Sign in to follow this  
wyre

Ma Dhabaa Iney Kulmeen Horjoogayaasha Shababka?

Recommended Posts

wyre   

Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo muhiim oo ku dhow Horjoogayaasha Shababka ayaa sheegaya in 10 kii bishan Feberaayo uu dhacay shir qarsoodi ah oo ay isu yimaadeen inta badan Horjoogayaasha Shabaabka, kaasoo looga dooday dhaqaalaha iyo maamul xumada soo food saartay ururkooda, khilaafka dhexdooda ragaadiyay, iyo sidii looga faa'iideysan lahaa beelaha ********** oo aad uga soo horjeeda dagaalada ay wadaan maleeshiyaadka Shababka.

 

Kulankaan oo markii ugu horeysey ay wada fariisteen shir caadi ah horjooge Axmed Cabdi Godane, Ibraahim Xaaji Jaamac Afgaan iyo horjooge Xasan Daahir Aweys, ayaa sidoo kale la sheegay iney ka soo qeyb galeen Mukhtaar Roobow, Fu'aad Maxamed Khalaf, Cali Dheere iyo xubno kale oo miisaan ku leh kooxda Shababka.

 

Qodobka ugu weyn ee laga wada hadlay kulankaan ayaa ahaa sidii loo wiiqi lahaa duulaanada qorsheysan ee maalmihii ugu dambeeyay ay abaabulaayeen Saraakiisha Ciidamada Dowlada KMG ah & kuwa Amisom, iyadoo la’isla soo qaaday in ay kusoo fool leedahay halis culus, oo horseedi karta in xarakadu ay shaashada siyaasada si fudud uga baxdo xili xukuumada cusub ay horey u qaaday talaabooyin kalsooni ku abuurey dadka iyo aduunkaba.

 

Iyadoo laga dooday in Xiligaan aysan jirin dad badan oo Soomaali ah oo haatan diyaar u ah in ay naftooda huraan, waxayna tani ka dhalatay isbadal xaga hogaanka tababarka iyo howlgalinta Maleeshiyaadka ee Shabaabka oo xubno cusub ay kusoo biireen kuwaasoo is hortaagay in caruurtii sida qaldan loo adeegsan jirey lasii wado, iyo waliba tabihii kale ee la’isticmaali jirey si qof loogu riixo in uu naftiisa haligo. Iyadoo sidoo kale la sheegay in xarunta qaraxyada oo aheyd degmada Janaale laga soo wareejiyo oo la keeno magaalada Muqdisho xaafado ka trisan sida Dayniile, Xararyaale iyo Suuqa xoolaha.

 

Qodobka labaad ayaa ahaa sidii Dhaqaale looga heli lahaa dagaalada iyadoo la weydiisanaayo dhinacyada Ganacstada, Shirkadaha Isgaarsiinta kuwa Xawaaladaha iyo Burcad badeedka, kadib markii dakhligii dekada Kismaayo ay leexsadeen Koox uu horseed ka yahay Ibraahim Afghani kuwaasoo diiday iney dagaalada ku maalgeliyaan dakhliga ka soo xardooda dekada, waxeyna u weeciyeen maalgashi ay geliyeen degaanada Waqooyiga Somaliya & Puntland.

 

Qodobadka uga dambeeya ayaa la sheegay in la Isticmaalo magaca iyo sharafta uu ku leeyahay Beesha Habar gidir Horjooge Xasan Daahir oo muddo go'doon ay geliyeen Kooxda Axmed Cabdi Godane, waana taasi mid keentay in Meydad la soo kor istaajiyo si uu ugu baraarujiyo Maleeshiyaada Beesha uu ka soo jeedo iney dagaalka kala qeyb qaataan, iyadoo sidoo kale Afhayeenka Shababka uu soo saaray qeylo dhaan ku wajahan Bulshada Soomaaliyeed iney kala qeyb galaan dagaalada ay wadaan, waxaana sidoo kale jira iyadoo qafaal xoogan lagu hayo dhalinyada ku nool Gobolada Konfurta Soomalaiya iyo kuwa Gobolada Hiiraan iyo Labada Shabeele si loogu soo qaado furumaha dagaalada.

 

Gunaanadka go’aanka ayaa Horjoogayaasha Shabaabka waxey xuseen iney is difaac yihiin, laakiin hadane waxaa la’isla gartay in weeraro waxyeelo geysta ay ku qaadaan AMISOM iyo DKMG ah, tabta kaliya ee lagu hakin karo qorshayaasha dagaal ee Dowlada KMG ah & Ciidamada Amisom waa in la diro dad naftooda miidaamiya si xasuuq badan u geysto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
wyre   

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ahna Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka C/xakiin Xaaji Fiqi ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda KMG oo kaashanaya kuwa AMISOM ay la wareegeen Fariisimo hor leh oo ay ka qabsadeen Xoogaga Al-Shabaab.

