Sign in to follow this  
Arwa

History of Imaam Muslim Raximahu'llah (Somali)

Recommended Posts

Arwa   

Waxa si rasmi ah loo bilaabay diiwaan gelinta xadiisyada Rasuulka (CSW)

wakhtigii khilaafada Cumar Binu C/casiis isagoo ku tala bixiyay in la qoro

xadiisyada rasuulka (CSW), waxa uu fariimo u diray magaalooyinkii kala

fogfogaa ee islaamka, culumadana waxa uu amar ku siiyay in ay aruuriyaan

xadiisyadii rasuulka (CSW) oo ay diiwaan geliyaan, waxana jiray qoraalo ay

sameeyeen reer madiina. Cumar Binu C/casiis waxa uu yidhi “waxa aan ka

baqayaa duruusta cilmiga in ay ehelkoogu dabar go’aan”, laga bilaabo

wakhtigaa culumadii islaamku waxa ay bilaabeen in ay aad ugu hamiyaan una

samraan uruurinta axaadiista rasuulka (CSW) oo ay ku diiwaan geliyaan kutub,

may ahayn mihiimad sahlan iyo masuuliyad fudud, culumadaa u hawlgashay in ay

xadiisyada rasuulka (CSW) soo aruuriyaan waxa ay galeen hawl ka daran tii

soo aruurinta quraanka ee wakhtigii Abu bakar (RC) waayo quraanka waxa wada

xafidsanaa asxaabta Rasuulka (CSW) waana ay adagtahay in quraanka wax lagu

khaldo laakiin sunaha rasuulka (CSW) waxa laga soo aruuriyay dhul kala fog

fog lamana garanayo tirada axadiista rasuulka (CSW), beenalayaashuna waxa ay

dhex gelinayeen axadiista rasuulka wax aan ahayn hadalkiisii sidaa darteed

waxa loo baahday in la helo manaahij iyo garasho xeel dheer oo lagu kala

cadaynayo xadiiska rasuulka (CSW) iyo wixii aan ahayn, sidaa ayayna ku hawl

galeen culumadii waaweynayn ee soo aruuriyey axaadiista rasuulka (CSW).

Intii lagu jiray qarnigii labaa ee Hijriyada ayay bilaamatay diiwaan gelinta

axaadiistii rasuulku (CSW), ninkii ugu horeyey ee xadiiska Maka ku aruuriyey

waxa uu ahaa Jureex Al Basri oo dhintay 150H iyo Maxamed Binu Isaxaq oo 151H

ku dhintay Madiina, Macmar Binu Raashid oo isna ku dhintay Yaman 153H,

Saciid Binu Abi Caruuba oo isna ku dhintay Basra, Layth Binu sacad oo isna

ku dhintay Masar 175H, Maalik Binu Anis oo isna ku dhintay Madiina 179H,

dhamaantood illaahay ha u naxariistee.

 

Waxa ugu weynaa mu-alalifaatka ay dejiyeen culumadaasi xadiiska rasuulka

(CSW) iyo fatwooyinkii asxaabta iyo taabiciinta sida ku cad kitaabka Al

Muwada ee uu dejiyey iimaam maalik , waxana uu ka kooban yahay ilaa 3000 oo

masalo iyo 700 oo xadiis, kitaabka markii la qorayay ragbaa taagnida ugu

yeedhiyay iyagoo xafidsanaa xadiisyada iyo ma-alafaad khaas oo kale waxana

soo baxday kutubtii Musnadka ee lagu soo aruuriyey xadiisyada, xadiiskastana

waxa lagu hoos qoray magaca asxaabigii soo weriyey waxana lagu celiyey

musnadka axmed binu xamar oo ah kitaabka ugu caansan uguna waafisan

diwaanada sunaha.

 

Hadaba markii la soo gaadhay qarniga saddexaad ee hijriyada waxa bilaamay

dhaqdhaqaaq firfircoon oo lagu aruurinayo xadiisyada, is barbar dhigna lagu

samaynayo daciifnimada iyo saxeexa xadiiska iyo aqoonta ragii xadiiska iyo

derajada ay ka gaadheen alle ka cabsiga iyo toosnaanta.

 

Waxa markaa soo baxay kutub xadiisyada saxeexa ah lagu soo aruuriyey, ninkii

ugu horeeyey ee qora kutub xadiis ah oo saxeex ah waxa uu ahaa Iimamul

Bukhaari waxana ku xigay imaamul muslim oo raaciyay kitaabka saxeexul muslim

waana kuu ku saabsan yahay mawduucan aynu ka hadlayno.

