta iyo argagaixisinimada iyo habka looga hortegi karo, waxaanay ka warbixiyeen in aanay meel ku lahayn Diinta Islaamka.

 

 

 

Kulankan oo socon doona muddo saddex maalmood ah, ayaa waxa ka soo qaybgalay Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Wasiirka Beeraha, Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Diinta iyo Awqaafta, masuuliyiin ka socota hay’adaha waddaniga iyo culimaa’udiin ka kala yimi lixda gobol ee dalka.

 

 

 

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay munaasib tahay ka hadalka xagjarnimada iyo cunfiga sidii looga hortagi lahaa, kadib markii qarax argagixiso ee 29 October lala beegsaday magaalada Hargeysa. “Waa markii ugu horreysay ee shirweyne loo qabto Culimada Somaliland oo ay hoggaaminayso Wasaaradda Diinta & Awqaaftu, iyada oo gudanaysa waajibkeedii Diiniga ahaa oo mar kasta dhiirrigelisa wadatashi, is-qancin iyo wax walba lagu dhameeyo wadahadal oo aan ra’yi keliya la isku qasbin,” ayuu yidhi Madaxweyne-xigeenku, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Xukuumadda Somaliland waxa ka go’an ladagaalanka fikirka xag-jirnimadda, Wasaarada Diinta iyo awqaafta waxaanu faraynaa inay soo diyaariyaan barnaamijka loogu tallo galay wacyigelinta dhalinyarada oo odayaal ahaan iyo culimo ahaanba maanta aad ka qeyb qaataan arrintaasi sidii bulshada looga wacyi gelin lahaa,”

 

Wasiirka Diinta iyo Awaaqta Sheekh Khaliil Sheekh Cabdiraxmaan oo halkaas ka hadlay, ayaa madaxdii iyo marti sharaftii ka soo qaybgalay kulankan lagu lafa-gurayey xagjirnimada iyo cunfiga ku tilmaamay kii ugu horreeyey ee culimada lixda gobol dalku isugu yimaaddeen. “Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa walaalkay Maxamed Cumar oo runtii hawlo badan nala qabtay intii aan jooga Wasaaradda, tanina waxay tahay ka mid tahay hawlihii hore uu nooga caawin jiray. Culimaa’udii oo kulankii ugu horreysayey ee aannu isaga yeedhno gobollada iyo degmooyinka dalka intii awoodi karaysay, taas oo macnaheedu yahay culimaa’udiin haddii aynu nahay in bal cududeena iyo tamarteena aynu aragno intay le’eg tahay oo aynu isku aragno waynu kala maqmaqannahaye oo aynu is muujino, iskuna muujino nafteena iyo waxaynu la qaban karno ummaddan Somaliland ee aynu ka dhalanay, hadday tahay sharciga iyo horumarkaba oo aynu nahay xubnaha ugu muhiimsan,” ayuu yidhi Sheekh Khaliil Sheekh Cabdiraxmaan Axmed.

 

 

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo furitaankii kulankan ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeeddooyinka uu ku qotomo kulankani, isaga oo xusay inuu khuseeyo nabadgelyada iyo fikirka xagjirnimada iyo cunfiga ee ay ka qaybto diinta Islaamku, waxaannu sheegay inay baaq midaysan ka soo saari doonaan culimada dalka iyo ka Wasaarad ahaanba.

 

 

 

Madaxa Xarunta Daraasaadka Siyaasiga ah Maxamed Cumar Carteh oo isaguna ka hadlay furitaankii kulankaas, ayaa u mahadnaqay madaxdii iyo marti sharaftii kale ee ka soo qaybgalay, isaga oo xusay in aanay ahayn markii ugu horreysay ee ay wada shaqeeyaan Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.

 

 

 

Maxamed Cumar Carteh waxa uu halkaas ku soo bandhigay dhacdooyinkii taariikheed ee kala dambeeyey ee uu soo maray dalka iyo caqabadihii kala duwanaa ee dalka Somaliland la soo kulmay muddooyinkii ay bilaambeen argagixisnimada, isaga oo gunnaanadkii talobixin kooban halkaas ka soo jeediyey; “Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu maanta waxay isugu kayo yeedhay in talo-bixin sharciyeysan la siiyo iyo wixii ay kaga hortagi kari lahaa oo sida ugu dhakhso badan looga hirgelin lahaa.

 

 

 

Intaas kadib waxay ka qaybgalaashu su’aalo ka weydiiyeen iftiimintii iyo sharraxidihii laga bixiyey xagjirnimada iyo cunfiga soo ifbaxaya, iyagoo sidoo kale ku darsaday fikradooda ku waajahan sidii looga hortagi lahaa amma dadka looga waycigelin lahaa xagjirnimada iyo cunfiga.

 

 

 

Shirkan ayaa noqon doona mid sannad leh oo ay culimada Somaliland ku lafa-guridoonaan hadba dhibaatada soo wajahad bulshada iyaga oo kaashanaya Wasaaradd Diinta iyo Awqaafta.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this