Sign in to follow this  
Liqaye

New elections in august 2011, but only for President and Speaker of Parliament and only for one year

Recommended Posts

Liqaye   

RW Farmaajo oo la weydiiyey inuu ka mid noqon doono musharaxiinta doorashada madaxweynaha cusub ee Somalia ayaa yiri..

 

Ra’isul wasaaraha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) oo hadda ku sugan magaalada Abu-Dhabi ee dalka Isu tagga Immaaradka Carabta ayaa ka hadlay safarkiisii Mareykanka, xilliga kala guurka iyo dagaalada ka socda magaalada Muqdisho.

 

Ra'isul wasaare Farmaajo oo ka hadlayey safarkii uu dhawaan ku tagay dalka Maraykanka ee uu kaga qeybgalay kulankii gaarka ahaa ee looga hadlayey xaaladda Soomaaliya ayaa sheegay in beesha caalamku ay xukuumaddiisa u balanqaaday taageero ku aadan dagaallada ay kula jirto kooxaha ka soo horjeeda dowladdiisa.

 

Ra'isul wasaare Farmaajo oo la weydiiyay innuu hakad ku yimid dagaaladii ay ka wadeen magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in dagaalka uu socdo, isla markaasna ay Xukuumaddiisu guulo ka gaartay dagaalka sida uu yiri.

 

Mr. Farmaajo wuxuu sheegay in beesha caalamku ay diideen oo ka horyimaadeen muddo kordhista uu Baarlamaanka Soomaaliya sameystay, waxayna taas badalkeeda soo jeediyeen in la dhameeyo muddada KMG, isla markaasna la qabto doorashooyinka lagu soo doorto Madaxweyne iyo Guddoomiye Baarlamaan oo cusub, wuxuuna intaasi ku daray in xukuumaddiisu ay wado qorshihii arrimahaasi lagu hirgelin lahaa sidoo kalena ay wadatashiyo kala sameyn doonto talaabooyinka la qaadayo xilliga kala guurka.

 

Sidoo kale Ra’isul wasaare Farmaajo waxa uu sheegay in Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ee la dooran doono ay shaqeynayaan oo keliya hal sano, wuxuuna intaasi ku daray in Xukuumaddiisu ay howsha sii wadeyso, iyadoo mar la weydiiyey inuu ka mid noqon doono musharixiinta isu soo taagaya madaxtinimada Soomaaliya, Farmaajo wuxuu cadeeyay inaanu isagu diyaar u ahayn isla markaasna dooneyn inuu ka mid noqdo musharixiinta madaxtinimada ka qeybgeli doona haddii doorashooyinka la qabto, wuxuuna xusay in isaga ay u taallo howl culus sida uu yiri, taas oo ay ka mid tahay amniga iyo arrimo kale.

 

Sidoo kale mar la weydiiyey sida uu u arko mas’uuliyiin Soomaali ah oo u tagay dalka Itoobiya inay u tartamaan jagada Madaxweynenimada Somaaliya iyo doorka ay Itoobiya ku leedahay siyaasadda Soomaaliya ayaa waxa uu ku jawaabay, Itoobiya waxay ka mid tahay dalalka caalamka iyo kuwa aan deriska nahay, ninka Soomaaliya xil ka rabana waa inuu dadka Soomaaliyeed weydiistaa, waayo iyagaa bixin kara, Itoobiyana sida dalalka kale ayaa xiriir loola yeelan karaa ee wax kale nagama dhaxeeyaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Quote un-quote

 

Mr. Farmaajo wuxuu sheegay in beesha caalamku ay diideen oo ka horyimaadeen muddo kordhista uu Baarlamaanka Soomaaliya sameystay, waxayna taas badalkeeda soo jeediyeen in la dhameeyo muddada KMG, isla markaasna la qabto doorashooyinka lagu soo doorto Madaxweyne iyo Guddoomiye Baarlamaan oo cusub, wuxuuna intaasi ku daray in xukuumaddiisu ay wado qorshihii arrimahaasi lagu hirgelin lahaa sidoo kalena ay wadatashiyo kala sameyn doonto talaabooyinka la qaadayo xilliga kala guurka.

 

Sidoo kale Ra’isul wasaare Farmaajo waxa uu sheegay in Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ee la dooran doono ay shaqeynayaan oo keliya hal sano, wuxuuna intaasi ku daray in Xukuumaddiisu ay howsha sii wadeyso.

 

That would be brilliant, an experienced Technocrat or Military man not involved with the last 20 years of somali gutter politics, and a consensus builder as Speaker of the parliament, to complement the most competent and technocratic government Somalia can have at the moment.

 

The only disadvantage according to 4.5 only some people should bother running for these posts :o

Share this post


Link to post
Share on other sites

It does not make sense at all. His whole statement contradicts itself. If there is a new President & Parliament speaker, there will be a new PM and Cabinet.

 

Unless he means its an extension of one year for Sharif's, disguised as an election to make some members of the International community happy.

 

Also to say that the international community is against the 3 years extension and yet will allow the same Parliament to elect the new President & Speaker as a compromise?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this