 

Dhalashadii iyo Barbaarintii Imamul Muslim (Raximahu Laah)

 

Muslim binu Xujaaj waxa uu ku dhashay magalada niysaabur (Naisabur) Sanadku

markuu ahaa 206H, magaaladaas oo ahayd magaalo qani ah cilmiga iyo aqoonta

xadiiska sida ay isku raacsan yihiin culumada taariikhda, waxa uu ku soo

barbaray qoys fiican waxana lagu edbiyay guri uu leeyahay nin caalim ah,

aabihii waxa uu akhriyi jiray xalqado cilmi ah sidaa darteed ayuu aabihii ku

tarbiyadeyay wax barashada, waxna uu korey isaga oo aad u jecel cilmiga,

isagoo sagaal jir ah waxa uu wax ka dhigan jiray culimadii Naysaabur,

caalimkii ugu horeeyey ee wax u dhigaana waxa uu ahaa Yaxye Binu Bakar.

 

Waxa ay xusaan kutubta taariikhdu in uu ahaa nin ganacsada ah oo mulkiyey

hanti, waana uu ka tagay hawshii ganacsiga ahayd si uu wakhti ugu helo

barashada cilmiga, waxa uu galay socdaalo faro badan oo uu ku raadsanayo

culumadii faro badnayd ee ku baahsanayd calamka islaamka ee balaadhan, waxa

uu bilaabay socdaal kiisu ugu horeyey ee cilmiga waxana uu tagay Xijaas,

isagoo da-diisu ayna gaadhin 14 ayuu soo gutay xajka, waxana uu la kulmay

culumadii xadiiska iyo sheekhyo waaweyn intii uu joogay Xijaas, waxa uu wax

ka baranjiray Ismacil Binu uways iyo Saciid Binu Masuur, intaa ka dibna waxa

uu tagay Basra, Kuufa, Raay, Shaam iyo meelo kale, mudadii uu ku jiray

safaradan waxa uu la kulmay xaafidiin waaweyn iyo muxadisiin gaadhaya ilaa

boqol, waxana ka mid ahaa Imaamul Bukhaari muda ayuuna la joogay waxana uu

gaadhay jacalkiisu heer uu ku yidhaado “Kaalay aan lugaha aan ku qabsado

macalinkii macalimiintow, sayidkii muxadisiintow, dhakhtarkii xadiiska ka

saarayay cilladow”.

 

Waxa ka mid ahaa mucalimiintii wax baray Maxamed Binu Yaxya oo ahaa imaamkii

ehlu xadiiska ee kharasan iyo xaafidkii daarami oo ka mid ah kuwii

xafidsanaa axadiista, C/laahi binu Muslama iyo Abu Sarcata Al raasi oo ahaa

muxadis deganaa magalada Raay.

 

Heerka uu ka gaadhay aqoonta

 

Dadaalkasta oo uu u galay cilmiga waxa uu helay midhihiisi, illaahay (SW)

ayaa u barakeyey wakhtigiisi waxana uu helay cilmi aanay isku keenin kuwii

la mid ka ahaa, illaahay waxa uu ku arsaaqay xusuus aan kala go lahayn iyo

caqli degan iyo fahan xeel dheer, taas ayaana ku keentay in ay soo jiidato

culimada.

 

Waxa ay culimadu ku amaani jireen isaga oo yar in uu iska celin jiray waxa

la siiyo waxana uu uga waramay macalinkiisi Isaxaq in uu arkay daabad iyo

ninkii ilaalinayay waxa uu ku yidhi ninkii waar yaa leh daabadan ka dibna

waxa uu ku noqday sheekhiisi Maxamed Bishaar waxa uu ku yidhi xaafidiinta

aduunyadu waa afar Abu Sarca al raasi oo magaalada Ray ku sugan iyo Imaamul

muslim oo Masabur ku sugan, C/laahi Daarami oo Samra qandi ku sugan, Maxamed

Binu Ismacil oo reer bukhaari ah.

 

Imaamul muslim (raximahu Laah) waxa aad u amaanay culumada ehlu xadiiska

waxa uu yidhi Qaadi Cayaad oo ka mid ahaa imaamyadii islaamka iyo

xaafidiintii xadiiska iyo musanifiinta kuwii ugu qanisanaa sida uu u amaanay

umay amaanin kuwa danbe iyo kuwa horeba, culumadu waxa ay isku raaceen

imaam-nimadiisi iyo horu markiisa saxsanaanta xadiisyadiisa iyo is

barbardhigiisa, kalsoonidiisa iyo aqbalaada xadiisyadiisa.

