Sign in to follow this  
Kulmiye

The Best Of *QAYLODHAAN*

Recommended Posts

BOB   

I don't know about songs but I'd like to add this amazing poem that happens to be my all time favourite Somali poem ad I hope you'll all like it Insha Allah.

 

 

 

 

 

1958 kii ayaa magaalada Hargeysa waxaa soo booqday nin Ingiriis ah oo la odhan jiray Duke of Gloucester Markaasaa Abwaanadii waddanka loo yeedhay oo laga codsaday in ay soo dhaweeyaan sarkaalkaa Ingiriiska ah.

 

Abwaan Maxamed Ismaaciil Baasarce "Balaayo-Cas" Ama loo yaqaan Barkhad Cas ayaa isagoo diidan in ninkaas la soo dhaweeyo, sheegayana xumaanta uu Gumaysigu leeyahay , wuxuu yidhi:

 

 

 

AWOWGAY NINKII INDHAHA TIRAY

NINKII AABAHAY ADOONSADAY

NINKII ANIGANA I IIBSADAY

NINKII IFKA IGU ADOONSADAY

ITAAL LI'I BAA ISHAA I BIDEE

HADAAN OGOHOON AAN KA AARSAN KARAYN

HADAANAN AADANOOW UNUUNKA JARAYN

NINKAA ARAGIISA UURKAAN KA NECBEE

 

 

AAN OOYEE ALBAABKA II XIDHA.

 

 

ISAGOO ENGLAND JOOGA BUU I DILOO

USHUU SOO FIDIYAA II IMANAYSOO

WAA TAA ARAMIDU OOFA TIRTEE

ASAAG LI'I BAA ISHAA I BIDEE

NINKAA ARAGIISA UURKAAN KA NECBEE

 

 

AAN OOYEE ALBAABKA II XIDHA.

 

 

ARLADII KA SAMROO ADUUN MA HAYEE

HADII LA ILAASHAY AFKAYGII

HADAANAN IKHTIYAAR AQOONTAY HADLAYN

HADAANAN ERAY QUDHA SHIRKAAS ODHANAYN

NINKAA ARAGIISA UURKAAN KA NECBEE

 

 

AAN OOYEE ALBAABKA II XIDHA.

 

 

WIXII ARINEEN ILAAHAY JECLAYN

AAYAADKA QUR'AAN WADA ARAGTOO

UDGOONE INA YIDHI INDHAHA KA QARSHEE

NINKAA ARAGIISA UURKAAN KA NECBEE

 

 

AAN OOYEE ALBAABKA II XIDHA.

 

UGAADHA NINKII DHAQEE URURSHAA

RUUXII EEGAYAA ADDUUN KA BAXSHEE

RAGGIINII OGAA HORUU U ARKEE

NINKII OORIDIISA U GEYNAAYOOW

IN KEEG IYO SHAAL AYUU KU ARKINE

IIMOOWDEE AXANKAAGA WAYNEE.

 

AAN OOYEE ALBAABKA II XIDHA.

 

LIBAAXA ANNAYIYO ABAARSO KA CIYEY

ABUURIIN LO'DA JOOGTA BAA URISOO

OODAY JABISAA INTAY KA DHACDOO

AMSAXUU KA GURAA IDILKEED

WAKAA INGIRIISKII IIDA HAYEE

IDINA U DABAALDEGOO ADHIYOHOW

ORDAYOO MAGACANA KA IIBSADA.

 

AAN OOYEE ALBAABKA II XIDHA.

 

 

 

 

What a moving words... I can never get enough of this poem...We need to tell and teach the younger generation and those after them about such Somali heroes so that he will never be forgotten as long as the name Somali exists...May Allah s.w have mercy on his soul and may he reward him with Jannah Insha Allah.

 

 

 

 

 

 

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this