General Duke

Intoducing General Yusuf Indhacadde comander of TFG land forces... lol. progress indeed

Recommended Posts

Ururka SSU oo Cambareeyey Magacaabida Indha Cadde

 

February 24, 2011 Markacadeey

--------------------------------------------------------------------------------

 

Ururka Isutagga Konfurta Somaaliya oo loo yaqaan SSU oo matila xuquuqda dadka asal ahaan ka soo horjeeda Konfurta Somaliya ayaa sheegey inay tahay wax laga xumaado magacaabidi Indha Cadde oo dawladda ku meel gaarka ay u magacaabdey General sare ee cidamada dawlada. Guddomiyaha ururka SSU dott. Adan Abokor oo ka hadlaayey arrintaan ayaa sheegey inay dawladdu damacsantahay inay soo celiso Jubba valley Alliance (JVA) oo ay ku wadajireen Indhacadde iyo Barre Hiraale; taasoo u ku sheegey inay tahay nasiib daro iyo qorshe lala damacsanyahay dib u qabsashada gobolada Shabeelaha Hoose, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose.

 

Guddoomiyaha SSU wuxu sheegey in laga foojignaado khiyaanada dawladda ku meel gaarka ay damacsantahy dib u soo celinta dulmiga indha cadde. Dott Aden wuxu yiri waa gef loo geystey ummadda Somaliyeed. Waxaa nasiib daro ah buu yiri rajadii laga qabey in Somaliya dib nabad loogu soo dabaalo ay maanta hoos u dhacdey.

 

Waxaan ka codsaneynaa ra’isul wasaaraha iyo wasiirka gaashaandhiga inay ka noqdaan magacaabida Indha Cadde waayo waa qof ku xadgudbey xuquuqda adanaha; waxay ahayd in maxkamada la soo saaro ayuu yiri guddomiyaha ururka.

 

IndaCade is till well remmebered in those regions..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

I'm not the one with the accusations GD, you are, marka sort yourself out.

 

Gobolkan waxaa degan beelo kala duwan, maamulada is magacaawey haddii la tiriyana wey badan yihiin oo hal keliya ma ahan hence why AlKebab uga faaiideysatey gobolkaan.

About Mr. Gaab, odeyga Xamar ayuu joogey maalin hore, waxuuna iminka doonaayaa inuu la heshiiyo maamulada kale ee gobolka iska magacaawdey si hal meel ay uga soo wada jeestaan oo ay ka mid noqdaan Hiiran State. Diplomaasiyada iyo heshiiska uu ku baaqaayo ayaa ka horeeya dagaalka marwalba.

59792160719966327013345.jpg:D

 

Ciidamadiisana mardhow ayaa la arkayaa... :)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

:D [Cali Dheere, please meet, Indhacadde, err I meant General Indhacadde!]

He is already giving AS a run for their isqarxis. lol

=============

Gen. Indhacadde: "Meydadka ay Shabaab waddooyinka ku jiidayaan waxaa ka mid ahaa nin lagu magacaabo Shabeelow oo biyo ka shubi jiray xaafadda Kaasabobolaare"

 

Gen. Yuusuf Maxamed Siyuaad Indhacadde waxa uu sheegay inay nasiib darro tahay Al-Shabaab oo waddooyinka ku jiijiideysa meydadka dadka Soomaali ah, oo uu sheegay inuu ka mid yahay nin lagu magacaabo Shabeelow oo biyo ka shubi jiray xaafadda Kaasabobolaare.

 

 

"Meydadka ay Shabaab waddooyinka ku jiidayaan waxaa ka mid ahaa nin lagu magacaabo Shabeelow oo biyo ka shubi jiray xaafadda Kaasabobolaare" ayuu yiri Gen. Yuusuf Indhacadde oo sheegay in kooxda Al-Shabaab ay ku jabeen dagaalada Muqdisho, isla markaasina meydadka ay waddooyinka ku jiidayaan ay astaan u tahay tabar darridooda.

 

 

Dhinaca kale Gen. Yuusuf Indhacadde oo ka mid ah sarakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in maleeshiyaadka Shabaab ay sadex nin oo Soomaali ah oo ay dileen meydkooda ay ku jiidayaan meelo kala duwan ayagoo ku sheegaya in ay yihiin ciidamo ka tirsan AMISOM oo ay dagaallada ku dileen, isagoona ku booriyay ciidamada Al-Shabaab haddii ay ku jiraan rag ay weli ku harsan tahay damiirka Soomaalinimada inay isaga baxaan dhibaatada dalkooda loogu hoggaaminayo.

 

 

Sidoo kale Generaal Yuusuf Maxamed Siyaad “Indhocadde” oo saxaafadda caawa shir jaraa’id u qabtay ayaa sheegay in maleeshiyaadku ay sadex nin oo ah dadka Jiinka Webiga dega ay jiidayaan magaallada Muqdisho iyo gobollada Shabeelooyinka, kuwaas oo uu sheegay in ay qaarkood suuqa Bakaaraha ka shaqeysan jireen ayna ku dhinteen dagaalada ka socda magaalada Muqdisho, taasi oo uu sheegay inay dadka taageero uga raadinayaan, hase yeeshee waxa uu sheegay dadku inay ka dheregsan yihiin been la dhoodhoobay iyo owr kacsi aan waxba ka jirin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

He is back!

Indhacadde oo shaaca ka qaaday in uu difaacayo musharaxiinta mucaaradka

General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo wareysi siiyey Radio Kulmiye ayaa shaaca ka qaaday inuu diyaar u yahay inuu difaaco Midowga Musharraxiinta, kadib markii isaga & saraakiil kale loo xilsaaray amnigooda.

Indhacadde ayaa sheegay in iyada oo aan la magacaabin xittaa uu diyaar u ahaa ilaalinta amniga xunbnaha musharraxiinta oo si weyn uga soo horjeeda dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in go’aankan uusan u arkin wax qalad ah, islamarkaana horey sidan oo kaleba uu u difaacay Farmaajo, markii uu ahaa musharraxa.

“Iyadoo aan nala magacaabin inaan difaacno dadkaas musharaxiinta ah ayaa diyaar u nahay, sida shalay u difaacnay Farmaajo markuu musharaxa ahaa ayaa u diyaarsanahay inaan u difaacno Musharaxiinta.”ayuu yiri Generaal Yuusuf Indhacadde.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in madaxweynaha Soomaaliya uusan boobi karin doorashada, wuxuuna ugu baaqay inuu u turo dadkii shacabka ahaa ee shalay u soo banaan-baxay, markii loo doortay xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo weli walaac xoogan iyo tabasho ay ka jirto doorashada 20/21, taas oo ay ku kala aragti duwan yihiin dowladda iyo mucaaradka.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.