Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Alshabaab Leader Amiir abu subeyr sacks governor of banadir.

Recommended Posts

Shabaab oo xilka ka qaaday gudoomiyahooda gobolka Banaadir

 

Muqdisho :(Sh. M. Network) Maamulka Xarakada Al Shabaab ayaa waxaa ay xilkii ka qaadiyeen gudoomiyahoodii gobolka Banaadir ee Sheekh Cali Max’ed Xuseen oo ahaa waaligii walaayaadka gobolka Banaadir.

 

Kadib munaasabad balaaran oo ay isugu yimaadeen qaybaha kala duwan ee bulshada sida Culumaa’udiin, Waxgarad, ganacsato iyo siyaasiyiin ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo ka dhacday magaalada Muqdisho islamarkaana ay soo qaban qaabiyeen Maktabka siyaasadda xiriirka gobolada ee Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in xilkii laga qaaday Maamulka gobolka Banaadir ee Shabaab Sheekh Cali Max’ed Xuseen kaasi oo lagu badalay Sheekh Max’ed Xasan Cumar oo loo yaqaano (Abuu C/raxmaan).

 

Sheekh Xuseen Cali Fiidoow oo ah Madaxa siyaasadda iyo gobolada ee Al Shabaab ayaa waxaa uu sheegay in Sheekh Cali Max’ed Xuseen oo ahaa Wakiilkii Shabaab ee gobolka Banaadir mudo badan uu soo shaqeeyay islamarkaana Maktabka uu gartay in xilka laga qaado laguna badalo Sheekh Max’ed Xasan Cumar.

 

Munaasabadda ayaa waxaa hadal ka jeediyay waaligii hore ee Shabaab Sheekh Cali Max’ed Xuseen kaasi oo sheeagy in uu ku faraxsanyahay xilka qaadistii lagu sameeyey, waxaana uu sheegay in uu wax badan ka qabtay gobolka Banaadir.

 

Sheekh Cali Max’ed Xuseen Wakiilkii hore ee Xarakada Al Shabaab ee gobolka Banaadir oo maanta xilka laga qaaday ayaa waxaa uu sheegay in loo baahnaa in isbadal lag sameeyo Maamulka gobolka Banaadir ee Al Shabaab, isagoo ku baaqay in lala shaqeeyo gudoomiyaha lagu badalay.

 

Sheekh Max’ed Xasan Cumar (Abuu C/raxmaan) oo ah waaliga cusub ee gobolka Banaadir ee Al Shabaab oo isna ka hadlay munaasabda ayaa waxaa uu sheegay in uu ku faraxsanayahay xilka adag oo ay u magacaabeen Al Shabaab wax badan uu ka qaban doono wanaaga gobolka Banaadir sida uu hadalka u dhikgay.

 

Gobolka Banaadir oo ka kooban 16-degmo, waxaa ku dhawaad 10-degmo gacanta ku haya Shabaab, waxaana gudoomiyaha cusub ee gobolka Baanadir ee Al Shabaab uu ugu baaqay ciidamada Shaabab inay sii wadaan dagaalada ay kala horjeedaan dowladda

KMG Somaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
caydarus   

marka add fiiriso kuwan dowlada isku sheegaaya ee dadka laynaayo, waxaabad moodaa in shabaabku raja dhaamo, maxaa yeelay mid wasiirada dowlada kamid ah markii xil laga qaado waxuu bilaabaya afxumo iyo in uu gooni u istaago oo uu dhoho yaa reer hebal ah, lakiin bal fiiri wadaadadan way isku hambal yey nayaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

^Dee kan shabaabka ah ee xilka laga qaado hadduu hadlo gacantaa laga jari ama qoorta la goyn.

 

Somalina, Sheekada xaajiga maka heshay .. Marna Subeyr marna Siilaanyo warkiisa umbuu soo dhajin. Waa undercover shabaab supporter.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

XX waa sidaad sheegtey. Kan xilka laga qaadeyna waxaa looga qaadey ma ogi but if I were to guess waxaan dhihi lahaa hawshiisa ayuu kasoo bixi waayey oo jab weyn ayaa soo gaarey, Villada agteedana ma gaarin marka sababtaas waaye waxuu ugu faraxsanyahay in laga qaado xilka, asagu ma rabo inuu dhaho haleyga qaado xilka maxaa yeeley waa la qaarajinaa haddii kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this