Xaaji Xunjuf Posted December 27, 2010 Wefti Baarlamaanka Dalka Yaman ka Socda oo Markii ugu Horeesay Somaliland Yimaada Hargeysa/ToggaHerer Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo maanta xafiiskiisa kulan kula ayeeshay wafti uu hoggaaminayao xubin ka mid ah Baarlamaanka Dalka Yaman , Mudane Saalax Ismaaciil Abul Caatil oo booqosho saddex maalmood ah ku joogay Caasimada Somaliland ee Hargeysa. Kulankaas oo ay albaabadu u xidhanaayeen ayaa ka dib markii ay ka soo baxeen waxaa warbahinta qaar ka mid ah u waramay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladda Mudane C/Casiis Maxamed Samaale oo sheegay in ujeedada ay weftiga iyo madaxweynuhu ka wada hadleen la xidhiidhay sii xoojinta Cilaaqaadka labada dal ay wadaagaan ee dhinacyada nabadgalayada iyo ganacsiga. waxa kale oo uu xusay in uu Madaxweynuhu Mudane Siilaanyo uu u gudbiyaay waraaq fariin ah Madaxweynaha Dalka Yaman Mudane Cali Cabdala Saalax. waa sida uu sheegay Guddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiiladu Mudane Samaale, waxaana uu hadalkiisa ku daray in Mudane Saalax Abul Caatil isna uu soo gaaadhsiiyay Madaxweyanaha Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo salaan uu uga siday maxadweyanaha Dalka Yaman . Waftigan ayaa noqonaya kii ugu horeeyaay ee noociisa ah ee ka socda Baarlamaanka Dalka Yaman oo safar ku yimaada dalka Somaliland. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted December 27, 2010 Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Xarunta Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabilay Wefti Ka Socda Baarlamaanka Dalka Yemen Oo Booqasho Saddex Maalmood Ah Ku Jooga Caasimada Hargeysa. Hargeysa (Ramaas) Dec, 27. 2010- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud [siilaanyo], ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Xildhibaan ka tirsan golaha baarlamaanka dalka Yemen oo booqasho saddex maalmood ah ku jooga magaalada Hargeysa. Qaabilaadan uu u sameeyey Madaxweyne Siilaanyo Xildhibaan Saalax Ismaaciil Abu Caadil oo isagu hogaaminaya wefti ka socda dalka Yemen, ayaa markii uu kulanku dhammaaday, waxa warbaahinta uga waramay waxyaabihii ay Xildhibaanka iyo Madaxweynaha Somaliland ka wada hadleen Guddoomiye ku xigeenka golaha wakiilada Md Cabdicasiis Maxamed Samaalle, waxaanu sheegay inay ka wada hadleen xidhiidhka labada dalka dhexeeya sidii loo sii xoogin lahaa. Md Samaalle waxaa uu sheegay in weftiga uu Madaxweynaha Somaliland uu fariin qoraal ah ugu dhiibay Madaxweynaha Jamhuuriyada Yemen Cali Cabdelle Saalax. Sidoo kale waxaa uu Madaxweynaha Somaliland ka gudoomay Xildhibaan Saalax Ismaaciil Abu Caadil salaan uu uga siday Madaxweynaha dalka Yemen. Weftigan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee ka socda baarlamaanka dalka Yemen ee booqasho ku yimaada Somaliland. Ramaasnews Desk Hargeisa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted December 28, 2010 Mixi raban oo bas Yemenintu. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted December 28, 2010 Hmmmm ,,, Interesting Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abdirazak_PTL Posted December 28, 2010 Lol, these guys are hilarious. Yemen iyo Somaliland dhaqaalo iyo dhaqan ama Asal waxba kama dhexayan. Get your own Allies waryaa stop copying puntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qodax Qorax Posted December 28, 2010 Somaliland should support their brothers of South Yemen in gaining indepedance and who are being denied their rights of self determination. http://en.wikipedia.org/wiki/South_Yemen Quote Share this post Link to post Share on other sites