Sign in to follow this  
Liqaye

News Thread on Galmudug state [Central recovery zone].

Recommended Posts

Liqaye   

Jaamacadda Galkacyo University oo Xariga laga jarey

 

GALKACYO-Xafladaan oo ka dhacday Hotelka embasy ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madaxda Hay’adda MUFED Madaxweynaha Galmudug Golayaasha Dowlad Gobeedka Galmudug, Bahda waxbarashada iyo QaybahaBulshada ayaa xariga looga jarey Jaamacadda Galkacyo University (GU) iyada oo ay ka hadleen madaxdii ka soo qeybgashey gaar ahaan Madaxweyna Gal-Mudug State Maxed Axmed Caalin oo ka waramay muhiimada ay waxbarashadu u leedahay bani’aadamka, dhamaan dadkii xaflada ka hadley oo dhami waxay muujiyeen farxada ku aadan in Mudug iminka ay yeelatey Jaamacado dhamaan lagu baranayo Maadooyinka oo idil.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Maamulka Gobalka Mudug ee ee Galmudug oo kuguulaystay iney kasaaraan ciidamada daraawiishta oo lawaregay saldhiga booliska ee Gobalka Mudug

 

police.jpg

 

Galkacyo-hobyonet) Maamulka Gobalka Mudug ee ee Galmudug oo kuguulaystay iney kasaaraan ciidamada daraawiishta oo lawaregay saldhiga booliska ee Gobalka Mudug.

 

 

 

Maamulka Gobalka mudug ee galmudug ayaa manta ku guulaystay iney kasaaraan ciidamo katirsan kuwa daraawiishta ee galmudug oo mudo kooban lawareegay salidhiga Booliska ee Magaalada gaalkacyo kadib markii Ciidamadaas sida lasheegay ay kacaroodeen ciidamo katirsan Booliska oo kabaxsatay xabsiga gaalkacyo oo lagu eedeeyay iney kulug lahaayeen nin habeen dhaweyd howlgal ay sameeyeen ciidamada amaanka ay kudileen duleedka magaalada Gaalkacyo.

dowlad-goboleed.jpg

Waxaana mudo xirnaa wadooyinka soogala salidhaga Booliska ee Magaalada Gaalkacyo iyadoo lagu arkayay ciidamo aad u xoogan oo katirsan kuwa daraawiishta Galmudug oo halkaas kusugan waxaana markii danbe halkaasi booqday xubno uu kamid yahay Gudoomiyaha Gobalka Mudug iimaan xasan jiirow iyo xubno kale oo aad looga yaqaano gobalka waxayna mudo wadahal kulajireen qaar katirsan horjoogayaasha Ciidamada iyagoo ugu danbeyn kuguulaystay iney katagaan Ciidamadu salidhiga Booliska.

 

Gudoomiyaha gobalka mudug Iimaan Xasan Jiirow oo kadib kulankii ay layeesheen ciidama lahadlaayay saxaafada ayaa sheegay in lagu daba jiro maxaabiistii xabsiga kabaxsatay islamarkaana laxaliyay wixii sababay qilaafka hada wixii kadanbeeyana aney soonoq doonin arinta noocaan oo kale ah.

 

Waa markii ugu horeysay ee Ciidamada Daraawiishta galmudug ay si xoog ah ula wareegaan Salidhiga Booliska ee magaalada Gaalkacyo ee Galmudug .

 

W.D.Burhaan c/laahi xaashi-galkacyo

 

Burhaan712@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Tartan aqooneedkii Dugsiga Hoose iyo Dhexe ee Albeder oo kusoogaba gabooyay xarunta school-kaas ee Gaalkacyo

 

gggg.jpg

 

Galkacyo-hobyonet) Waxaa manta kusoo gabagabooyay xarunta Dugusiga hoose dhexe ee albeder tartan aqooneedkii u dhexeeyay Ardayda wax kabarata dugsigaas oo loo kalaqeybiyay 8 group oo kala ah Caspian sea,Arbian sea,Red sea North sea,Black sea,White sea,Adriatic sea, Sea of japan.

 

Tartankan oo in kabadan afar bilood kasocday xarunta school-kaas ee magaalada gaalkacyo ayaa waxaa kama danbeys iskugu yimid Red sea and Adriatic sea waxaana 18 kubadisay Read sea halka ay Adriatic sea ay keensatay 14 dhibcood waxaana natiiijadaas kudhawaaqay macalin Bulxan oo kamid ahaa gudigii tartankaas .

 

Ugu horeyna waxaa ka hadlay maamulaha Dugsiga hoose iyo dhexe ee albeder Jaamac Iidle Cabdi oo u mahad celiyay dhamaan Ardada albeder sidoo kalena amaanay ujeediyay Read sea iyo Adriatic sea didaalkii ay sameeyeen loona baahan yahay iney siiwadaan waxabarashada oo aysan halkaas uga harin wuxuuna tusay iney yihiin kuwii mustaqbalka dalka wax uqaban lahaa maadaama sida uu sheegay dalku haatan marayo meel xun loona baahan yahay iney waxbarashada meel fiican kagaaraaan.

