Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland Foreign Minister Visits Ethiopia

Recommended Posts

Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland oo socdaal shaqo ugu baxay maanta wadanka Ethiopia

 

Hargeysa/ToggaHerer

 

Wasiirka Arimaha dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Md Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa maanta safar shaqo ugu anbabaxay wadanka Ethiopia safarkan oo ah mid lagu xoojinayo xidhiidhka labada dal .

 

Safarka Wasiirka ayaa qaadan doono dhawr maalmood waxaanu lagu wadaa in uu la kulmo madaxada sare ee Dawlada Ethiopia iyada oo kulamadan yihiin qaar ku saabasan dhamaystirka iyo ka midha dhalinta kulamdii uu la yeeshay M/weyne Siilaanyo safarkii uu dhawaan ku tagay wadanka Ethiopia .

 

Wasiirka Arimaha Dibada Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa inta uu joogo Addis ababa uu kulamo la yeelan doono qaar ka mid ah dublamaasiyiinta Shisheeye ee fadhigoodu yahay Magaalo madaxada Ethiopia ee Addis Ababa.

 

Warqabadka ToggaHerer

 

Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland oo Safiirka Itoobiya ee Shiinaha Siyum Mesfin iyo wasiirka Arrimaha Dibedda ee Itoobiya

Hargeysa(Waaheen) Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Maxamed C/laahi Cumar ayaa Dalka Dib ugu soo laabtay kadib markii uu soo dhamaystay booqasho Afar cisho ah oo uu ku tagay Dalka Itoobiya, isagoo kulamo uu la yeeshay Madaxda Arrimaha Dibeda ee Dalkaasi kala hadlay arrimo kala duwan waxaanay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland ka soo saartay War-saxaafadeedkan:-

WAR-SAXAAAFADEED

Waxaa maanta dalka dib ugu soo laabtay Wasiirka Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyada Somaliland Dr. Maxamed C/llahi Cumar oo mudo 4 Maalmood ah socdaal shaqo u joogay Magaalada Adis-abeba Caasimadda Dalka Ethiopia.

 

Mudadii uu Wasiirku ku sugnaa magaalada Adis-abeba, wuxuu kulamo la yeeshay Ra’iisal Wasaare-xigeenka isla markaana ah Wasiirka Arrimaha Dibada ee Ethiopia Mudane Hailemariam Desalegn, iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha dibeda Mudane Siyum Mesfin oo dhawaan loo magacaabay Safiirka Dalka Ethiopia u Fadhiyi doona Dalka Shiinaha.

 

 

Masuuliyinta Labada Dal kulamadooda waxay ku lafa-gureen oo ay isla jeex-jeexeen ka midho dhalinta iyo hirgalinta Qodobadii Wada-hadalkii Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Ra’iisal Wasaaraha dalka Ethiopia ku gaadheen dhawaaan Magaalada Adis-abeba.

 

 

Wadahadalkan Wasiirada Arrimaha Dibada ee Somaliland iyo Ethiopia waxay si wada-jir ah u diyaariyeen Jadwal Shaqo oo lagu Meel-marinayo lagagana Midho-dhalinayo Xidhiidhkan Cusub ee dhinacyada Siyaasada, Ganacsiga iyo Nabadgalyada.

 

Labada Wasiir Arrimo Dibadeed Dr. Maxamed iyo Mudane Hailemariam Waxa kale oo ay wada-hadalkooda ku soo qaadeen Arrimaha Geeska Afrika Guud ahaan iyo Cod-bixinta gooni isu-taaga koonfurta Sudan.

 

 

Wasiirka Arrimaha dibadu Dr. Maxamed mudadii uu joogay waxaa casho sharaf si wada jir ah ugu sooryeeyey Ra’iisal Wasaare xigeenka isla markaana ah Wasiirka Arrimaha Dibeda Mudane Hailemariam Desalegn iyo Wasiirkii hore ee Ethiopia Mudane Siyum Mesfin.

 

Socdaalkan waxaa uu qayb ka yahay dadaalka Xukuumada cusub ku horumarinayso xidhiidhka ay shacbiga reer Somaliland la leeyihiin dalalka aynu jaarka nahay gaar ahaana Dalka Ethiopia, kaasi oo maalinba maalinta ka dambaysa sii xoogaysanaya.

 

Press Office

www.Somalilandforeign.net

 

 

inkastoo War-saxaafadeedka aan lagu soo qaadin Ujeedada Kulanka Wasiirka Somaliland iyo Safiirka Itoobiya ee Shiinuhu waxay ka wada hadleen hadana waxa loo malaynayaa inay iskula soo qaadeen sidii loogu googol xaadhi lahaa safar la filayo inuu Madaxweynaha Somaliland Siilaanyo ku tagi doono Dalka Shiinaha kaasoo uu casuumadiisa u siday Sida la sheegay Siyaasiga Cismaan Jaamaca Kalluun.

 

Safarka Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu badhtamaha bisha jeenawari noqdo inkasta oo aan la garanayn ilaa hada Ujeedada Safarkaasi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Polanyi;683478 wrote:
one more question: alshabab ma muslim or gaalo?

alshabaab waa gaalo sababtoo ah they do takfir on the rulers becouse they rule with something other then the Sharia lakiin they say about the supporters of the rulers waa muslim. there r so many other things oo alshabaab muslim ku aheen lakiin this one is the most visible

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jacaylbaro;683471 wrote:
and what is
moslim
????

mo-slim.jpg

 

 

 

JB, Moslim is someone who lost weight after using Hallal diet bars.

 

Check the before and after pictures. Amazing result, where can I get those Moslim's?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this