Sign in to follow this  
Siciid1986

M/weyne Siilaanyo oo kulan saacado qaatay la yeeshay Wafti ka socoday Dawlada Sacuudiga

Recommended Posts

M/weynaha Somaaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa kulan ku qaabilay Qasriga looga arimiyo Somaliland wafti Balaadahn oo ka socoda Boqortooyada Sacuudi Arebia waftigan oo ka kooban shan xubnood.

Wafti-Sacuudi.jpg

Booqashada waftigan ayaa laga soo saaray Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Md Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo nuqul ka mid ahina soo gaadhay Warqabadka ToggaHerer ee Hargeysa haddaba Warsaxaafadeedka ayaa isaga oo dhamaystiran u qornaa sidan:_

War-Saxaafadeed

wafti-saudi.jpg

Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wefti Balaadhan oo ka Socda Dalka Sucuudiga Weftigan oo ka Kooban 5 Xubnood Dalkana soo Gaadhay Shalay (Jimcihii) waxa ay Saaka Madaxweynaha kulan Saacadoo qaatay kula yeesheen Qasriga Madaxtooyada.

wafti.jpg

Weftiga oo ujeedda Socdaalkoodu yahay in ay Dalka Maal- gashi ku sameeyaan oo ay Dawlada Somaliland Xidhiidh Ganacsi la yeeshan Gaar ahaan Dhinacyada Shiidaalka.

Dalkana ay Gacan ka Gaystaan Wax soo Saarkiisa Madaama oo bay yidhaahdeen Dalkani uu ku Talaabsaday Talaabo Wax ku Ool ah oo u baahan in laga Taageero Dhinacyada Wax-soo saarka si ay uga mid noqdaan Wadamada aadka u Danaynaya inay Somaliland la yeeshan Xidhidh noocan oo kale ah.

Madaxweynuhu wuxuu Weftigan uga waramay Xaaladda Guud ee dalka gaar ahaan Dhinaca Ganacsiga waxaanu kusoo dhaweeyey Weftiga Fikradooda ah inay Somaliland La yeeshaan Xidhidh Ganacsi taas oo uu madaxweynuhu u balan qaaday inay Gacmo Furan ku soo dhawaynayaan Waxna la qabanayaan Cidkasta oo Dalkan Maal-gashi iyo wax soo saarba ka damacsan gaar ahaan Dhanka Ganacsiga.

Gebagebadii Madaxweynuhu waxa uu Weftiga uga waramay Xaalada Ganacsi ee Dalku maraayo taasi oo uu u sheegay inay tahay mid ay Reer Somaliland iyagu ay is gaadhsiyeen heerkaa ay Maanta taagan yihiin waxaana Tusaale idinku Filan ayuu yidhi madaxweynuhu in ay Maanta Caalamku Danaynayaan Xidhidh ay Dalka la Yeeshan.

ALLAA MAHAD LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

Share this post


Link to post
Share on other sites

First the Kuwaiti's, then the Emeriti's and now even the Saudi's seem to be following a new policy regarding Somaliland.

 

The Arabs finally realize that they have no other choice then to support Somaliland, after the TNG and TFG goverments they have

supported with hundred millions and gave political backing to have failed misserly.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this