 

Sidookale waxaa lagu soodhaweeyay hadalka agaasimaha waaxda tababarada iyo imtixaanaadka ee Wasaarada waxbarashasa Galmudug mudane Muuse Cali Salaad oo isna halkaas kajeediyay hadalo ay si aad ah u xiiseynayeen dhamaan ardadii kusugnayd xarunta school-ka kadib markii uu xusay dhibatada ay leedahay aqoon la’aantu sidoo kale wuxuu kasheekeeyay taariikhda iskuulka hoose iyo dhexe ee albeder wuxuuna hoosta kaxariiqay in manta Macalimiinta wax kadhiga albeder qaar kood ay yihiin kuwii lagu aas ,aasay iskuulkaas kuwo kalana ay wax kabartaan jaamacada magaalada gaalkacyo iyo Jaamacada dalka dibadiisa xushmadna ay u hayaan iskuulka iyagana looga baahan yahay iney Kudaydaan kuwii ka horeeyay .

 

Waxaa ugu danbeyn halkaas kahadlay gudoomiyaha ururka ardeyda Galmudug Yuusuf sheikh cali limi yare oo kubooriyay kuwii laga badiyay iyo kuwii kale ee badiyay iney didaalka sii wadaan ayna kafogaadaan waxyaabaha dhaqanka aan kufiicneyn.

 

School-ka hoose iyo dhexe ee albeder ayaa kamid ah iskuuladii ugu horeeyay ee deegaanada Galmudug laga furay waxaana iskuulka hada wax kabarata arday aad ufarabadan oo kunool magaalada gaalkacyo.

 

Burhaan c/laahi xaashi-

 

gaalkacyo- galmudug

 

Burhaan712@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Jaaliyadda galmudug ee waqooyiga ameerica oo hambalyeysay Gudoomiyaha maxkamada bandiiradley

 

Galmudug-State1-300x25511.png

 

Canada-hobyonet) Jaaliyadda Galmudug ee ku dhaqan waqooyiga ameerica ayaa si weyn u soo dhoweysay howlha isbaaro qaadidia ee ay ku guuleysteen shacabka kala duwan oo ay ugu horeeyaan culumaawudiinka galmudug statae.

 

Jaaliyadda oo kulan looga hdlayo howlihii baaxadda ahaa ee isbaaro qaadista wadada u dhexeysa galkacyo ilaa bandiiradley isugu yimid ayaa ka hadlay sidii loo taageeri lahaa howshaasi muhiimka u ah sooc celinta nabadda ee galmudug stste.

 

Gudoomiyaha jaaliyadda waqooyiga ameerica oo hobyonet.com qadka telefoonka kula hadlay markii shirka uu dhamaaday ayaa ii sheegey in kulanka lagu taageeray howsha quruxda badan ee bulshada galmudug ku dhaqaaqqn taasi oo ah mid geesinimo badan.

 

Jaaliyadda ayaa amaan gaar ah u soo ujeedisey Macalin salaad Cali Muuse oo ah Gudoomiyaha Maxkamadda Bandiiradleey ee galmudug iyagoo ku amaaney gacanta uu ka geystay sidii howlahaasi isbaaro qaadista ah u hirgeli lahayd waxayna ku booriyeen culumada kale ee galmudug inay arimahaasi ku dadaalaan.

 

kulanka ayaa waxaa uu ku soo idlaadey jawi aad u wanaagsan iyadoona lagu faataxeysrtay in alle uu nabaddii ku soo celiyo isla markaana abaaraha uu ka dul qaado guud ahaan dalka gaar ahaan galmudug.

Waxgaradka reer galmudug ee shirka timid

Gudoomiyaha- C/risaaq Xuseen Qaadi

 

Xuseen Xirsi Cali (Dhabac)

 

C/raxmaan Aw-aadan

 

Daahir Abshir Cali

 

Nuuradiin Macalin maxamed

 

C/laahi Galmudug

 

C/casiis Cabdulle Cali

 

Saalax Yuusuf Xirsi

 

Siciid Abshir Cali

 

C/risaaq Xaashi Cali (Ilbir)

 

Abshir Cawaalle Qeybdiid

 

Maxamed Sh.Xuseen (Cure)

 

Cismaan Maxamuud Nuur

 

Maxamed Axmed urur

 

C/rashiid Keeytoon

 

Ibraahim Xirsi

 

Xaliimo Maxamed Sahal

 

Falis Yaasiin Isxaaq

 

C/qaadir Aadan Tubaako

 

C/raxiim Maxamed Cali

 

Tifafatiraha hobyonet

www.hobyonet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Xoogaga Ahlusuna oo Qaaday Jidgooyooyin Ladhigay Wadad Laamiga Gaalkacyo

