Sign in to follow this  
SayidSomal

Silsiladii 'Google Failure'

Recommended Posts

1. Nagoogoye!

 

2. Xiinfaniinnoow yaa ku heenseyay?

 

3. Abtisuge abaal ma leh.

 

4. Nuune naas-nuuge!

 

5. Xuluftii mushxarada.

 

All coming soon to the thread near you - until then Jumca wanaagsan:cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

smileys.gif

 

 

Waxaan moodayey in arrintan dhamaatey, illeen hada unbaaba seefta galka laga siibey, I predict an easy win for Sayidka smileys.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nagogow waxaad tahay nin nuukiliir lala dhacay, welise soo noole

Waa naxariis Illahay, in aad weli ka nooshahay nabaradaydiiye

Nasiibdaro darade maantaan neefta kugu celine

Horta waxaad ogataa, aniga Sayidkuba in aan nasab iyo naf wada nahaye

Niman laga gardaranyahay oo naaquudayaashii isugu habarwacdeen baan nahaye

Adiguse waxaa tahay Nacasyahow, waa la wada yaqanaaye

Afka-hooyo hodanka ah iyo Naafada tahay waa la wada yaqanaaye

Share this post


Link to post
Share on other sites
wyre   

Sayid*Somal;683222 wrote:
Nagogow waxaad tahay nin nuukiliir lala dhacay, welise soo noole

Waa naxariis Illahay, in aad weli ka nooshahay nabaradaydiiye

Nasiibdaro darade maantaan neefta kugu celine

Horta waxaad ogataa, aniga Sayidkuba in aan nasab iyo naf wada nahaye

Niman laga gardaranyahay oo naaquudayaashii isugu habarwacdeen

In aan nahay waa lada yaqanaa, Adiguse waxaa tahay

Nacasyahow, waa la wada yaqanaaye

Afka-hooyo hodanka ah iyo Naafada tahay waa la wada yaqanaaye

You have 2 iyo jab votes :D coz marka aad diyaariso kadib inaad u fiirsato bey eheyd laaxin baa ku jira

Midda kale gebo gebo(gunaanad) malahan, mise ninyahow hor u dhac unbaad na siisay :D

Halkaa ka haay;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xayow Xiinfaniinow, sidaan horeba u idhi hadal rag waa loo xutubiyaaye

Xaashaa Lillaahiye nin gob ah, xamasho waw ceebe

Aan ku su’aale xiinfaniinow maxaa ku xambaaray?

Xaakinbaa laga dhigo, xaqagoynkarehe

Xaqdaro daraadeed, xukunkaagu wuu iga xanaajiyaye

Xiinoow- faniinoow xaaladaadu waa see?, Ma xamasad baa ku xambaartay?

Xukunkaagu xigmad maleh xaal iyo xeernabahe

Xiriirkii iyo xiggashadii walaalnimo wada gooyaye,ee xal maxaa ku ah?

Xayraantii iyo xuduudda beenta ah, baan soo xidhayna kuwii laha wadaga xaalka siiyaye

Aan markale ku su’aale xiinfaniinow yaa ku heenseyaye?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abtigiis iyo alaabtiis waa albam furan oo xirane

Alif’feynta edebdaran, ammaan gelin la’aanta iyo amuraha arroosleyda Aadane

Iyo arimo aan loo dirran abidkiisba kama harohe

Ashtakaanta iyo eedayn marna aanba kala harin ayaa lagu yaqanaaye

Sidaas daradeed Abtigiis abaal ma leh waxaan aarsi ka ahayne.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Tuugii balaayooba 'e, guryaha agab ka boobaaba

Bidixdaa markii lagu qabtee, banaan la soo taago

Bar uu tilmaamuu helaa, oo uu eersi beegsada'e

Ma beenaalihii Qardhaadbaa, ninkaa burushka ii qaatay?

Afartaa bartii aan rabiyo, bari ma aad siiyey

Bayj'gaabka Sayidkii ahaa, beerka maku gooyey?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Nin google siyaartay, maantiyo silsilad gabay

Ama sadar xada, ama sanduuq dhaca

Ama sare u kaaja, ama sanka is qabta

Ama sooryo qalaad, ama saxiib xun

Sayidnimo beeniyo, suldaan ha la dhaho

Solna ma odhan, saa ana ma ogali

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this