Sign in to follow this  
Liqaye

Professor Maxamed Cabdi Gaandi ayaa shir uu isgu yeerey odayaasha beeshiisa ku qabanaya Naivasha

Recommended Posts

Liqaye   

Professor Maxamed Cabdi Gaandi oo ka tirsan xubnaha baarlamanka KMG ee sida weyn uga soo horjeeda siyaasadda DKMG ayaa shir uu isgu yeerey odayaasha beeshiisa ku qabanaya magaalada Naivasha ee dalka Kenya.

 

Shirkaasi ayaa waxaa looga hadli doonaa sidii looga hirgelin lahaa gobollada Jubbooyinka maaul goboleed uu hoggaamiyo Maxamed Cabdi Gaandi oo ka soo jeeda gobolka kilinka shanaad ee dalka Ethiopia.

 

Afhayeen u hadley Professor Gaandi ayaa sheegey in caqabado badan kadib oo lagu woiiqayey qorshaha Mr Gaandi ay shirkadda shidaalka dalka Faransiiska ee TOTAL, dowladda Shiinaha, wasiiro iyo xildhibaano ka soo jeeda beesha ******** ee dalka Kenya ay ku guuleysteen inay soo abaabualaan shirka ka dhacaya magaalada Naivasha ee dalka Kenya.

 

Afhayeenku waxaa uu intaa ku darey in shirkadda TOTAL loo balan qaadey inay shidaal ka qoddo gobollada Jubbooyinka, isla markaana ay maalgelineyso shirka ka dhacaya dalka Kenya.

 

Shiinaha ayaa iyana gacan ka geysaneysa hirgelinta shirkan oo dhowr maalmood socon doona, waxaan xukuumadda Beijing loo balanqaadey in lagu wareejiyo dhamaan dhul beereedka gobollada Jubbooyinka.

 

Kenya oo uu horkacayo wasiiru dowlaha difaaca Maxamed Yusuf Xaaji ayaa loo xilsaarey dhanka abaabulka shirka iyo hawlgalo dhanka milateriga ah oo iyadoo la adeegsanayo ciidamada Kenya gacanta loogu dhigayo degaanada Jubbooyinka oo muddo hardan loogu jirey.

 

Madaxda Soomaalida Kenya ee ay isku beesha yihiin Maxamed Cabdi Gaandi ayaa u muuqda kuwa si khaldan wax ugu sheega Madaxweynaka Kenya Mwai Kibaki marka laga hadlayo arrimaha Somalia , gaar ahaan gobollada Jubbooyinka, si ay u gaaraan danahooda beeleed.

 

Dhowaan waxaa gudaha raadiyaha qaranka ee Kenya KBC laga dhex furey idaacad beeleed taageerta Gaandi oo ya ka hawlgalaan rag wada beeshiisa ah.

 

Talaabadan ayaa u muuqata mid sii hurin doonta colaadaha ka aloosan Somalia, gaar ahaan gobollada Jubbooyinka, maadaama ay ku habbooneyd in dhaqdhaqaaka kasta oo laga hirgelinayo Somalia ay gacan ku yeelato Dowladda KMG ee Somalia.

 

Dhowaan ciidan ay leedahay dowladda KMG ee Somalia oo lagu tababarey dalka Kenya ayaa lagu jebiyey dagaal ka dhacey degaanka Dhoobley ee koonfuurta Somalia, waxaana jabkaasi loo aaneynayaa khilaaf uu abuurey Gaandi oo doonaya in ciidamada beeshiisa ee ka soo jeeda Somalia iyo Ethiopia loo daayo hawlgalka milateri ee la doonayo in kooxda Al-Shabab looga sifeeyo dalka.

 

 

Warar hoose ayaa sheegaya in xubno ka tirsan hawlgalka AMISOM , xafiiska magaalada Nairobi ay door weyn oo dalaalnimo ka cayaarayaan mashruucan uu wato Gaandi ee aan la hubin halka uu ku dhamaan doono.

 

Madaxweynaha DKMG ee Somalia Sheikh Shariif Sheikh Ahmad ayaa waxaa la gudboon inuu umuurtan kala hadlo dowladda Kenya oo iyadu dhulkeeda loo adeegsanayo in lagu gaaro go'aamo u muuqda inaaney sax ahayn, kuwaas oo sii murjin kara xaaladda amaan ee dalalka gobolka.

 

Ethiopia ayaa horey walaac uga muujisey dhaqdhaqaaqa Gaandi ee ku wajahan gobollada Jubbooyinka, iyagoo ka walaacsan in Jabhadda ONLF ee dagaalka kula jirta Ethiopia ay halkaasi saldhigyo ka sameysato.