 

Ciidamada Xoogaga Ahlusuna ee Badbaada Qaranka oo Kaashanaya Shacbka Magaalada Gaalkacyo ayaa Kuguulaystay in ay in ay Kooxo Burcad Jidgooyin Dhigtay Jidka Laamiga halkaasikaqaadaan

 

Saragaal katirsan Ciidamada Ahlusuna ayaa Cawa Idacaadaha Gaalkacyo kasheegay in ay Dagaal lagaleen Burcad waxaana kadhshay dhaawaca 4 ruux oo laba kamid ah ay ahyeen bucada halka labada kalana ay ahaayeen dad shacab ah oo gacansiinayey

 

24 kamidah burcada ayaan xirnay guud ahaana wadada aayn kafaarijnay ayuu yiri Sh.Axmed C/laahi oo katirsan Saraakiiha Xoogaga Ahlusna ee Badbaada Qarnka

 

Baryihii Lasoo dhaafay ayaa Waxaa qilaaf sababay in jidgooyooyin ladhigo waxaa uu kadhexjiray maamulka galmudug waxaana maanta guud ahaanba qaaday Xoogaga Ahlusuna

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Monday, March 28th, 2011 | Posted by admin

Maamulka Jaamacadda Galkayo University (GU) oo Galabtay soo bandhigay qalab ay wax ku baranayaan Ardeyda dhigata Jaamacadda Galkayo University (GU).

 

Maamulka Jaamacadda Galkayo University (GU) oo Galabtay soo bandhigay qalab ay wax ku baranayaan Ardeyda dhigata Jaamacadda Galkayo University (GU).

Maamulka Jaamacadda Galkayo University (GU) ayaa Galabtay waxa ay soo bandhigeen qalab isugu jira Computer iyo Laab kaa soo ay wax ku baranayaan Ardeyda dhigata kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Galkayo University (GU).

Xafladii lagu soo bandhigayay qalabkaasi ayaa waxaa ka soo qeyb galay Mas’uuliyiin fara badan waxaana halkaasi ka hadlay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Col. Maxamed Axmed Caalin isagoo u mahad celiyay dhamaan dadkii isku xilqaamay in ay deegaankan ka hirgaliyaan Jaamacad ay wax ku bartaan u badkooda.

Madaxweyne Maxamed Axmed Caalin waxa uu kula dardaarmay Ardeyda Jaamacadda Galkayo University (GU) in ay sameeyaan dadaal dheeraad ah si mustaqbalka dhaw wax ugu qabtaa Dadkooda,Dalkooda iyo Diintooda.

Sidoo kale waxaa xaflada ka hadlay Wasiirka Iskaashiga Iyo Xiriirka Caalamiga Cumar Maxamuud Rooble (Cumar Suuri) waxa uuna sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay Jaamacadda Galkayo University (GU) ee laga furay deegaanada Dawlad Goboleedka Galmudug.

Wasiirku waxa uu sheegay in deegaankan dhawr sano ka hor waxbarshadu ay aad u liidatay bulshaduna ay la yaabi jireen iskuulada ka furan deegaanka nasiib wanaag maantay deegaanka waxaa ka furan Jaamacad taasina waxaa ay cadeyn u tahay in ay Galmudug gaartay horumar dhanka waxbarshada ah.

Mas’uuliyiintii ka soo qeyb gashay xafladiiay Maamulka Jaamacadda Galkayo University (GU) ku soo bandhigayeen qalabka isugu jira Computerka iyo Laabka ayaa waxa ay kala ahaayeen sidatan:

1. Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Col. Maxamed Axmed Caalin.

2. Wasiirka Iskaashiga Iyo Xiriirka Caalamiga Cumar Maxamuud Rooble,

3. Wasiirka Gaadiidka Cirka Iyo Dhulka C/qaadir Jaamac Saalax.

4. Wasiir Ku xigeenka Kaluumeysiga Dakadaha Iyo Kheyraadka Cilmi Kulan Geedi.

5. Aasaasihii Ahne lataliyaha Jaamacadda Galkayo University (GU) Dr. C/risaaq Maxamed Dalmar.

6. Hormuudka Pro. C/qaadir Maxamed Shirwac.

7. Gudoomiye ku xigeenka Jaamacadda Galkayo University (GU) Dr. Maxamed Axmed Wehliye.

8. Jeneraal C/raxmaan Warsame Cilmi (Caarre).

9. Mudane Cali Xaashi Dhoorre

10. Yaasiin sheikh Cali Naaleeye.

Nuuradiin Cismaan Maxamed (Abuuakram)

Nuuradiin5@hotmail.com or Abuuakram1@gmail.com

Tell: 00252690-753825

Rayigaada waad ka dhiiban kartaa Qoraalkan

 

http://www.codkamudug.com/?p=4067

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this