Sign in to follow this  
Nur

Xasuusta Allah ( Dhikrullah)

Recommended Posts

Nur   

Nurtel Somali Language Publications

 

 

Presents:

 

Xasuusta Allah SWT ( Remembrance of Allah )

 

 

Walaalayaal;

 

 

Waxaan shaki laheyn in wax walba loo uumay sabab, haddii waxaas sababtii loo uumay uu ku sugan yahay, waa sidii la rabay, haddii kale se oo wixii loo uumay uusan ku sugneyn, ama uu la yimaaddo hwol cusub, dhibaato ayaa laga fishaa ama cudur meeshii laga filan lahaa waxtar.

 

Qalbiga banii aadanka, waxaa loo uumay jeceylka iyo xasuusta kii abuuray, inta uu qalbigaasugan yahay xasuusta kii uumay, qalbigaas lagama yaabo inuu ka baxo jeceylka Allah iyo daacadiisa.

 

Qalbigu waa xubinta ay u hoggaansan yihiin xubnaha kale ee korka, haddii markaas qalbiga laga waayo xasuusta Allah iyo jeceylkiisa, korka intiisa kale lagama yaabo in ay Allah u hoggansamaan sidii ku habbooneyd Allah SWT.

 

Xasuusta Allah wexey dhalisaa jeceylka Allah, sidaasoo kalena jeceylka Allahna wuxuu dhaliyaa, xasuustiisa.

 

Xasuusta Allah ama Dhikrigiisa waxaa noo faray Allah markuu yidhi ( i xasuusta, waan idin xasuusane, iina mahad celiya, hana ismoogeysiinina nicmadddeyda ( Takfuruun) )

 

Xasuusta Allah SWT waxaa ku jirta waxtar badan, oo aan ka soo qaadaneyno intii noo suuro gasha wexey culimadu sheegeen.

Dhikriga Allah SWT:

 

1. Wuxuu eryaa sheydaanka. Qofka intuu carrabikiisa ku hayo xasuusta Allah sheydaan uma soo dhawaado.

 

2. Allah ayuu raalli geliyaa

 

3. Walwalka iyo murugta ayuu ka qaadaa qalbiga

 

4. Wuxuu keenaa farxadda

 

5. Wuxuu xoojiyaa qalbiga

 

6. Wajjiga ayuu nuuriyaa

 

7. Arzaaqda ayuu furaa

 

8. Wuxuu dhaxalsiiya qofka Allah xasusta

haybad, iyo karaamad

 

9. Wuxuu dhaxalsiiya qofka xasuusta Allah inuu Allah iska jiro.

 

10. Allah ayuu ku dhoweeyaa

 

11. Wuxuu dhaxalsiiyaa jeceylka Allah oo ah ruuxa Islaamka

 

12. Wuxuu furaa fahamka diinta iyo culuumteeda

 

13. Wuxuu ku dhaxalsiiyaa in Allah uu ku xasuusto.

 

14. Dhikrigu waa nolosha Qalbga, qalbi aan Allah xasuusneyn, waa kalluun biyaha laga saarey.

 

15. Dhikrigu waa quutka, ama cunnada qalbiga.

 

16. Qalbiga ayuu ka nadiifiyaa midhidhka iyo dunuubta

 

17. Wuxuu kaa shuqliyaa xanta iyi danbiga

 

18. Meeshha Allah lagu xusu waxaa imaata malaaigta

 

19. Wuxuu kaa nabad gelyaa walwalka maalinka qiyaamaha, maxaa yeelay ma jirto saacad ku soo martay oodan Allah ku xasuusan oo aan aakhiro ka shallaynin inaad Allah illowday.

 

20. Qofka ku mashquula xuska Allah waxaa la siiyaa waxaan la siinnin kuwa Allah barya.

 

21. Waa cibaadad ugu sahlan, uguna fadli badan qofkii ka faaideysta

 

22. Xasuusta Allah waa abuurka jannada.

Maanta intaas ayaan ku joojineynaa, si tafaq tiranna hadduu Allah yidhaado ayaan uga hadli doonnaa faaidooyinkaas iyo kuwa kale.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Jazakumullah Khair

 

Muslim si and Conquest, waxaad mooddaa in Reer Guuraaga meeshaan daawada ayan badankood af Somali aqoon, hadaba, inteenna yar aan ku dadaalno in aan af Somaliga wax ku soo qorno

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Waa xasuusin aan is wada xasuusineyno Allah, maxaa yeelay, xasuustiisa ayaa quluubta ku degtaa, ogaadana, waxa dacaya iney ku dhaacayaan aragtidiisa iyo xikmaddiisa, hadaba , ha murugoonina, hana daciifina maxaa yeelay idinkaa sarreyya haddaad muminiin tihiin ( Al Cimraan)

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haneefah   

Walee habeen dhaweyto ayaan si fiican ugu quusqaatey qiimaha xasuusta Allah subxnahu watacala. Anoo maalinteydu yara adkeyd oo iimaankeygu hoos uyara dhacsanaa ayaa stress iyo waxan loo jogin qaadey :D . Waan ogaa inaan ghalad ku jirey islamarahaantaa sheydaankii baa iga tanbadinayey, lakin Ilahay raxmadiisa umbaa hal mar itaabatay oo xasustiisa ayaa i gashay. Kolkaasaan halmar dib isu qabtey oon istaghfuruleystay anoo isla yaaban oo ka murugeysan ghalad kaan galey isuna muujinaya nicmaduu Ilaahey i siiyey. Alaxamdulilah, walahi farxad aanan qiyaasi karin baa i soo gashay oo aad iiga muuqatay, ilaa maanta. The power of Dhikr!

 

Originally posted by Nur:

Maanta intaas ayaan ku joojineynaa, si tafaq tiranna hadduu Allah yidhaado ayaan uga hadli doonnaa faaidooyinkaas iyo kuwa kale.

Insha'Allah, I'm looking forward to it.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this