 

Waxyaaba uu alifay

 

Imaamul Muslim (Raximahu Laah) waxa uu ka mid ahaa culumada ugu tahliifka

badan xadiiska faniyadiisa kala duwan iyo warintiisaba, waxa naga soo

gaadhayna waxa ka mid ah tiro aan yareen oo ka markhaati ah heerka uu ka

gaadhay xadiiska oo yar yihiinba wax ka gaadhay marka loo eego dadka u

adeega sunaha iyo kuwa lagu arsaaqay balaadhnida cilmiga oo ku fiday, waxa

ka mid ah mu-alifaadyadiisa Alkunya wal asmaa, Dabaqaad Taabicin, Rijaalu

Curwa Binu Sumer, Mu faridaatu Wujdaan, waxa kaloo uu leeyahay kutub kale oo

laba helaynba wax ka mid ah Awlaadul asxaaba, Ikhwatu wal akhwaat, Aqraan,

Aw haam muxadisin, Dikri awlaadul xuseyn, Mashaayikhul Maalik , Mashaayikhul

Thawri iyo Mashaayikhul Shucba.

 

Saxeexul Muslim

 

Waxa baahiyay magaciisa oo caan ka dhigay kitaabka weyn ee saxeexul mulsim,

culumadu aqoon umay laheen heerka garashada imaamul muslim uu u leeyahay

cilmiga xadiiska ilaa inta uu dhamaynayay kitaabka, kitaabka ayaa lagu

bartay caana uu ku noqday.

 

Waxa uu yidhi Imaamul Nawawi hordhaca sharixiisa saxeexul muslimka (waxa ka

soo hadhay xusuus qurux badan iyo amaan wanaagsan ilaa qiyaamaha) waxa uu

bilaabay alifaada kitaabka mudo hore isagoo jooga naysabuur markii uu soo

dawaafay dhulal badan, culimo badana la kulmay, waxna ka soo bartay,

cimrigiisu waxa uu ahaa markii uu bilaabay hawshan barakaysan ee kitaabka

qoristiisa 27 jir, qorida kitaabkuna waxa ay ku qaadatay 15 sano, waxana uu

isku keenay imaamul muslim xadiisyo uu qoray oo gaadhaya 3033 oo uu ka

maqlay culimadiisa intii uu ku jiray socdaalka waxana uu ka soo qaatay 3033

xadiis oo ku soo noqnoqonayn kitaabka halka inta ku soo noqnoqonaysaana ay

tahay 7395 xadiis marka laga soo bilaabo 10 kan xadiis uu ku sheegay

hordhaca kitaabka, axaadistani waa kuwa u dejiyay tartiibta wanaagsan si ay

ugu sahlanaato cidii baranaysa, waxana uu u dejiyay qaybo, kitaab kastana

waxa uu ka kooban yahay intaas oo qaybood, kutubtiisa saxeexa ah ee

nambarsana waxa ay gaadhaan 54 kitaab oo ka bilaabma kitaabul Imaan oo ay ku

hoos jiraan qaybta ah Diintu waa naseexo iyo qaybaha nifaaqa, Xaaranimada

kibirka, waxana uu akhriyey kitaabka imaamka iyo ka daharamada, kitaabka

xaydka, kitaabka salaada, waxa uu ku dhamaada saxaaxul muslim kitaabka

tafsiirka oo ah kitaabka 54-naad.

 

Muslim waxa u laasimay in uu xadiiskasta uu geliyo mawduuc kaliya isagoo ku

soo koobay dariiqooyinkii loo doortay xaga sanadka iyo laftiga kala

gedisnaantooda si ay ugu sahlanaato daalacashada ardayga ee wajiga xadiiska

ee ah sanadkiisa iyo qoraalkiisa iyo kala gaxaynta, umaduna waxa ay isku

raacday qubuulka kitaabka saxeexul muslimka waxana la barbar dhigay saxeexul

bukhaari, waxana la tiriyay inta xadiis ee saxeex ah ee ku jirta, waxana

culumadu is barbar dhigeen labadoodaba, badhkood waxa ay door bideen imaamul

muslim, laakiin sida ku cad daliilka muxaqiqiinta ahlu cilmiga ah saxeexul

bukhaariga ayaa ka afdalsan xaga saxnimada xadiiska, saxeexul muslimkuna

waxa uu kaga fadli badan yahay xaga sahlanaanta axaadiis ku kulmo mawduuc

kaliya oo aanay qoybo kala jarayn sida uu yeelay bukhaari, culimadu aad ayay

uga shaqeeyen ugana adeegeen saxeexul mulsimka, waxa la sameyeyna toban

sharax waxana ka mid ah Ikmaalu Al macalin bi fawaa’id muslim oo uu qoray

Qaadi cayaad, Minhaaj waxa qoray Nawawi, Ikmaalu macalin waxa qoray Maxamed

Binu Khaliifa, sadexdan sharaxba wey daabacan yihiin weyna diiwaan gashan

yihiin.

