Sign in to follow this  
Liqaye

Dowladda KMG ah oo dhawaan u adeegsan doonta dagaalada Muqdisho Gawaarida gaashaaman iyo Taangiyo

Recommended Posts

Liqaye   

Ra'iisal Wasaaraha Dowladda KMG ah Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) oo u waramayay Idaacadda afka Dowladda ku hadasha ayaa sheegay in dhowaan magaalada Muqdisho lagu arkayo ciidamo cusub oo qalabkoodu u dhan yahay, kuwaasi oo sida uu sheegay Ra'iisal Wasaare wata hub cusub iyo qalabka ciidamada oo casri ah.

 

Inkasta oo Ra'iisal Wasaaraha aanu faahfaahin badan ka bixin qorsheyaasha iyo istiraatiijiyada Dowladda ee ku wajahan dagaalka ay kula jirto xarakada Al-Shabaab, ayaa ku gaabsaday in xilliyada soo socda magaalada Muqdisho uu ka dhici doono isbedel ay sameeyaan ciidamada Dowladda, gaar ahaan furimaha ay isku hor fadhiyaan Dowladda iyo xarakada Al-Shabaab.

 

"Muddo dhow Dowladda isbedel ayay ka sameyneysaa Muqdisho, waxaana la arki doonaa ciidamo cusub iyo hub cusub" ayuu yiri Ra'iisal Wasaare Farmaajo oo sheegay in dowladiisu dejisay istiraatiijiyad ay Muqdisho uga saareyso xarakada Al-Shabaab, wuxuuna tilmaamay inuu isagu warbaahinta ka sheegeynin warbixinada milateriga oo ah sir u qarsoon isla markaana aan loo baahneyn in laga hordhaco.

 

Hadalka Ra'iisal Wasaaraha Dowladda KMG ah ayaa ku soo beegmaya xilli Dowladda KMG ciidamo loogu tababarayo xerada Xalane, ciidamadaas oo loo tababarayo isticmaalka gawaarida gaashaaman iyo Taangiyada, hase yeeshee arrintaasi ayaa haddii ay hirgasho waxay noqoneysaa dowladii ugu horeysay ee ciidamadeeda dagaalada Muqdisho u adeegsata Taangiyada iyo gawaarida gaashaaman.

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Muqdisho-Somalia

Tel:0025261-5573321

00252699995088

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Quote un-quote

 

Hadalka Ra'iisal Wasaaraha Dowladda KMG ah ayaa ku soo beegmaya xilli Dowladda KMG ciidamo loogu tababarayo xerada Xalane, ciidamadaas oo loo tababarayo isticmaalka gawaarida gaashaaman iyo Taangiyada, hase yeeshee arrintaasi ayaa haddii ay hirgasho waxay noqoneysaa dowladii ugu horeysay ee ciidamadeeda dagaalada Muqdisho u adeegsata Taangiyada iyo gawaarida gaashaaman.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this