Sign in to follow this  
Siciid1986

Ciidan Beeleed aan la garanayn Cidda wadata oo Tabobar looga furay Magaalada Sheekh

Recommended Posts

Wednesday, December 29th, 2010 | Posted by Maxamud

Ciidan Beeleed aan la garanayn Cidda wadata oo Tabobar looga furay Magaalada Sheekh

 

ciidanka-badda1.jpgMa Waxa ina soo galay Shirkaddihii tabobarka ee Somaliya iyo Puntland?

Sheekh (Waaheen) Wararka aanu ka helayno Degmadda Sheekh ee Gobolka Saaxil ayaa sheegaya in tabobar looga furay Dugsi Ciidamadu ku leeyihiin magaaladaasi Ciidan Beeloodyo laga soo ururiyay Burco, kuwaasoo aan la garanayn cida tabobaraysa iyo sababta loo tabobarayo toona.

Ciidamadan la sheegay in Sheekh tabobar looga furay ayaa lagu sheegay inay gaadhayaan ilaa sadax boqol oo nin oo qaab beelaysan looga soo xulay Deegaanka Gobolka Togdheer, gaar ahaana sadexda beelood ee halkaas wada dega haba ku kala bateene.

Ilaa hadana wax war ah lagama hayo ujeedada loo tabobarayo ciidan beeleedkan iyo cida tababaraysa toona.

Arrintan ayaa shaki weyn ku abuurtay dad badan oo ka war helay jiritaankeeda waxaanay ku tilmaameen mid walaac ku abuuri karta Dalka maadaama sida ay sheegayaan aanay ahayn Ciidan Dawladeed isla markaana ay ku kooban yihiin oo kaliya Deegaan qudha, waxaanay muujiyeen inay talaabadani horseedi karto in Reer walbaaba Qandaraas soo qaato oo uu urursado Ciidan isla markaana ugu tagri falo ujeedo kasta oo ay ula muuqato inuu dhaqaale ka heli karo.

Sidoo kale waxa ay dadkaasi sheegeen in dhaqanka cayn kan oo kale ahi soo celinayo Nidaam la’aantii iyo kala danbayn la’aantii ay Somaliland ka soo gudubtay Sagaashamaadkii wakhtigaas oo markii laga soo doogay Dagaaladii Jabhadaha dib loo abuuray Ciidan Qaran oo ay Soamliland yeelatay, kaasoo ka soocay Somalida inteeda kale ee ku dhaqanta ama ku Macaashta Nidaamkan lagu qoranayo Ciidan Beeleedyada, oo meesha ka saaraya Awoodii Dawladeed eek u dhisnayd Ciidan Qaran oo bulshada u dhex ah.

Nidaamkan ayaa la sheegay in lagaga dhaqmo wadamadda Amaankoodu aanu sugnayn isla markaana aanay Dawladahoodu lahayn Ciidan tayaysan oo Difaaci kara ama ilaalin kara Hay’adaha martida u ah, waxaana Maal galiya Hay’addo, kuwaasoo ku bixiya lacag badan si ay u ilaaliyaan Amaankoodda, tusaale ahaana Somaliya iyo Puntland oo maalmahan u danbaysay aad loo hadal hayay inay soo kiraysteen shirkaddo shisheeye ah oo Calooshood u shaqaystayaal ah.

Sida ay wararku sheegayaan waxa Tabobarka Ciidan beeleedkaa Bixinaya Nin la yidhaahdo Faarax ****** oo ka soo jeeda bariga Burco iyo saraakiil kale oo ka gacan siinaya sidii ciidankaasi loo sin lahaa tabobar degdeg ah.

Si kastaba ha ahaatee Xukuumadda Somaliland ilaa hada wax Macluumaad ah oo ay ka bixisay Ciidamadan la tababarayaa ma jirto, waxaanay ku soo hagaagaysaa arrintani wakhti aad loo hadal hayo in Tuugta iyo Budhcadu Dalka ku soo badanayso iyadoo ay Masuuliyiinya ugu saraysa dhinaca Amniguna Eedo la xidhiidha masuuliyad darada arrintaas mid ba mid ka kale ku fiiqayo.

Waxaanay talaabadani Abuuri kartaa hadaanay Xukuumadda Somaliland si dhakhso ah dadka Xog uga siin in loo qaato Somaliland inay soo galeen Qandaraasyada Somaliya ka socda isla markaana qof walbaaba ku dhaqaaqi doono dariiq kasta oo uu macaash ku heli karo, isagoo soo waaridi doona waxaan la garanayn

 

 

wariye Axmed hussein ciise

Share this post


Link to post
Share on other sites

War nimankaan paronai ayaa kudhahay

 

Anything they see waxay leeyihiin Puntland ama Somalia ayaa nasoo weeraraysa :D lool

 

So now its Puntland/Somalia that's doing this in Sheikh??????????? Calm down lads, this is too much

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this