Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Xaaladda Suuqa Bakaaraha oo aagag dagaal noqotay, xilli kasta dagaal baa ka qarxi kara

Recommended Posts

Xaaladda suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa maanta cago ku taagneen, kadib markii dhaq dhaqaaqyo isdiidan oo u dhaxeeya Mujaahidiinta Xarakada Al Shabaab iyo Xisbul Islaam ay ka taagan tahay suuqaasi.

 

Ciidamadda Xisbul Islaam oo aad u fara-badan ayaa waxay maanTa dhaq dhaqaaqyo ciidan ay ka wadaan gudaha suuqa caalamiga ah ee Bakaaraha, iyadoo Xarakada Al Shabaab ay iyana wado dhaq dhaqaaqyo lamid ah kan uu wado Xisbul Islaam.

 

Jihooyinka laga soo kala gallo suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa waxaa maanta jilbaha isla dhigtay ciidamo kala taabacsan Xarakada Al Shabaab iyo Xisbul Islaam, isla-markaana waxaa mooddaa in uu aad u careysan Xisbul Islaam, kadib markii askari ka tirsanaa shalay lagu dillay suuqa Bakaaraha.

 

Askarigii ay shalay dilleen ciidamadda Xarakada Al Shabaab ayaa waxaa la-sheegay in uu ka tirsanaa ciidamadda Xisbul Islaam, taasoo ka dambeysay in’ay xargaha furtaan ciidamadda Xisbul Islaam oo maanta si weyn u dhooban suuqa weyn ee Bakaaraha.

 

Warar hoose ayaa waxay sheegayaan in xaaladda Xisbul Islaam iyo Xarakada Al Shabaab ay faraha kasii baxeyso, wuxuuna midba midka kale uu ku mashquulsan yahay sidii uu u lagdi lahaa kan kale, taasoo kicisay dareenka guud ganacsatada suuqa weyn ee Bakaaraha.

 

Dhanka kale majirto saan-saan nabadeed oo muujineysa in’ay ciidamadda kala qaataan Mujaahidiinta Xarakada Al Shabaab iyo Xisbul Islaam, waxaadna mooddaa in uu midba midka kale loo-baneeyay dhiigiisa.

 

Si kastaba ha-ahaatee xaaladda suuqa caalamiga ah ee Bakaaraha ayaa waxay maanta tahay Allow sahal, saacad kastana waxaa la-fillan karaa in’ay dagaalo culus ka qarxaan oo u dhaxeeya Shabaab iyo Xisbiga.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

5057366470_bac5ba4268.jpg

 

Alshabaab iyo Xisbul way heshiiyeen waxayna u heshiyeen gubida caasimada Xamar, sida dowlada iyo Amisom heshiis oogu yihiin duqeynta Bakaraaha..

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ Bakaaraha dee base-ka Khawarijtey ay aheyd balse maanta laaga saaray, Baar Ubax iyo Black Sea iyo Jidka 30ka inoo Harsan,, inshallah next step waa Yaaqshiid iyo Huriwaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Xamar waxaa oogu nasiib daran Bakaaraha, shalay waxaa isku dul haystay shabaab iyo xisbul islaam ee maanta heshiiska ah isla hadda waxaa isku dul haysta xoogag aan kala dhicin. Sababta oogu wacan aya ah bisad walba aoo ku nool bakaaraha caano iyo hilib ayna meel kale ka helayn ayaa u yaala dadka ka shaqaystaana tabar ay isooga saaran ma leh isla ciidamada dowlada ayaa bililiqeysan doona haddeyna xilkasnimo muujin ooyna u arag in shacabkoodu ku nool yihiin ooy ku tiirsanyihiin dhaqaalaha suuqaas ka soo baxa...

 

Garabyada si haya waa iney ka fogaadaan suuqyada iyo meelaha rayidku u badanyihiin...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garabyada si haya waa iney ka fogaadaan suuqyada iyo meelaha rayidku u badanyihiin...

Looooooooool, dee suqii waxey aheyd meesha laga abaabulo balaayada iyo halka hoobiyasha laga tuuro sey ka noqotay ninyahow

Share this post


Link to post
Share on other sites

dagaalka hada wuxuu kasocdaa wadada howlwadaag , tan aadan cade iyo tan laga galo bakaaraha, dhanka tarabuunkana waa laga soo wadaa , ka dib

kasapalpulare hadii laga soo galo dhankaas iyo shiirkolana lagaga bilaabo meel eey galayaanba ma jiraan towfiiqna wey kasocotay xalay , suuqa bakaarahana hadii wadada 30 iyo tan wadnaha laga qabsado meel eey ku jiraan ayaanan jiri doonin waa hadey dagaalka sii wadaan lakin hadii eey wadada 30 banaantahay ,wadada warshadahana eey ufurantahay ,bakaaraan dad ka bixineynaa waa shacab leyn un wax faaido ah kama imaanayaan . nabad maba jirtee halmar hala kormaro alshabaab hadii kale shacabkan halaga wareejiyo .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this