Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Galkacyo security getting totally out of hand as govt officials are systematically hunted down

Recommended Posts

Gaalkacyo:Koox hubaysan oo weerar khasaaro geystay ku qaaday gaari Rakaab ah oo marayey inta u dhaxaysa Galinsoor & Gaalkacyo.

22. marts 2011

 

Gaalkacyo:(Allpuntland)-Wararka laga helayo Koonfurta gobolka Mudug ayaa xaqiijinaya in halkaas ay koox hubaysani weerar ku qaadeen midkamid ah gaadiidka waaweyn ee rakaabka qaada kaas oo kasoo ruqaansaday koonfurta soomaaliya kuna soo wajahnaa gobolka mudug,waxaana ay wararku intaas kudarayaan in weerarkaas oo ahaa mid si bareer ah loo qaaday ay khasaaro kaladuwan ka dhalatay.

 

Warar hufan oo ay APL ka helayso Konfurta gaalkacyo ayaa sheegaya in weerarkaas ay ku dhinteen Labo ruux ayna jiraan dhaawacyo intaas kabadan,waxaana ay wararku hoosta ka xariiqayaan in dhaawacyadii weerarkaas lagu dabiibayo isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo kuwaas oo qaarkood ay xaaladoodu wanaagsantahay.

 

Dadka khasaaradu soo gaartay ayey wararku xaqiijinayaan in ay qeybo kamid ahi gaariga kasoo raaceen magaalada Baladweyn ee xarunta gobolka Hiiraan,waxaanan weli la garan ujeedada weerarkan gaariga dadweynaha lagu qaaday,iyadoo ay taasi kamid noqonayso weerar isdabajoog ah oo gaadiidka dadweynaha ay kuqaadaan kooxo isbaarooyin badani ay u yaalaa deegaano kamid ah Mudug koonfurteeda & Galguduud.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Axmed Cali salaad oo sheegay in ay xaalada Galkacayo Tahay ka sii daraysa iyo Weriey liibaan oo uu sheegay in uu la mid yahay dadka Falalka loo soo qabtay.

Gaalkacyo (SPR): Magaalada Galkacayo ee xaruunta Gobolka Mudug ayaa waxaa dabayaaqadii Toddobaadkii hore iyo xalayba waxaa ka dhacay Falal gaadmo iyo qaraxyo nooca rumuud ah oo Magaaladaasi ka dhacay, waxaana qarax lagu weeray Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland, iyo dil xalay loo geystay Nabadoon ka Tirsan Kuwa Gobolka Mudug.

 

Axmed Cali salaad Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo goor dhowayto la hadlay warbaahinta Maxaliga ah ayaa waxaa uu ka hadlay Falalkaasi waxaana uu Tilmaamay in ay jiraan kooxo qas wadayaal ah oo inta badan Falal noocaasi oo kale ah ka sameeya Galkacayo, waxaa kaloo uu saxaafada ka cadeeyey in ay jiraan kooxo arintaasi ku lug leh oo Magaalada ku soo badanaya.

 

Gudoomiyaha Gobolka Mudug waxaa uu canbaarayn iyo dhaleecayn dusha uga Tuuray kooxahaasi oo uu sheegay in ay yihiin kuwo bulshada ku dhex jira isla markaasna markasta isku deyaya in ay Fuliyaan Ficilo xun xun oo lagu dhawacayo bulshada Gobolka Mudug.

 

Waxaa kaloo uu ka hadlay dad ay ciidamada Amaanka ee Puntland u soo qabteen qarax lagu beegsaday Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland kaasi oo ahaa mid geystay khasaare dhaawac ah oo Afar qof ah, balse dad badan ayaa loo qabtay waxaana ku jira Weriye Liibaan Qaran oo ka Tirsan weriyaasha Galkacayo.

 

Axmed Cali salaad oo weriyaha xidhan arinta wax laga waydiiyey ayaa si wayn isaga leexiyey in uu war dheer oo ku saabsan weriyaha bixiyo waxaana uu sheegay in uu weriyuhu ku jiray dadkii la qabqabtay balse uu xaq u leeyahay in uu Maro baadhitaaka ay marayaan dadka kale ee lala xidhay.

 

Saxaafada waxaa uu ka codsaday in aysan qod qodin sababata loo xidhay iyo waxyaalaha uu u xidhan yahay balse waxaa uu sheegay in uu ka mid yahay dadka lagu Tuhmay in uu qaraxaasi ka dambeeyey isla wakhtigaasi xabsiga ay u taxaabeen ciidamada Amaanka.

 

Weriye liibaan Qaran oo ay saxafiyiinta Galkacayo ku booqdeen Xabsiga uu ku xidhan yahay ayaa sheegay in uusan garanayn ujeeda loo xidhay wakhtiga la soo qabtayna uu ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay oo ah warshadii hore ee Galayda Galkacayo halkaasi oo uu u joogay in uu hello Xog buuxda oo ku aadan qaraxaasi basle ay ciidamada Amaanka xidheen.

