Sign in to follow this  
Saalax

Wasiirka Warfaafinta Djibouti oo ka hadlay dariiqa loo marayo aqoonsiga Somaliland

Recommended Posts

Saalax   

Djibouti, (Qaran news)- Xukuumadda dalka Djibouti, ayaa shaaca ka qaaday siday waajib u tahay isbedel lagu sameeyo hanaanka 20-kii sannadood ee la soo dhaafay ay Somaliland ku raadinaysay ictiraafkooda iyo madaxbanaanidooda. Isla markaana ay xukuumad ahaan soo dhawaynayaan dariiq kasta oo taas ay dadka reer Somaliland iyo inay tahay wadahadal arrintaa lagala galo Soomaalida laftood, runtana looga sheego xaqiiqda meesha taala.

Wasiirka Warfaafinta Djibouti Md. Cali Cabdi Faarax oo isaga oo ku sugan caasimadda Djibouti toddobaadkii hore uu Wargeyska Ogaal waraysi kula yeeshay Huteel Kampeisk, waxa uu si adag uga hadlay isbedelladii ka dhacay Somaliland, isla markaana wuxuu amaanay xukuumadii talada ka degtay iyo weliba xukuumadda Madaxweyne Siillaanyo, taasoo uu u rajeeyay inay mustaqbal fiican u horseedayaan ummadda reer Somaliland. Wasiirku waxa uu carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in wax laga bedelo nidaamkii labaatankii sannadood ee la soo dhaafay lagu baadi-goobayay aqoonsi Somaliland ka hesho caalamka. Sidoo kalena, Wasiirku waxa uu Somaliland ku adkeeyay inay geed kasta oo lagaga hadlayo arrimo Soomaali ah tagaan, kana sheegtaan qadiyadooda, iyada oo ku dhiirigeliyay inay Somaliland la hadlaan cid kasta oo ku hadhay magacii Soomaaliya, si caalamka indhahooda loogu soo jeediyo arrintaas. Md. Cali Cabdi Faarax, waxa uu maamulka Somaliland u soo jeediyay inaanay faa’iido ugu jirin wax uu ku tilmaamay fadhi dambe, balse taas bedelkeeda albaab kasta la garaaco. Wasiirka oo su’aalo kooban uu Wargeyska Ogaal waydiiyay, waxa uu ku bilaabmay sidan:

S: Wasiir ugu horrayn ka waran xaaladdaha guud ee mandaqadda gobolka?

J: Walaahay, Djibouti degmoy ku taalaa, hadii degmeddaasi ay ololaysana Djibouti way la ololaysaa. Inta kale degmeda (dalalka bariga afrika), dee Somaliland iyo Somalia way nooga dhaw yihiin. Immika afkan aan ku hadlayo, waa ka ay ku hadlaan intaasoo dhami, af-baa naga dhexeeyoo, dhaqan baa naga dhexeeyoo, wax badan ayaan wadaagnaa. Ta degmeda hadaan ku horeeyo, dee degmedu waa muhiim inay degto oo nabad lagu soo dabaalo. Waayo, marka nabadi ay jirto ayay nololi jirtaa. Markaa dawladda Djibouti waxay awoodda saaraysaa in degmedu degto, si loo helo horumar iyo nolol oo dhaqaale uu u samaysmo. Waadigaa arkayoo Djibouti waa laysugu yimi oo intii nabadda danaynaysay oo dhami waxay isugu yimaadeen halkan, taasina waxa horseeday siyaasadda dawladda Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Somaliland dadnimo ayaanu wadaagnaa, dhaqan baanu wadaagnaa, dhiig baanu wadaagnaa. Somaliland mashkiladi kama jirto. Inay degenaato oo wax dhibaato ahi aanay jirin, waa wax aanu aad ugu faraxsanahay, aadna waanu u danaynaynaa. Waayo, hadii Somaliland ay ololi lahayd, dee Djibouti-na way la ololi lahayduun, sababta oo ah, xuduudku waa 16km. Magaalooyinka Somaliland oo badan ayay Djibouti xuduudka uga dhawdahay, markaa halkaa waxa yaalaa, halkana way yaalaan. Hadii nabadi taalo, way taalaa. Markaa maanta wax fiican baa yaala..Nabad baa taala, horumar baa yaala, waananu ku faraxsanahayoo, Somaliland waanu ugu faraxsanahay, anaguna waanu faraxsanahayoo dantayadaanu u faraxsanahayoo ciddii jaarka nala ahayd way faraxsan tahay.

