Sign in to follow this  
Maaddeey

Shabaab: Beeraha ha la fasho 'Pics'

Recommended Posts

Maaddeey   

Waalliga Shabeelaha Hoose oo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay Maal gashtaan Beeraha dalka (Daawo Sawirro). .

Monday, 21 March 2011 07:45 Maamulka Memo Hits: 339 . .

 

 

 

 

 

Wilaayada Islaamiga ah ee Shabeellada Hoose ayaa ugu baaqay qurba joogta iyo ganacsatada Soomaaliyeed inay maal-gashi ku samaystaan dhulka baaxada leh ee barwaaqada ah kuna yaalla Gobolka Shabeellada Hoose oo ay hada ka arimiyaan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

 

 

 

 

 

Waaliga Maamulka Islaamiga ah ee Shabeellada Hoose “Sh.Maxammed Abu Cabdalla” oo saxaafada kula hadlayay gudaha beer aad u weyn oo ku taalla Degmada Jannaale ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ee qurba-joogta ah ay usoo jeestaan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen horumarinta wadanka Soomaaliya.

 

 

 

 

 

Sh.Abu Cabdalla ayaa sheegay in Wilaayada Shabeellada Hoose ay ka jirto nabadgelyo aad u wanaagsan tan iyo markii ay Mujaahidiinta Al-Shabaab la wareegeen gobolka isagoo sheegay in beerihii iyo aseendooyinkii waaweynaa ee ay lahayd Xukuumadii Siyaad Barre ay hada gacanta ugu jiraan maamulka Islaamiga ah cid walba oo maal-gashi ku samaynaysana ay soo dhaweynayaan.

 

 

 

 

 

Wuxuu sheegay inay aad uga xunyihiin gacansatada Soomaaliyeed ee maalin walba lagu dhibaataynayo wadanka Koonfur Afrika “South Africa” isla markaana naftooda iyo hantidooda ay banaysteen burcad afrikaan ah, iyadoo aysan jirin cid xil iska saartay inay wax ka qabato arintaas.

 

 

 

“Ma aha inaad maalin walba hantidiina iyo naftiina halis ku gelisaan South Africa oo ay gaangiistaradu idin dilaan xoolihiinana boobaan, dhulkiinu waa nabad sida aad arkaysaana beeraha iyo nimcada Allaah uu idinku deeqay waa inaad ka faa’iidaysataan ood dhulkiina maal-gashataan” ayuu yiri Sh Abu Cabdalla.

 

 

 

 

 

Sh.Maxammed Abu Cabdalla wuxuu kaloo sheegay inay dib usoo celiyeen dhammaan beerihii laga dhacay dadka masaakiinta ah ee aan hubaysneyn, sidoo kalena ay qodeen Kanaallo waaweyn oo duugmay sida Kanaallka “Asayle” oo 18 km ah, kaas oo biyaha wabiga gaarsiiya dhowr kun oo hektar oo beero ah.

 

 

 

 

 

Sh.Abu Cabdalla oo saxaafada kusoo dhex wareejiyay beero aad u waawayn oo isugu jiray Moos, Qumbe, Cambe, Galleey iyo Liin-dhanaan ayaa dadka ku dhaqan wadamada reer galbeedka ku dhiiri geliyay inay hantidooda uga faa’iideystaan sidii ay u maal-gashan lahaayeen dhulka barwaaqada ah ee Shabeellada Hoose maadaama ay hada kajirto nabadgelyo aad u wanaagsan oo la isku hallayn karo.

 

 

 

 

“ Nimcada uu Allaah SW ku galladaystay Gobolkaan ma aha wax lasoo koobi karo, waad arkaysaan beerada sida ay u qurux badan yihiin, waxaa jira Kalluunkii oo isaguna dhex-ceegaaga xeebta dheer ee Gobolka ku taalla, Wabiyadii ayaa dur-duraya oo biyihii hore iyo gadaal u kala wada, inkastoo hada lagu jiro xilli abaar ah oo biyihu yaryihiin, marka dadka Soomaaliyeed ee dhaqaalaha haysta waxaan leeyahay yaysan idin dhaafin fursada qiimaha badan ee ka jirta dhulkiina” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sh.Abu Cabdalla.

 

 

 

 

Ugu dambayntii Waaliga Shabeellada Hoose ayaa sheegay in dad fara badan oo kasoo laabtay wadamada reer Galbeedka sida Ingiriiska iyo Maraykanka ay Beero waaweyn ka samaysteen degmooyinka uu ka koobanyahay Gobolka,iyadoo ay qaarkoodna reerahoodii dib ugu soo celiyeen gudaha Soomaaliya, gaar ahaan Shabeellada Hoose.

 

 

 

 

 

Baaqa kasoo baxay hogaanka ugu sareeya Wilaayada Islaamiga ah ee Shabeellada Hoose ayaa kusoo aadaya xilli gobolkaas uu ka mid yahay gobollada ugu nabad-gelyada iyo xasilloonida badan Wadanka Soomaaliya, dadka halkaas ku dhaqana ay u jeesteen sidii ay xooga u saari lahaayeen wax-soo-saarka beeraha oo uu gobolkaasi caan ku yahay

maalgashi2.JPG

maalgashi3.JPG

maalgashi4.JPG

maalgashi6.JPG

maalgashi5.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

The land was always there and productive and will be there and productive after alshabaab pass away!

 

Beeraha ha la fasho is a ****** inane statement, beerito waxaan ka sugayna brother maadeey post sawirole sidhaa:

 

"Biyaha ha la cabo" "Pics"

"Cuunto ha la cuno" "Pics"

"Kabo ha la gashadho" "Pics"

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this