Sign in to follow this  
Maaddeey

Shariif oo kala eryay taliyaasha ciidamada fashil dartiis!!

Recommended Posts

Maaddeey   

Madaxwayne Shariif oo xil ka qadis ku sameeyay Taliyaasha Ciidamada Milatariga, Nabd sugidda, Boliska Iyo Asluubta. WAR-SAXAAFADEED.

Monday, 07 March 2011 14:57 Read : 368 times

War- Saxaafadeed

 

(Villa Baydhabo Somalia Isniin Maarso 07) Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Shariif Sheikh Ahmed ayaa wareegto uu Xilka ugu qaadayo dhamaan Taliyayaasha Ciidamada Amniga ka soo saaray xafiiskiisa.

 

Wareegtadan ayaa timid kadib markii ay keeneen soo jeedin xilkaqaadis Wasiirada ay arintaani quseyso oo uu horkacayay Raisul Wasaare Maxamed cabdulahi Farmaajo.

 

Madaxwenaha oo tixgilelinaya soojeedinta wasiirada islamarkaasna qiimeynaya xaalada iyo daruufaha nabadgelyo ee uu dalka marayo loona baahanyahay in la qaato talaabooyin lagu habaynayu laguna dar-dar galinayo haydaha nabadgalyada qaranka si loo xaqiijiyo is bedel wax ku ool ah, ayaa maanta oo ay taarikhdu tahay Maarso 07 2011 Madaxweynuhu ka qaaday Xilalkii Taliyanimo Saaraakisha hoos ku xusan.

 

Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed S/GUUTO Axmed Jimcaale Geedi.

 

Taliyaha Ciidamada Nabad Sugida Qaranka Soomaliyeed S/GUUTO Maxamed Sheekh Xassan Xaamud.

 

Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed S/GUUTO Cabdullahi Macallin Cali.

 

Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed S/GUUTO Cali Maxamed Xassan Looyaan.

 

 

 

Malik Abdalla

 

 

Agaasimaha Warfaafinta

 

Xafiiska Madaxweynaha

 

Moqdishu, Somalia

 

mabdalla@presidency.gov.so This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

War deg deg ah: Shariif oo kala eryay Taliyaashii Ciidanka DKMG kadib markii ay ku fashilmeen Boqolkii maalmood ee la doonayay in ku dhaqanka Shareecaa Islaamka lagu wiiqo. .

Monday, 07 March 2011 14:22 Maamulka Memo Hits: 103 . .

 

 

 

 

Kadib markii ay Ciidamada shisheeye ee ku sugan magaalada Muqdisho iyo maleeshiyaadka DKMG-ka ku fashilmeen dagaalada ay kula jiraan mujaahidiinta ayaa lakala diray saraakiishii ugu sareysay DKMG-ka.

 

 

 

 

Ilo wareedyo ay wakaaladda SomaliMeMo ka heshay Villa Somaliya ayaa xaqiijinaya in Shariif Sheekh Axmed uu saacadaha soo socda xilalka ka xayuubin doono taliyaasha ugu sareeya ciidankiisa.

 

 

 

Saraakiisha Villa Somaliya oo u badan calooshood u shaqeystayaal ayaa si fudud ku bixinaya siraha gaarka ah ee halkaasi kajira, mid kamida saraakiisha Warfaafinta ayaa Wakaaladda SomaliMeMO si hoose ugu xaqiijiyay in Shariif Eeyay Taliyihii ciidanka Milleteriga,Taliyihii Booliska iyo taliyihii Nabad sugidda.

 

 

 

Eryidda Shariif ku sameeyey taliyaasha ciidanka ayaa yimid kadib markii ay dhamaatay Boqolkii maalmood ee uu u qabtay Farmaajo in ay qabsadaan Muqdisho iyo gobolada ku dhaw dhaw.

 

 

 

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Shariif Sheekh Axmed uu Ciidanka AMISOM ku dalbay taliyihii Nabad sugidda oo uu ku eedeeyay in uu bixiyo siraha DKMG-ka islamarkaana uu ku guul dareystay in uu Jawaasiis ku daadiyo deegaanada ay Mujaahidiintu maamulaan.

 

 

 

Shariif ayaa ka carooday qab qabshada ay Mujaahidiintu Soomaaliya qabtaan Wardoonka DKMG-ka kadibna lagu toogto fagaarayaasha Muqdisho waxaana ugu dambeeyay Dilkii shalay lagu fuliyay Jaasuus Cabdi Fitaax oo kamid ahaa saraakiisha Sirdoonka DKMG-ka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Miskiin-Macruuf-Aqiyaar;700108 wrote:
cidankadowlada3.jpg

 

It looks, sounds, functions like a true dowlad. Ka naxoo nafta ha isku qarxin.

 

Maan, Farmaajo and his administration, especially wasiirkiisa gaashaandhigga, keeps impressing me. Rabi ha u garabgalo.

 

risomcal.gifrisomcal.gifrisomcal.gif

wts with the tuute. war wuxu waa dhabo******s oo xabesh la shaqeeyo, khair haka sugin ku waan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

lol@MMA

 

I agree, Fiqi is the best thing that happened to wasaarada gaashandhiga (ministry of defence).

Guuleyso, cadawgaagana (AS al shayaadiin) ha jabo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Miskiin-Macruuf-Aqiyaar;700114 wrote:
Adigana maxaa u shaqeysaa, Mr. Goosashadoon? Ain't it Xabashi interest in dalkeena la kala gooyo, which you advocate yourself. Adiga isarag intaadan dad kale fiirinin.

 

risomcal.gifrisomcal.gifrisomcal.gif

adeer, aniga shaqsi baan ahay. qofna lama jiri. wadanka ma rabi in la gooyo.koleba, kuwaan TFG maxay tareen besides wearing tuute and doing photo ops? bal ii sheeg

Share this post


Link to post
Share on other sites
ANWAR   

^^I agree adiga shaqsi baa tahy

BUT can not you for allah sake come up with a Meaningful comment

stop with the childish attacks on Somali government

the days where everyone thought it was funny is now OVER

Share this post


Link to post
Share on other sites
Polanyi   

Axmed, Kan MMI, he used to call Abdullahi Yusuf's government stooges and he used to act like using Ethiopian troops was like urinating on the Quran( not literally, but the way he used to act so wadani)>. A day after hundreds/thousands of ethiopians troops are stationed all across Somalia with the collusion of SHariff, Hadana wuxu leyehey bal arka. Now, you see why we call some ppl munafiqs and khains.kkkkkkkkkk. Fair enough, if he and others hate Alshabab, they could have at least stayed neutral or even perhaps slightly criticized shariff. But to say Abdullahi Yusuf was the devil for using Ethiopians, whilst Shariff has done no evil seen no evil, is the one of the greatest acts of hypocrisy in the history of civilized man.Really, i don't know how to describe such self contradictory and hypocritical people.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ANWAR   

Shariff has done no evil and seen no evil, YEAS way cuz...alle you people who say ethiopians troops are stationed all across Somalia have noooo prof

 

do not listen to al-Sababa propaganda

 

support Somali government bro

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this