 

C/xakiin Xaaji Fiqi ayaa sheegay in dagaalada wali soconaya ay ku qabsdaeen Wasaaradii hore ee Gaashaandhiga, Xeradii Shiirkole, iyo Warshadii Caanaha, isagoo tilmaamay in dagaalada ay wali si xoogan u socdaan.

 

"Waxaa ugu bishaareynaynaa shacabka Soomaaliyed in Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen Fariisimaha Wasaaradii Gaashaandhiga, Shiirkole Ofishaale iyo Warshada Caanaha"ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga.

 

Isagoo la hadlayay Idaacada afka Dowladda ku hadasha ayaa sidoo kale waxaa uu soo hadal qaaday dhaq dhaqaaqyada ka socda Gobolada dalka oo uu ku sifeeyay inuu yahay qorshe dagaal oo dib looga xoreynayo Gobolada Al-Shabaab.

 

"Dhaq dhaqaaqyada ka socda Gobolada dalka, waa qorshaha Dib u xoreynta dalka, waxayna ka socdaan Doolow, Yeed, Hiiraan iyo meelo ka mid ah Gobolada Dhexe"ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga.

 

Dagaalada ka soconaya Magaalada Muqdisho ayaa sii xoogeysanaya, waxaana wararku sheegayaan inay jiraan madaafiic xoog leh oo ku socota qeybaha magaalada, iyadoo si dhab ah loo heyn qasaaraha dagaalada geysanayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Dhallinyarada qaarkood waxay ku hanjabeen iney webiga Shabelle isku tuuraayaan intey AS dagaal u geli lahaayeen.

Kuwan foreign backers-kooda wey u qabteen oo wax horumar ah lacagtooda kumeysan sameynin. Weli the Somali Mall aka Villada meysan qabsanin. Caruur badan ayaa naftooda ku waayey, wax faaiido oo Aweys soo kordhiyey malaha.

 

Btw, have you seen Aweys on Dalkatv? odeyga waxay ku sameeyen ma ogi, caadi ma ahayn.

Share this post


Link to post
Share on other sites
wyre   

Aweys maanta waa neef la leeyahay halkii loo daaq geeyo unbuu u dhaqaaqayaa

in la Isticmaalo magaca iyo sharafta uu ku leeyahay Beesha Habar gidir Horjooge Xasan Daahir oo muddo go'doon ay geliyeen Kooxda Axmed Cabdi Godane, waana taasi mid keentay in Meydad la soo kor istaajiyo si uu ugu baraarujiyo Maleeshiyaada Beesha uu ka soo jeedo iney dagaalka kala qeyb qaataan.

soo cabsi gelin iyo hanjabaad ma ahan taas?

Haddaba muxuu ka yahay al-shabaab aanan maqaar saar eheyn?

Share this post


Link to post
Share on other sites

odaga wax uu sameyn karo ayaaba iska yar ,xitaa meeydadka markuu kor istaagnaa waxaa kamuuqatay diif iyo rafaad ,odaga xaafadey kusoo garaacen ayaan filaa

alshabaab oo kulmay waxa eey ka hadlayan waa iska cadahay imisa qof ayaan diyaarinaa oo naftooda huraya . TFG hadey lahaan lahayd dad naftooda u hura waxan filaa arinta intaan wey ka yaraan lahayd ninki alshabaab ah oo is qarxin rabo ku TFG haduu ninkaas isku qarxiyo ,game waa iska dhamaan lahaa nin kasta amaa lagu qarxiyaa ayuu is dhihi lahaa xaafadahaana la iska fariisan lahaa . waa fikir macquul ah laakin eey adagtahay fulintiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

:D

Asaga koley tooshkii saarnaa wuu iska dejiyey. Tartiib inuu u dhuunto ayuu rabaa u fiirso, ileen wuu arkey inuu waxba ka helaynin sheekadaan. Koley XI waxba kuma soo kordhin cidaan.

 

Reerkaasna AS sheekadadoo kuma jiraan. They simply don't want to be bossed around by foreigners and qowdhans. lol

Share this post


Link to post
Share on other sites
wyre   

Loooool@foreigners and Qowdhans:D

waa runtaa, balse sidaa hadduu sameeyaa loo qaataa, Ineyse khaarajiyaan buu ka cabsanoo, dhinac uma dhaqaaqayo

Share this post


Link to post
Share on other sites

odaga aya xitaa waa og yihiin in dilka odaga halis yahay ,xitaa waxeey keeneysaa in alshabaab eey si fudud u burburaan , lakin odaga marmar ayeey bulshada soo tusayaan si loo xaqiijiyo inuu noolyahay caafimaad qabana , lakin waqtiga badankiisa waa xabsi guri farsameysan , lakin duqaas aan aqaanaa chance gaad waaye haduu fursad ku helo alshabab gabigoodaba waa kala tuuti lahaay lakin fursadaas ayeey ka ilaalinayaan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this