Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland defence Minister with delegation visits Sanaag.

Recommended Posts

Xukuumadda oo Wefti Culus U Dirtay Gobolka Sanaag

March 4th, 2011

 

Hargeysa (Somaliland..Org) – Wefti iskugu jira wasiirro iyo saraakiil ka tirsan xukuumadda dhexe ee Somaliland, ayaa galabta u kicitimay gobolka ugu balaadhan dalka ee Sanaag, halkaasi oo ay soo darsi doonaan xaalada nabadgelyo, dhaqaale, abaareed iyo siyaasiyadeed ee ka jira gobokaasi.

 

Weftigan oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhiga Mudane. Axmed Xaaji Cali Cadami, waxaa xubno ka ah, Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiir ku xigeenka Wasaarada Maaliyada Md. Warsame Siciid Cabdi, Agaasimaha Guud ee Dib-u-dejinta Md. Axmed Rooraaye, Maareeye ku xigeenka Madbacada Qaranka Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) iyo Ergayga Madaxweynaha ee Gobolka Sanaag Mr. Sahal.

 

“Weftigani waxa ay soo darsayaan xaalada guud ee gobolka Sanaag, waxaanay qiimayn kala duwan ku soo samaynayaan xaalada guud ee gobolkaasi ee dhinacyada nabadgelyada, abaaraha iyo horumarka, waxaanay kulamo kala duwan la yeelan doonaan mas’uuliyiinta gobolka iyo degmooyinka Sanaag,” ayuu yidhi Maareeye ku xigeenka Madbacada Qaranka Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) oo caawa khadka telefoonka aanu kula xidhiidhnay, weftiga oo xilligaasi marayay magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer.

 

Maareeye ku xigeenka Madbacaddu waxa kale oo uu sheegay in weftigani ay raashin deeq ah oo xukuumaddu ugu tallo-gashay abaaraha, ay ku wareejin doonaan Guddida Abaaraha ee Gobolka Sanaag, si ay ugu qaybiyaan dadka danyarta ah ee abuuruhu saameeyeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wefti Miisaan Culus Oo Xukuummada Somaliland U Dirtay Gobolka Sanaag, Iyo Xaalada Uu Wakhtigan Ku Sugan Yahay Gobolkaasi.

 

 

Hargeysa(HWN):-Wefti miisaaan culus oo iskugu jira wasiirro iyo saraakiil ka tirsan xukuumadda Somaliland,ayaa galabta u kicitimay gobolka Sanaag,si ay u soo darsaan xaalada nabadgelyo, dhaqaale, abaareed iyo siyaasiyadeed ee uu gobolkaasi ku sugan yahay.

 

Waxaana la sheegay inay weftigani qiimayn iyo daraasad ku soo sameyn doonaan xaalada gobolka Sanaag ku sugan-yahay wakhtigan, dhinacyada nabadgelyada, abaaraha, iyo horumarka, isla markaana waxaanay kulamo kala duduwan la yeelan doonaan masuuliyiinta gobolka iyo degmooyinka Sanaag.

 

Waxaanay la sheegay in weftigani ay raashin deeq ah oo xukuumaddu ugu tallo-gashay abaaraha, ay ku wareejin doonaan Guddida Abaaraha ee Gobolka Sanaag, si ay ugu qaybiyaan dadka danyarta ah ee abuuruhu saameeyeen.

 

Weftigan oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhiga Mudane. Axmed Xaaji Cali Cadami, waxaa xubno ka ah, Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiir ku xigeenka Wasaarada Maaliyada Md. Warsame Siciid Cabdi, Agaasimaha Guud ee Dib-u-dejinta Md. Axmed Rooraaye, Maareeye ku xigeenka Madbacada Qaranka Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) iyo Ergayga Madaxweynaha ee Gobolka Sanaag Mr. Sahal.

 

Arrintan ayaa ku soo beegantay wakhti ay abaar-baahsani ka jirto guud ahaan Somaliland, taas oo saameyn ku yeelatay dadka danyarta ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

"Wefti miisaaan culus oo iskugu jira wasiirro iyo saraakiil ka tirsan xukuumadda Somaliland,ayaa galabta u kicitimay gobolka Sanaag,si ay u soo darsaan xaalada nabadgelyo, dhaqaale, abaareed iyo siyaasiyadeed ee uu gobolkaasi ku sugan yahay."

 

Lool,@ wefti miisaan culus, miyay wada buur buuranyihiin tolow?

Teeda kale sawirradii nimankan culus meeye, mise bac baad noo dhiibaysaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

Kornaylka;699635 wrote:
"Wefti miisaaan culus oo iskugu jira wasiirro iyo saraakiil ka tirsan xukuumadda Somaliland,ayaa galabta u kicitimay gobolka Sanaag,si ay u soo darsaan xaalada nabadgelyo, dhaqaale, abaareed iyo siyaasiyadeed ee uu gobolkaasi ku sugan yahay."

 

Lool,@ wefti miisaan culus, miyay wada buur buuranyihiin tolow?

Teeda kale sawirradii nimankan culus meeye, mise bac baad noo dhiibaysaa?

 

you will see when they arrive at capital of sanaag ceerigabo whats the rush.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Weftigii Ugu Balaadhnaa Tan iyo Intii Xukuumada Cusub Oo soo Gaadhay Ceerigaabo

 

(Sanaag.Org) Waxaa magaalada Ceerigaabo soo gaadhay weftigii ugu Balaadhnaa tan iyo intii Xukuumada cusubi jirtay

Weftigan oo uu Hogaaminayey Wasiir Gaashaandhiga Somaliland Axmed X. Cali Cadami ayaa ka koobnaa Wasiirka Wasaarada

 

Duulista iyo Hawada, Maxamud Xaashi Wasiir ku xigeenka Maaliyada Warsame Siciid Agaasimaha Waaxda Dib udeginta Axmed Rooraaye, Kuxigeenka Agaasimaha Madbacada Qaranka iyo la taliyaha Madaxweynaha Gobolada Bari Sahal Shire.

Waxa weftida si Mugle kaga hortagey Duleedka Ceergaabo Maamulka Heer Gobol iyo Heer degmoba, Boqoro,Salaadiin,Cuqaal iyo Dadweyne kale oo aad u tira badan oo wata Gaadiid Fara badan.

 

Waxa si heer qarana loogu soo Dhaweeyey Aqalka Martida Halkaaso siweyn marti qaaday waxana si wada jira ugu soo Dhaweeyey

Badhasaabka Gobolka Cali Cabdi Hure Iyo Mayarka Magaalada Ceerigaabo Ismail Xaaji Nuur.

Wasiir Gaashaandhiga Cadami ayaa halkaa Kalmado Mahadnaqa uga jeediyey dadweynihii sida diiran usoo dhaweeyey

 

wuxuuna xusay soo dhawayntan Balaadhan in isaga iyo weftigiisu ka filanayeen reer Ceergaabo.

 

 

Sanaag.Org

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this