Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somalia: TFG soldiers and Ethiopian troops fight in Hiiraan

Recommended Posts

Ciidamada DKMG iyo kuwa Ethiopian ah oo ku dagaalamay Jawiil.

 

Jawiil: (Sh. M. Network) Dagaal mudo kooban socday islamarkaana sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa caawa ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Ethiopian ah waxaa uu ku dhexmaray degmada Jawiil ee gobolka Hiiraan.

 

Sida ay sheegayaan wararka Caawa Shabelle ay ka haleyso degmada Jawiil ee gobolka Hiiraan, dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Ethiopianka ee ku sugan degmadaasi ay xireen sargaal ka tirsan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo kula sugnaa degmadaasi taasi oo keentay inay ka caroodaan askara dowladda KMG.

 

Intaasi kadib ayaa la sheegay in ciidamada dowladda KMG ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Ethiopia ay ku leeyihiin degmadaasi Jawiil iyadoo halkaasina uu ka dhacay dagaal mudo kooban socday ee u dhaxeeyay ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Ethiopia.

 

Inta la ogyahay dagaalkaasi ayaa waxaa ku dhintay hal askari oo ka tirsan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyadoo sidoo kalana uu ku dhaawacmay qof oo rayid ah kaasi oo la sheegay inay haleeshay rasaasta labada dhinac ay is weydaarsanayeen.

 

Xaaladda degmada Jawiil ayaa haatan degan, waxaana wararka laga helayo degmadaasi ay sheegayaan in degmada ay isaga baxeen ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Good question JB... War ma dhamaado wallee...

------------------------

 

Dowladda iyo Shabaab oo iska horimaad ku dhexmaray Hiiraan.

Baladweyne : (Sh. M. Network) Iska horimaad qasaaro gaystay ayaa xalay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan waxaa uu ku dhexmaray ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al Shabaab, iyadoo Taliska dowladda ee gobolkaasi uu guulo ka sheegtay dagaalkaasi.

 

Axmed Cismaan Cabdulle Axmed Inji Taliyaha ciidamada dowladda KMG ee gobolka Hiiraan oo la hadlayay Idaacadda Shabelle ayaa waxaa uu sheegay in ciidamo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab weerar ay ku qaadeen fariisimo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin degaanka Kalaberyka iyo Ceel-gaal oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

 

Taliyaha ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada dowladda ay fashiliyeen weeraro isniidaamin ah oo ay soo qaadeen ciidamo ka tirsan Al Shabaab oo tiro ahaan gaarayay 7-ruux, wuxuuna Taliyaha intaasi uu ku daray in qaarkood ay toogteen qaarna ay dhaawaceen, kuwa kalana ay gacanta ku hayaan sida uu hadalka u dhigay.

 

Axmed Inji Taliyaha ciidamada dowladda KMG ee gobolka Hiiraan waxaa uu tilmaamay in ciidamii ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab ee weerarka ku qaaday ay soo qaateen Dareeska ciidamada dowladda hase’ahaatee ay ka hortageen weerarkaasi.

 

Axmed Inji waxaa uu beeniyaya warar sheegaya in maalintii shalay degmada Jawiil ee gobolka Hiiraan uu dagaal ku dhexmaray ciidamada dowladda KMG ee gobolkaasi iyo ciidamada Ethiopian-ah ayaa waxaa uu tibaaxay inaysan jirin wax iska horimaad oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia hase’haatee dagaal uu dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Al Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites

abaayo, dadna wexe ka hadliyaan reality(xaqiiqda runta) adiga iyo Sh Shariif maalin walba meelkale ayaad u duulisiin ama u dalaxiis tagisaa. Meel kaliya fadhiista oo ku eekaada, sidani si maha.

 

A correre e cagare ci si immerda i garretti.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Polanyi   

A better question for the Qabil Worshipers: wth are Ethiopians doing there?Remember when Shariff declared war on them?lllllllllllllllllllllllllllllllllllkkkkkkkkkkkkk.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Jacaylbaro;683970 wrote:
loooooooooooooooooooooooooooooooooool ,,, so Alshabab are now siding with the Ethiopians ,,,, hahahahahaha

looooool....

Don't be so suprised... aniga news uun baa soo dhejiyey dee...

AS waxay u jeedaan dawlada keliya...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this