 

Itijaahan saxeexul muslim culimo badan ayaa wax ka qoray oo ay ka mid yihiin

Ibnu Manjawi Al Asbahaani, waxa kale oo culimadu ka sameeyeen kitabo

koobkooban (Mukhtasir ah ) sida ka Qurdibi, Culimada badhkood waxa ay meel

isku geeyeen labada saxeex (Bukhaari iyo muslim) Sida ka Jawsaqi, waxa kale

oo qoray muslim waxa u ka waafaqay Bukhaari waxana qoray Shanqiidi, waxa

isaguna jira lulu wal marjaan oo ka kooban waxa ay isku waafaqeen labada

sheikh waxa qoray Maxamed Fu’aad.

 

Waxa la daabacay saxeexul muslimka dhowjeer oo kali kali ah iyo isaga oo

sharixiisu la socdaba waxana ugu wanaagsan ka uu xaqiijiyay Maxamed Fu’aad

Cabdi baaqi waxana uu u sameeyey xadiisyada nambaro iyo tusmooyin kala

saaraya.

 

Dhimashadii

 

Imaamul muslim binu xujaaj intii uu joogay Naysabuur waxa uu qaban jiray

xalqado cilmi ah oo ay wax ka bartaan ardayda iyo dadka jecel dhageysiga

xadiisyada rasuulka (CSW) waxana ugu caansanaa ardaydiisi uu ka tagay Abu

Ciisa Tarmiidi, Yaxya Binu Saacid, Ibnu Khusayma, Abu bokor Maxamed Binu

nadir iyo kuwa kale oo badan.

 

Wakhtigiisi oo dhan waxa uu ku mashquulsanaa alifaada iyo tasniifta kutubta

ilaa habeenkii uu geeriyooday waxa uu ku mashquulsanaa xaqiijinta masalo

cilmi ah oo lagu weydiiyay majliskii uu casharada ka akhriyi jiray waxana uu

u soo toosay si uu u baadho masaladan laakiin waxa uu la kulmay rabigii

intaanu waagu baryin 25 Rajab 261-kii oo la mid ah 6 may 875M isagoo dadiisu

ah tahay 55 jir waxana lagu aasay maalin isniin ah Qubuuraha Nasrabaad ee

Naysabuur.

 

Wabilaahi Tawfiiq

Share this post


Link to post
Share on other sites
Salma   

I wish i can read somali so fast like the Arabic and English. I reached to the 5th line and my eyes went :eek: , but u know what iam gona print it and read it.

 

Thanx for sharing smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Arwa   

^^^looool

 

You know what? Alxamdulilah I can read & Understand somali 100%, ask me to write it and i'll be 50/50 (more like shocking) ....

 

For the people who find it hard to read with out sleeping, do Like Emmy is doing,print and read it in your own time, Mahsa'Allah Imaam muslims' life was indeed very intresting ...

 

Remember Practice makes Perfect!

 

Now.....How about I show off my talents in writing af somali??? :D

 

here we go:

ixmm ixmmm... "haye dhagaysayaal...????? Enjoy!"

 

( trying to write reader's in somali but I got listeners instead :( )

 

Truth is ...

 

I Posted this posting for the ajar!

 

3ala fekra OG-Girl don't worry I'll PM the arabic version ;)

44.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kynda i did came back and read. it is masha allah and he died at a young age from a man's perspective. I bet allah has placed him in a higher place in jannah allahu aclam though.

thanks again

by the way when you guys write 3 what do you mean. i mean the arabic speakers

Share this post


Link to post
Share on other sites
Arwa   

Jazaakum'Allahu'Khyran all for comming in and reading..

 

Sareeda

Sis 3 stands for the letter "ayin" in arabic, instead of using A for both 'alef' and 'ayin' we seperate them by using the letter 3, which even looks like 'ayin'. Just like in somali we use the letter C .

 

there is also some more letters we use numbers for to distinguish from else ...

 

Salaam

44.gif

 

wsalaam wr wb

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this