Sign in to follow this  
oba hiloowlow

FASHIL, Al shabaab

Recommended Posts

Maamulka Xarakada Al Shabaab ee degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa shaaca ka qaaday in shacabka ku dhaqan guud ahaan gobolka Galgaduud ay taageersan yihiin dowladda kmg ee Soomaaliya.

 

Maamulka Shabaab ee Ceelbuur ayaa meel fagaare ah iskugu yeeray inta badan shacabka ku nool magaaladda Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, isla-markaana wuxuu shaaca ka qaaday in shacabku ay taageersan yihiin dowladda uu madaxweynaha ka yahay Shariif Sheekh Axmed.

 

Waxay Shabaabku sheegeen in dhawaan ay talaabo adag ka qaadi doonaan inta badan dadka taageersan dowladda kmg ee Soomaaliya, iyagoo sheegay in’ay taageersan yihiin dowladda ay ugu yeereen in’ay gaalo raac tahay.

 

Sidoo kale Xarakada Al Shabaab ayaa sheegtay in’ay Jihaad kula jiraan dowladda kmg ee Soomaaliya iyo ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, isla-markaana waxay sheegtay in cid kasta oo dowladda tagaeersan in’ay iyana la-Jihaadi doonaan.

 

Dhanka kale Shabaabka ayaa wuxuu ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in’ay dalka Soomaaliya keentay ciidamo aan Islaam ahayn, isla-markaana dhibaato baahsan ku haaya shacabka ku dhaqan caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho, iyagoo intaasi ku daray in’ay dagaalka sii wadi doonaan.

 

Hadalkaan kasoo yeeray Xarakada Al Shabaab oo hadal aad u miisaan culus ah ayaa waxaa si weyn uga carooday inta badan shacabka ku dhaqan magaaladda Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, lamana oga talaabadaan waxa xigi doona.

 

http://www.dhacdo.com/news.php?readmore=3621

 

http://xusuus.com/view.php?id=2732

 

http://www.soomaalidamaanta.com/index.php?option=com_content&view=article&id=18628:xarakada-shabaab-oo-saakay-dadka-ceel-buur-ku-eedeeyay-in-ay-taageerayaal-u-yihiin-dawlada&catid=1:wararka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Horjoogaha Kooxda Al-shabaab dhanka warfaafinta u qaabilsan Cali Maxamuud Raage Cali dheere ayaa si cad u qirtay xilli uu xalay ka hadlayay idaacadaha ay xoogga ku heystaan in ay ku baaba’een dagaallada magaalada Muqdisho iyo kuwa gobollada ay ka hurinayaan kooxda Al-shabaab carruur badan oo ay soo qafaaleen.

 

Cali Dheere waxa intaa ku daray in dagaallo dhawaan dhacay ay soo geliyeen ku dhawaad 280 dhalinyaro oo ay si qasab ah lagu keenay kuwaasi oo uu sheegay in ay ku halaagsameen dagaallada isla markaana badankood ay dhinteen kuwa kalena ay yihiin dhawaac aad u daran.

 

Afhayeenka Kooxda Al-shabaab Cali Dheere waxa uu sidoo kale sheegay in ay doonayaan dhalinyaro kale oo ay dagaal geliyaan si ay uga dheigtaan xaabo ay ku huriyaan colaadda Shabaabku ay ka wadaan dalka.

 

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa kooxda Shabaab kasoo goosanayay dhalinyarada ay marin habaabiyeen kuwaasi oo fahmay ujeedka rasmiga ah ee Shabaab ay ka damcsan yihiin jiilka da’da yar ee Soomaaliyeed waxaana maalmihii ugu dambeeyay ay isku soo dhiibayeen DKMG Somalia iyo maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Suna wal jamaaca.

 

RadioMuqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ku dhawaad 5 horjooge iyo maleeshiyo ka tirsan kooxda Shabaab ayaa geeriyootay tiro kalena wey dhaawacmeen kadib markii uu ku qarxay Qarax ay ku diyaarinayeen guri ku yaala xaafadda Gubta ee degmada Dayniile.

 

Inta la ogyahay 4 horjooge oo ka tirsan kooxda Shbaab ayaa ku geeriyootay 2 kalena wey ku dhaawacmeen Qaraxan oo waaberigii shalay ka dhacay xaafada gubta ee degmada Dayniile gaar ahaan agagarka Maxkamada maleeshiyadaasi oo ku taala inta u dhaxeysa xaafadaha Barwaaqo iyo Ciise Cabdi kadib markii ay ku qaraxday miino ay ku dul diyaarinayeen guri ay ka buuxaan walxaha qarxa.

 

Ragga ku halaagmay qaraxan oo qaarkood magacyadooda aan helnay ayaa waxaa ka mid ah nin lagu magacaabo Sheekh Ciise oo ka tirsanaa horjoogayaasha Shabab ee shabelada hoose iyadoo ragga dhaawaca culusi soo gaareyna uu ka mid yahay nin magiciisa lagu soo gaabiyay isxaaq oo qaraxu uu ka haleelay dhabarka iyo lugaha xili uu jiifay gurigaasi.