 

Laamaha Amaaka ee Gobolka Mudug ayaa haatan waxaa ay ku jiraan heegan sarre oo ku aadan sidii ay ula socon lahaayeen dhaqdhaaqyada bulshada Magaalada Galkacayo iyo dadka iyagu ka dambeeya qaraxyada iyo dilalka qorshaysan waxaana aan jirin cid ilaa hadda loo soo qabtay dilka Gudoomiyihii Gudiga Amniga ee Gobolka Nabadoon Xuseen cali Dude' oo xalay ay kooxo hubaysan ku dileen Aaga Masaajidka raxma ee Xaafada Garsoor ee Gakacayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

WAR DEG DEG AH: Gudoomiyah​ii Gudiga Amniga Galkacayo oo Caawa dil Toogasho Lagu dilay

Print E-mail Be the first to comment! Gaalkacyo (SPR): Barmaha Magaalada Galkacayo ee xaruunta Gobolka Mudug ayaa waxaa dil Gaadmo ah loogu geystay Gudoomiyihii Gudiga Amniga ee degmada Galkacayo Nabadoon Xuseen Cali dude, waxaana wakhtigaasi uu ku sugnaa Aagama Masaajidka Raxma ee xaafada Garsoor.

 

Dilka Gudoomiyaha ayaan ilaa hadda la ogayn sababata rasmiga ah ee ka dambaysa in la dil gaadmo ah lagu dilo balse waxaa ay Ciidamada Amaanka ee Galkacayo aagaasi ka sameeyeen howl galo baadhitaano ah oo ay ku baadi goobayaan kooxihii dilkaasi ka dambeeyey.

 

 

Waxaa la shaaciyey in hubka Fudud loo adeegsaday dilka Nabadoonka oo wakhtigaasi ku sgunaa Xaafada Garsoor ee Galkacayo, waxaana isla markiiba baxsaday kooxihii shuftada ahaa ee dilkaasi Geystay, waxaana dilka nabadoonka uu qayb ka yahay dilal isa soo tarayey oo dhacayey Maalmihii Tegay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntlnad oo sheegtay inay wax ka qabanayso amaan darida Gaalkacyo

 

Gaalkacyo: (Sh. M. Network) Maamul goboleedka Puntland ayaa wacad ku maray inay si deg deg ah wax ugu qabanayaan amni darida ka jirta Woqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.

 

Xili maalmihii u dambeeyay dhinaca Woqooyi ee magaalada Gaalkacyo ay ka dhacayeen falal lido ku ah amniga islamarkaana lagu bartilmaameedsanayay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Mudug iyo Saraakiisha Ciidamada ayaa hadana maanta markii ugu horeysay waxaa ka hadlay Mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Mudug.

 

Axmed Cali Salaad Faraax oo ah gudoomiyaha gobolka Mudug ee Maamulka Puntland oo maanta saxafiyiinta kula hadlayay qeybo ka mid ah magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa uu sheegay in Maamulka Puntland ay wax ka qabanayaan falalka amaan dari ee kasoo cusboonaaday Magalada Gaalkacyo dhinaceeda Woqooyi, wuxuuna sheegay in ciidamda amniga ee Mamaulka Puntland ay wadaan howlgalo xoogan ay ku baadi goobayaan kooxaha ka dambeeya falalkaasi amni dari.

 

Hadalka kasoo yeeray gudoomiyaha gobolka Mudug ee Maamulka Puntland ayaa kusoo aadaya iyadoo inta badan Woqooyiga magaalada Gaalkacyo xaafadaha ay ka koobantahay ay ka socdaan howlgalo xoogan oo ay wadaan ciidamada amniga ee Maamul goboleedka Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;704403 wrote:
Gaalkacyo:Koox hubaysan oo weerar khasaaro geystay ku qaaday gaari Rakaab ah oo marayey inta u dhaxaysa Galinsoor & Gaalkacyo.

22. marts 2011

 

waxaanan weli la garan ujeedada weerarkan gaariga dadweynaha lagu qaaday,iyadoo ay taasi kamid noqonayso weerar isdabajoog ah oo gaadiidka dadweynaha ay kuqaadaan kooxo isbaarooyin badani ay u yaalaa deegaano kamid ah Mudug koonfurteeda & Galguduud.

XX is lashing out due to the failure of the secessionists and their main asset Amira Zubayra who he adores greatly. In his anger he confuses the road between Galinsoor & Galkacyu to the city, and an attack on civilians as assasination of admin members?

 

keep it up

Share this post


Link to post
Share on other sites

Are you denying galkacyo security is getting out of hand

 

Maamul goboleedka Puntland ayaa wacad ku maray inay si deg deg ah wax ugu qabanayaan amni darida ka jirta Woqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Galkacyu is at war with Amira Zubayra Godane and the Al Shabaab assasins and they will be dealt with. Its a war against Al Shabaab that unites all of Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;704722 wrote:
Are you denying galkacyo security is getting out of hand

All garowe ever does is moan and complain about others doing something to them. They don't know how to fix the problem.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gaalkacyo(Puntlandi.com) Maleeshiyaad kasoo jeeda Koonfurta Gaalkacyo ayaa caawa makhribadii soo weerarey Ciidamada Booliska Puntland ee ku sugnaa Aaga Warshad Galey Magaalada Gaalkacyo, Hal Askari oo bileyska ka tirsan ayaa dhintey.

Dhinaca MAleeshiyaadka khasaaraha gaarey lama cadeyn balse halgaari ayaa gacanta looga dhigey.

 

Malaashiyaadkaan ayaa si gaadmo ah ku soo weerarey Bileyska Gaalkacyo goob ay kusugnaayeen, Waxeyna Maleeshiyaadkaan kasoo duuleen Koonfurta Gaalkacyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this