Sign in to follow this  
Liqaye

Siyaasiyiin, Abwaanno iyo Aqoonyahan khiyaamo ku eedeeyay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo

Recommended Posts

Liqaye   

Talaado, 15 March, 2011 (HOL)- Abwaanno, Siyaasiyiin, Aqoonyahanno iyo waxgarad kale oo ka tirsan Ururada Bulshada Somaliland, ayaa qaaddacay in guddi loo saaro ka-talo-bixinta furashada Ururada siyaasadda, waxaanay tilmaameen inay tahay khiyaamo ay samaysay Xukuumadda Somaliland.

 

Xubnahan oo shir-jaraaíd ku qabtay Hargeisa, isla markaana ay ka dhex muuqdeen Abwaanno uu ka mid yahay Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) iyo siyaasiyiin ka mid ahaa masuuliyiinta Xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa qoraal dheer oo ay akhriyeen, waxay ku sheegeen in hoggaanka saddexda Xisbi siyaasi ee Somaliland aanay ogolayn inay cidi la tartanto. “Nidaamka siyaasadeed ee Jamhuuriyada Somaliland waxa saldhig u ah nabad, talo-wadaag, dimuqraadiyadda iyo hannaanka xisbiyada badan. (Qodobka 9aad ee Dastuurka), markaynu dib u jaleecno hannaanka dimuqraadiyada oo ka tis qaaday dalkeena Somaliland, doorashadii ugu horeysay waxay ahayd doorashadii dawladaha hoose ee dhacday 25, December 2002-dii, doorashadaas waxa ku tartamay lix urur siyaasadeed oo kala ahaa Sahan, Hormood, Asad, Kulmiye, Ucid iyo Udub. Waxaana ku guulaystay saddexda xisbi ee UDUB, KULMIYE iyo UCID. Haddaba waxaynu ognahay in muddada sagaalkaas sanadood ay saddex doorasho oo qudha dhaceen labadii doorasho ee Madaxtooyada iyo mid Wakiilada ah, waxaana caddaatay in saddexda hogaamiye ee xisbiyada aasaasay ay noqdeen niman xisbiga iska leh oo uu u xidhan yahay oo aan ogolayn in si xor ah oo xalaal ah loogula tartamo xisbiga dhexdiisa, iyadoo dhawr jeer doorashadii Madaxtooyada ku dhacay, haddana ku dhegan madaxtinimadii xisbiga oo diidan inay u baneeyaan dhiig cusub iyo fikir cusub, taasoo ka horimanaysa xaqa dastuuriga ee ah in qofku wax doorto, lana doorto oo uu dhigayo qodobka 22aad ee dastuurka, faqradiisa 2aa,”ayay qoraalkaas ku yidhaahdeen, waxaanay intaa raaciyeen oo ay yidhaahdeen, “”In qaab-dhismeedkii xisbigu burburay oo aanay qaar lahayn golihii dhexe iyo golihii fulinta sida UDUB iyo UCID, qaarna aanay lahayn gole fulineed sida KULMIYE, haddaba si Somaliland ictiraaf u hesho waxay adduunka ka iibisaa nabada iyo dimuqraadiyada oo ay ku caano maashay oo aan ka jirin geeska Afrika, taasoo beesha caalamkuna inagu caawiso, si ay u kobocdo. Haddaba marka ururada siyaasadeed la furi waayo, xaalka saddexda xisbina uu sidan yahay miyaanay markaa dhaawac wayn gaadhsiin dedaalkii loogu jiray ictiraaf raadinta Somaliland? Taasoo ka muuqata guddidii uu magacaabay Madaxwenuhu ee ka soo talobixinaya furista ururada siyaasada oo qayb libaax leh laga siiyay saddexdii xisbi ee diidanaa in la furo ururada lix xubnood, waxaanay ka dhigan tahay Waraabihii xoolaha lagaga tagey si uu u ilaaliyo, waxa iyaguna ka maqan guddida dhalinyaradii oo uu KULMIYE ballan-qaaday inuu ka qaybgalinayo talada dalka.”

 

Xubnahani waxay xukuumadda ku eedeeyeen iyo xisbiga talada haya ee KULMIYE inay khiyaameeyeen bulshada Somaliland, isla markaana ay ballan-qaadyadii ay sameeyeen wakhtigii Ololaa doorashada ay ku doonayeen oo kaliya cod. “Ballan-qaadkii xisbiga KULMIYE ee waqtigii ololaha doorashada uu u ballan-qaaday ummada Somaliland inuu furayo ururada siyaasada, taasoo ku qoran barnaamijkii ololaha doorashada ee xisbiga KULMIYE, haddaba ballan-qaadkaas ma wuxuu noqday hal bacaad lagu lisay iyo khiyaamo dadka lagaga doonayay cod, waxaanu ummada u sheegaynaa inaan la aqbalayn khiyaamadaas, iyadoo aynu habeen walba daawano ummaduhu sida ay ugu halgamayaan xorriyadooda iyo xuquuqdooda siyaasiga ah.”

 

Madaxweynaha Somaliland ayaa wakhtigii uu ololaha doorashada ku jiray in badan sheegay inay shuruud-laáan furayaan ururada Siyaasadda, hase ahaatee, xalay baahiyay magacyada 20 xubnood oo uu sheegay inay ka soo talo-bixinayaan baahida loo qabo furashada ururada Siyaasadda, iyada oo masuuliyiin xukuumaddiisa ka tirsani ay wakhtigii xukuumaddii UDUB ee uu hoggaaminayay Daahir Rayaale xadhig ku mutaysteen furashada Urur-Siyaasadeedkii Qaran oo ay ku dhawaaqeen wakhtigaas, balse laga hor-joogsaday.

 

Barkhad M, Kaariye Hiiraan Online

barqad@hiiraan.com

Hargeisa, Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this