 

Qaraxan kadib ayaa waxaa laga maqlayay gudaha gurigaasi rasas iyo hubka calculus oo mararkala duwan qarxay maadama uu ka mid ahaa guryaha ay badana isugu yimaadan horjoogayasha sarsare ee Shabab isaga iyo dhowr guri oo ku harereysan agagarka halka ay maxkamada ku tilmameen.

 

Waxaana sidoo kale goobtaasi soo buuxdhaafiyay maleeshiyo fara badan oo ka tirsan kooxdaasi oo xiray dhamaan wadooyinka hareermara iyadoo shalayto ilaa laga gaaro abaara 8 dii aroornimana ay xirneyd wadaada ka timaada xaafada Ciise Cabdi ee soo marta Barwaaqo halkaas oo ay isticmaali jireen gaadiidka ka shaqeeya Bakaaraha iyo Ciise Cabdi.

 

RadioMuqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Lol dee muhiimadu taas mahe top newska waxaa weeye in reer ceelbuur la yiri dowladdad taageertaan ,hadeyba reer ceelbuur dowladd taageersanyihiin Al shabaab yaaba taageersan markaa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Where are the Shabaabis or AlSheydaan, I don't see them in the pics?

 

Ururka dhallinyarada SYL II, oo tartan kubadda cagta ku qabtay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galguduud (SAWIRRO)

 

syl2.jpg

Sabti, 15 Janaayo, 2011 (HOL) – Munaasabad ciyaareed kubadda cagta, ayuu ururka SYL II ku qabtay degmada Caabduwaaq ee gobolka Galguduud maalin ka hor, taasoo loo qabtay laba kooxood oo lagu kala magacaabo Badbaado iyo Hordoor, iyagoo ku kala baxay rigoorayaal.

 

 

“Ciyaartan, waxaa soo qabanqaabisay SYL II, waxaana loogu talogalay in bulshada la isugu keeno si ay isku dhexgalaan, waxaana ciyaarta fuliyay ururka dhallinyarada gobolka Galguduud ee GAYDO,” ayuu yiri Yaxye Nuur Cali oo ah guddoomiyaha SYL II oo la hadlay HOL.

 

 

Guddoomiyaha SYL II, wuxuu sheegtay in ciyaartan hal-ku-dhig looga dhigay ‘MIDWOGA DHALLINYARADA TAAGEERTA NABADDA IYO KALA QOQOBNAANTA’, isagoo intaas raaciyay in kooxdii ku guuleysatay ciyaarta uu ururkoodu ku abaalmariyay koob.

 

syl8.jpg

Munaasabaddan, ayaa waxaa ka qaybgalya daweyne fara badan, kuwaasoo aad u soo dhaweeyay ciyaarta loo qabtay labada kooxood, waxayna sheegeen in ciyaaruhu ay yihiin kuwa isku keeni kara bulsho muddo dheer kala maqnaa ama aanan is-arag.

 

Saraakiisha maamulka culummaa’uddiinka Ahlusunna Waljamaaca ee gobolka Galguduud, gaar ahaan ee degmada Caabud-waaq, iyagoo sheegay in ciyaartan ay tahay mid wanaagsan loona bahnaa in degmooyinka lagu qabto.

 

Masuuliyiintii ka hadlay munaasabadda, ayaa waxaa ka mid ahaa wakiilka arrimaha bulshada ee degmada Caabudwaaq Mahad Khaliif Rooble, guddoomiyaha Isboortiga ee gobolka Galguduud Bashiir Warsame Jaamac (Afgooye), Madaxa Isboortiga ee maamulka Ahlusunna Waljamaaca Durraan Cali Fareey, guddoomiyaha Isboortiga degmada Muxyadiin Cabdi Geelle iyo gudoomiyaha ururka haweenka (TAAKULO) Marowa Fardowsa Yuusuf Ciid, waxaana dhammaantood ay mahad iyo bogaadin u jeediyeen ururada dhallinyarada SYL II iyo GAYDO.

 

 

syl9.jpg

Sidoo kale, waxaa xafladda khudbado gaagaaban ka jeediyay xubno ka socaday ururka SYL II, iyagoo u mahad-celiyay dadweynaha reer Caabudwaaq, sida diirran ee ay u soo dhaweeyeen ururka iyo dhammaan mas’uuliyiinta kala duwan ee kasoo qaybgalay iyo weliba kooxahii tartanku dhexmaray ee soo bandhigay ciyaarta wanaagsan.

 

Ugu dambeyntii, waxaana kooxdii tartanka ku raysay oo ahayd Badbaado, la guddoonsiiyay koobkii uu bixinayay ururka SYL II, waxaana munaasabadda ay kusoo gabgabowday jawi farxadeed iyo rayn-rayn.

syl.jpg

syl10.jpg

syl5.jpg

syl7.jpg

syl3.jpg

syl4.jpg

syl6.jpg

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this