 

Madaxda Ethiopia ayaa horey ugu sheegey Mareykanka in sirdoonka Kenya aaney ahayn kuwo waxqabadkoodu uu sareeyo marka laga hadlayo arrimaha Somalia, sidaa darteedna ay ka soo horjeedaan qorshaha Gaandi ee Kenya ay taageereyso.

 

Sida la wada ogsoon yahay waxaa gobollada Jubbooyinka ku nool kumanaan qaxooti ah oo ka soo jeeda kilinka shanaad ee dalka Ethiopia, kuwaas oo waddanka soo dejisey dowladdii Maxamed Siyaad Barre, waxaana badankooda ay taageeraan jabhadda ONLF.

 

Jimcaale Maxamed Hiraabe

 

Nairobi, Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

JB waa markaad dhihi jirtay bacaaaaaac :D ,,..... mantase waad qoslaysaa... :D

 

Maqaalkan wax jiro ma ahan ,, Gaandhina Itoobiya kuma dhalan .... Jimcaale cabaadka naga yaree ku dhe liqoooow..

 

State of Jubaland, kama liidato Cowl iyo kuwa yoowga yar yar ee kale. Qaska iyo been abuurka ha laga daayo.

 

Hadii kale nin iyo tabartiis....

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Bashiir cabaad iga mahaa personally jubaland ama xunjuf land ina lagu dawaqo I dont care, this is somali news, it is obviously highly editorialised but as evidenced by wikileak reports and kenyan media reports the professor is getting a lot of support from the kenyans on his pet project enough for the ethiopians to comment on it.

 

So since you say it is not true inoo yaraa fahfahi saxiib.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Adeer Liqe aslanba qofkii soo qoray ma qumana oo waa shaqsi madaxa looga jiro daliilna waxaa kuugu filan sida dadka deegaanka uu oogu tilmaamay qaxoonti aan aayahooda maamuli karin markaad akhriso gunaanadka maqaalka wuxuu ku soo af jaray cadiifad qabiil oon sal iyo raadtoona laheyn.

 

Siyaasada Sherif iyo ta Gaandhi waa la soo af jaray iyadoo loo tiigsaday sharci iyo dastuur. Somaliya nin walba taakadiisa uu ku nool yahay ayuu maamul u samaysan doonaa si mudo yar gudaheed looga gudbo aas aaska dowlad federal ah. Itoobiya waxay ka cabsi qabtaa Somaliya oo quwad leh nabad ah ama xasiloon mana rabto inay aragto dad Somali ah oo xor u ah in ayaahooda ka tashadaan.

 

Professor Gaandi maahan Qabqable dhul laheyn sidii Barre oo kale kumana wado jaahil cawaan ah oo aan garaneynin waxa uu xaq uleyeehay saas ay tahay arimaha Jubaland iyo Gedo waxaa hormood ka ah Gaandi isagaana looga dambeyn wixii hoos yimaada dhaamaan aaga Jubbaland iyo Gedo.

 

Dood hadaad ka qabto, adaa sheegi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

The author of this garbage is definitely sick... sick of many things. Plus he needs some schooling before he puts the pen on the paper (well fingers on the keyboard in this case). Writing101 buu u baahan yahay intuusan wax qorin.

 

Ethiopia ayaa horey walaac uga muujisey dhaqdhaqaaqa Gaandi ee ku wajahan gobollada Jubbooyinka, iyagoo ka walaacsan in Jabhadda ONLF ee dagaalka kula jirta Ethiopia ay halkaasi saldhigyo ka sameysato.

So WHAT?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gandigan ay ka sheekeynayan anigu odaygi yare eeh hindiga aha eeh go a cad huwan jiray uun baa muqaal ii samaysmey shaw waba mid Itoobiyaan ah oo dawlada meel magaadho wasiirka ah. Haye so gandi wuxu rabba inu jubbaland ka dhex samaysto dhul alshabaab oo kiniya gacan ka helo dabeedna Itoobiya kaga duulo dalku ka so jeedo waleh meel xun bay ka degeysa tani

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

So his grandfather was called gandhi lol? somalis never cease to amaze me with past foreign names like Michael Maryamo, Omar "Sterling", Gandhi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Bashiir;705936 wrote:
Aa bal SNMtii yar yaredy daya ,,
:D
... wayba isku dhex yaacday....

:D :D ma arki karaan gobolada kaloo horay u sii socdo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

The Zack salah is a muslim name that is familiar i don't consider it foreign. When i said foreign names ( i meant christian, hindu, english names likes Sterling, Michael, Gandhi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this