S: Muddo dheer ayay Djibouti Somalia dejinteeda isku hawlaysay, immikana halka uu xaalkoodu marayo waad la socotaan, markaa taas maxaad ka odhan lahayd taas?

J: Horta anagu (Dawladda Djibouti) uma adeegayno Madaxweyne, uma adeegayno dawlad, balse waxa na dhibayaa waa dhiigga ummadda Soomaaliyeed ee labaatan sannadood uun daadanaya.

Magacan Soomaaliyeed ee adduunkii raqiiska noqday, kaasoo shalay lagu faanayay, maanta marka lagu yidhaahdo ‘yaad u dhalatay’ waagii hore Soomaali baan ahay ayuu cod sare ku odhan jiray oo adduunka inaanay cidiba ka sarayn ayuu isku haystay...Maantana marka lagu celceliyo ee laga dayn waayo ee uu iska dhego-maro, ayuu marka lagala hadhi waayo, ayuu isaga oo xishoonaya hoos u odhanayaa ‘I am Somali (Soomaali baan ahay)!’ Markaa walaalahayagaa dhibaataysan oo runtii in iyaga ka mid ahi uun ay u geysanayaan waanu ka xunnahay. Anagu hadaanu nahay Dawladii Djibouti, Madaxweynaheeda iyo dadkayaguba, waxaanu leenahay inaan nala odhan uun Djibouti wax bay hagratay. Waxa weeye uun inaan la odhan, shalay Djibouti baa bed-qabtayoo, way joogtayoo, way na hagratay.

Anigu Somaliland-na waxaan odhan lahaa, nabad baa tihiinoo waad shaqaysateen, tiiyoo aanay weliba cidina wax idinla qaban ayaad qabsateen. Markaa waa walaalihiine, bal inaad la talisaan oo shalay wax baa wada lahaydeene maanta ma wada lihidin. Laakiin, inaad nabad ku caawisaanoo aad wadahadashaan, illayn cidna cid kale ma khasbi kartee aad si fiican oo walaalnimo ah aad u kala baxdaan. Run ahaantiina anigu waxaan jeclaan lahaa inay Somaliland meel kasta oo lagu hadlayo ay joogto oo qadiyadeeda ay ka sheegto oo cid qabsanaysaa ma jirtee, albaab kasta garaaca, illayn waa labaatan sannadoode. Aniga waajib bay igu tahay, waayo, markay Somaliland fiican tahay baanu fiicanahay. Dee labaatan sannadood ayaa si uun loo doonayay aqonsiga Somaliland, markaa labaatankaa sannadood dabadeed lama hayo sow maaha? Dee meel kasta oo la joogo oo UN-kii, Midawga Afrikaanka, Ururka Jaamacadda Carabta oo adduunkii uu joogo, kaalayoo dee waxaaga ka sheego. Walaalkan Soomaaliyeed shalay isagaad ku biirtay, adigaa ula tegay oo u geeyay calankaaga, dee maxaad isaga uga baqaysaa? ‘Waar shalay anigaa kuula imi. Dhibaataddaas baa igu dhacday.

Diyaaradii Hargeysa ka kacday, ayaa Hargeysa dib u duqaysay. Markaa maxaad doonaysaa inaan kugula joogo? Aan isu ducayno, adiga dhibaatadaadu way I dhibaysaayoo dhiigaaga daadadanayaa anigana wuu I daadanayaayoo nabad baan kuugu ducaynayaa, weliba waan ka qaybqaadanayaa. Shalay anigaa xiise kuula imiye, mustaqbalka dee hadaad ii soo xiisooto ii kaalay, balse maanta sidaasaan gartaye aynu sidaa isugu ducayno’ sidaa ku dheh illayn isagaad wax la lahaydoo aad waxaagii u geysaye….kala hadal qadiyaddaada, ha u diido haduu doono….Anagu taas xaq baanu u arkaynaa iyo inay Somaliland albaab walba garaacdo. Kan Soomaaliyeed anagu markaa waanu idin dhex-gali karnaa, wax idiin kala sheegi karnaa. Laakiin halkaasaan fadhiyayaa!!!

Waxaan aaminsanahay in kolley ay dawladu (Somaliland) dhaqdhaqaaq fiican wado….hogaan wayn oo degen (Siillaanyo) oo aanay isaga cidi ku odhan karayn ‘maxaad halkaa u tagtay?’ Waayo, waa ninkii jaakada u galay, waa ninkii xoreeyay weeye, dee dadkanina inay gaadhaan nolol fiican oo tii shalay ka wanaagsan bay doonayaan, markaa maaha inay taas ku gaadhayaan ‘halkaasaan fadhiyayaa maaha…dee halkaa waxba ma imanayaane, waa in halka ay yaalaan laga doonto…waxaanan aaminsanahay inay dawladani tahay mid ummadda u horseedaysa horumar iyo nabadgelyo iyo barwaaqo ay gaadhaan walaalahayaga Somaliland.’

