Sign in to follow this  
Liqaye

Dowladda KMG ah oo sheegtay inay isku soo dhiibeen dhalinyaro ka tirsan Al- Shabaab

Recommended Posts

Liqaye   

Af-hayeenka Wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay inay isku soo dhiibeen dhalinyaro ka tirsan Al Shabaab oo ku go’doomay dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacayay Qaar ka m id ah degmooyinka gobolka

 

Afhayeenkaas oo lagu magacaabo C/risaaq Qeylow oo ka hadlayay arintaasi ayaa waxaa uu sheegay in 2 ka mid ah dhalinyaradda u dagaalanta al shabaab ay isku soo dhiibeen ciidamadda dawladda waxana uu intaasi raaciyay in 2 dhalinyarro ay dawladu gacan ku qabandoonto dabadeedna ay xanaaneeyndoonto.

 

C/risaaq Qeylow ayaa sidoo kale sheegay in dhalinya ku tilmaamay in maalmo ka hor ay ku xayirmeen aagaga dagaalka gaar ahaan dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, isagoo tibaaxay in dhalinyarada isku soo dhiibtay ay yihiin Caruur aad u da’yar.oo ay asgareeyeen horjoogayaasha al shabab.

 

Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa uu intaasi ku daray in dhalinyarada isku soo dhiibtay dowladda ay ka mid yihiin dhalinyaro farabadan oo ka tirsan Shabaab kuwaasi oo horey isugu soo dhiibay dowladda, waxaana uu tilmaamay in dhalinyaradaasi Xukuumadda aysan wax dhibaato ah kala kulmayn.

 

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo Wasiirka Gaashaandhiga waxaa ay u sheegeen in dhalinyarada kasoo goosata Al Shabaab ee isku soo dhiibta dowladda ay cafis u fidin doonaan islamarkaana ay ka iibindoonaan doonaan hubka ay kala soo goostaan oo ay sitaan sida ay sheegeen Mas’uuliyiintaasi ka tirsan dowladda Soomaaliya.

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Muqdisho-Somalia

Tel:0025261-5573321

00252699995088

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Dowlada Somalia oo iyadoo aan soo bandhigin sheegtay iney isku soo dhiibeen askar qoryo culus wadata oo ka tirsan ciidamada Al-Shabaab

 

Afhayeenka wasaarada warfaafinta xukuumada Somalia Shiikh C/risaaq Qeylow ayaa warbaahinta magaalada Muqdisho qaarkood ka sheegay in askar ka tirsan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay isku soo dhibeen dowlada Somalia, isagoo aan soo bandhigin sheegina iney u soo bandhigi doonaan warbaahinta.

 

Qeylow ayaa intaa ku daray in ciidamada Al-Shabaab ee isa soo dhiibay oo tiradooda uu ku sheegay labo askari ay ku go’doomeen aagag ka tirsan degmada H/wadaag ee gobolka Banaadir iyagoo ka qeyb qaadanaya dagaaladii maalmo ka hor ka dhacay degmadaasi ee dhexmaray ciidamada Al-Shabaab oo dhinac ah iyo ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM oo dhinac kale ah, wuxuuna xusay in ugu damnbeyntii ay isku oo dhiibeen ciidamada dowlada.

 

Waxaa uu intaa ku daray afhayeenku in labadan askari ee isa soo dhiibay ay ahaayeen dhalinyaro aad u da’yar ayna ku hubeysnaayeen labo qori oo kala ah Ak-47 iyo BKM oo ah qoriga dhawaqa dheer ee Somalidu u taqaano daba jeexa, wuxuuna sheegay in labadaas iyagoo bad qaba haatan lagu xanaaneynayo magaalada Muqdisho.

 

“Qoryaha ay wataan waa loo lacageyn doonaa sida uu horeyba ugu balan qaaday RW wasaare farmaajo ciidamada isa soo dhiibana waxaa loo sameyn doonaa daryeel nololeed iyo mid waxbarasho oo maskaxdooda looga saarayo waxyaabaha qaloocan ee ay ku soo shubeen nimankii ay la joogeen ee khawaarijta ahaa sida horeyba loogu sameeyey raggii saaxiibadod ah oo ka soo tegay kooxdaas” ayuu inta ku daray Afhayeenka wasaarada warfaafinta xukuumada Somalia Shiikh C/risaaq Qeylow.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

“Qoryaha ay wataan waa loo lacageyn doonaa sida uu horeyba ugu balan qaaday RW wasaare farmaajo ciidamada isa soo dhiibana waxaa loo sameyn doonaa daryeel nololeed iyo mid waxbarasho oo maskaxdooda looga saarayo waxyaabaha qaloocan ee ay ku soo shubeen nimankii ay la joogeen ee khawaarijta ahaa sida horeyba loogu sameeyey raggii saaxiibadod ah oo ka soo tegay kooxdaas” ayuu inta ku daray Afhayeenka wasaarada warfaafinta xukuumada Somalia Shiikh C/risaaq Qeylow.

 

This is a shrewd move...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this