Xaaji Xunjuf Posted February 16, 2011 Shabaab oo xilka ka qaaday gudoomiyahooda gobolka Banaadir Muqdisho :(Sh. M. Network) Maamulka Xarakada Al Shabaab ayaa waxaa ay xilkii ka qaadiyeen gudoomiyahoodii gobolka Banaadir ee Sheekh Cali Max’ed Xuseen oo ahaa waaligii walaayaadka gobolka Banaadir. Kadib munaasabad balaaran oo ay isugu yimaadeen qaybaha kala duwan ee bulshada sida Culumaa’udiin, Waxgarad, ganacsato iyo siyaasiyiin ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo ka dhacday magaalada Muqdisho islamarkaana ay soo qaban qaabiyeen Maktabka siyaasadda xiriirka gobolada ee Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in xilkii laga qaaday Maamulka gobolka Banaadir ee Shabaab Sheekh Cali Max’ed Xuseen kaasi oo lagu badalay Sheekh Max’ed Xasan Cumar oo loo yaqaano (Abuu C/raxmaan). Sheekh Xuseen Cali Fiidoow oo ah Madaxa siyaasadda iyo gobolada ee Al Shabaab ayaa waxaa uu sheegay in Sheekh Cali Max’ed Xuseen oo ahaa Wakiilkii Shabaab ee gobolka Banaadir mudo badan uu soo shaqeeyay islamarkaana Maktabka uu gartay in xilka laga qaado laguna badalo Sheekh Max’ed Xasan Cumar. Munaasabadda ayaa waxaa hadal ka jeediyay waaligii hore ee Shabaab Sheekh Cali Max’ed Xuseen kaasi oo sheeagy in uu ku faraxsanyahay xilka qaadistii lagu sameeyey, waxaana uu sheegay in uu wax badan ka qabtay gobolka Banaadir. Sheekh Cali Max’ed Xuseen Wakiilkii hore ee Xarakada Al Shabaab ee gobolka Banaadir oo maanta xilka laga qaaday ayaa waxaa uu sheegay in loo baahnaa in isbadal lag sameeyo Maamulka gobolka Banaadir ee Al Shabaab, isagoo ku baaqay in lala shaqeeyo gudoomiyaha lagu badalay. Sheekh Max’ed Xasan Cumar (Abuu C/raxmaan) oo ah waaliga cusub ee gobolka Banaadir ee Al Shabaab oo isna ka hadlay munaasabda ayaa waxaa uu sheegay in uu ku faraxsanayahay xilka adag oo ay u magacaabeen Al Shabaab wax badan uu ka qaban doono wanaaga gobolka Banaadir sida uu hadalka u dhikgay. Gobolka Banaadir oo ka kooban 16-degmo, waxaa ku dhawaad 10-degmo gacanta ku haya Shabaab, waxaana gudoomiyaha cusub ee gobolka Baanadir ee Al Shabaab uu ugu baaqay ciidamada Shaabab inay sii wadaan dagaalada ay kala horjeedaan dowladda KMG Somaaliya. Quote Share this post Link to post Share on other sites
caydarus Posted February 17, 2011 marka add fiiriso kuwan dowlada isku sheegaaya ee dadka laynaayo, waxaabad moodaa in shabaabku raja dhaamo, maxaa yeelay mid wasiirada dowlada kamid ah markii xil laga qaado waxuu bilaabaya afxumo iyo in uu gooni u istaago oo uu dhoho yaa reer hebal ah, lakiin bal fiiri wadaadadan way isku hambal yey nayaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted February 17, 2011 ^Dee kan shabaabka ah ee xilka laga qaado hadduu hadlo gacantaa laga jari ama qoorta la goyn. Somalina, Sheekada xaajiga maka heshay .. Marna Subeyr marna Siilaanyo warkiisa umbuu soo dhajin. Waa undercover shabaab supporter. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted February 17, 2011 XX waa sidaad sheegtey. Kan xilka laga qaadeyna waxaa looga qaadey ma ogi but if I were to guess waxaan dhihi lahaa hawshiisa ayuu kasoo bixi waayey oo jab weyn ayaa soo gaarey, Villada agteedana ma gaarin marka sababtaas waaye waxuu ugu faraxsanyahay in laga qaado xilka, asagu ma rabo inuu dhaho haleyga qaado xilka maxaa yeeley waa la qaarajinaa haddii kale. Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted February 17, 2011 Indeed. Barbaarta's era is about to head to its grave. "Ninkaas wey ka dhamaatay" ma maqli jirtay, shabaab wey ka dhamaatay hadda. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted February 17, 2011 in the meantime maxammad dhere wala xidhay:D Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted February 17, 2011 Cali maxaa xuseen kulaha maanta kedib askari baan noqonaaya,, Yeah right.. Quote Share this post Link to post Share on other sites