S: Koonfurta Suudaan waxay ka go’aysaa Waqooyiga, isla markaana AU-da, Jaamacadda Carabta iyo IGAD-ba way diidanaayeen, hadana waa la marsiiyay, markaa ma waxaad leedahay jidkaasi Somaliland-na wuu u furan yahay?

J: Horta aqoonsigu waa ka qofku is-aqoonsado, Somaliland iyadaa is-aqoonsatay, waa ka ugu wayn, waana ka ugu muhiimsan. Wax wayn bay qabatay, doorasho tii ugu qurux badnayd bay ka samaysay Afrika. Waadigaa arkayoo, Ivory Coast 50 sannadood ayay jirtay, maantana waa laysku dilayaayoo doorashaa dhacday ninkii laga helay-na ‘anigaa madaxweyne ah buu leeyahay,’ adduunkii oo dhan baa kaxayn kari waayay…Somaliland-na Madaxweynihii laga helay wuu u hambalyeeyay kii helay…dawladnimadu maxay tahay?

S: Xukuumadii Rayaale iyo Dawladda imika ee Siillaanyo, ma la odhan karaa xidhiidhada aad la leedihiin way kala duwan yihiin?

J: Taas waan kuu sheegay in dawlad aan is-leeyahay munaasab bay ku tahay Somaliland..guulo iyo horumar-na way gaadhsiinaysaa ay tan immika tahay. Laakiin, waxay ila tahay, hadii la yidhaahdo ‘arrimaha daakhiliga ah iyo laba madaxweyne’ waxa weeye anagu walaalaanu nahay cid nooga dhawi inaanay jirin Somaliland, laakiin hadana dee Somaliland waa dawlad…shalayna iyadaa Madaxweynahaa iyo dawladaa doortay, maantana tan iyagaa keenay. Balse, kolleyba waxay ku amaanan tahay Somaliland in dawladii shalay baxday ay doorashadii samaysay, si fiican ay u dhacday, natiijadii ka soo baxday ay aqbashay.

Run ahaantii waan joogay oo Illaahay wuu I joojiyay oo maalin iiga farxad waynayd may jirin caleemo-saarkii Madaxweynaha cusub ee Madaxweynihii ka degayay uu khudbad taariikhiya akhriyay….ee ninkan Gbagbo (Madaxweynaha Ivory Coast) ee laga helay doorashada Illaahay uu garansiin waayay ee uu ka murmayee dalkiisii uu dagaal sokeeye qarka u saaran yahay.

Anigu waxaan u haystaa Madaxweynaha ‘waa layga helay’ yidhi ee dhiibay ee tiriyay….anagu waanu tagnay, Kiiniyaa tagtay, Itoobiyaa timi, waxa na soo dhaweeyay labadii dawladood, tii dhacday iyo tii bedelaysay ee weli aan qaban oo wada jooga oo wada socda…markii aan Hargeysa joogayna waan idhiye, waa mid aan Afrika ka dhicin taasi. Hase yeeshee, waxaad samayseen wax dalalkii dunidu caawinaysay aanay samayn, idinka oo isku tashaday ayaanad gaadheen taas. Markaa waxaan leeyahay, fadhiga ka kaca oo geed walba taga oo ruxa.

 

Ogaal

Share this post


Link to post
Share on other sites

MoonLight1;684703 wrote:
Cali Cabdi Farax is Sland sypathiser, coz he is from the BBH (Burco, Berbera, Hargeysa) triangle clan .

actually cali cabdi farax was born in Djibouti and so was his father.

Share this post


Link to post
Share on other sites

No he does not actually the former president of Djibouti guleed abdi doon was from Somaliland and born in Somaliland

The current president IOG is from Ethiopia born in dirdhawe. Cali cabdi farax is a real Djiboutian born in Djibouti and so was his father.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji, SXB I think your ignorant, or lying. Cali Cabdi Farax is from the "I" clan, He is jibutian I am not denying that, but he has blood ties with the sepretist clan, Is that not????? don't avoid the truth.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaji, ha la yaabin. dadkani dawladnimo iyo reernimo ma kala saari karaan. waa kuwa marna dawladnimada yeey ku tageera, shariifna ku diida. daadka maxaad ka sugi?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this