Sign in to follow this  
Saalax

Somaliland Waa Qaran Geesi ah oo aanay ruxi karin Hadhaadigii Siyaad Barre iyo Fulayadii SSDF

Recommended Posts

Saalax   

23m7nzb.png

 

Somaliland Waa Qaran Geesi ah oo aanay ruxi karin Hadhaadigii Siyaad Barre iyo Fulayadii SSDF

 

Written by Kaysar Cabdilaahi Maxamed

Dec 16, 2010 at 12:16 PM

 

Bahal Iga da'a weynoo

Dad cun ahi ma joogee

Ma Dididee Hargoolow

Ha igu tumin Durbaanada

Iyo Daasaaha Madhan

Isku baydh Dad qalatooy

"Abwaan Hadraawi"

 

Todobaadyadii la soo dhaafay waxaa soo baxayay abaabulka dhismo Ciidan oo ay wadaan Maamulka Puntland iyo Xukuumad ku sheegta ku meel gaadhka ah ee Soomaaliya, dawladaas oo imika ay gacanta ku qabteen xubno cuqdadaysan oo ka tirsanaa Hadhaadigii Siyaad Barre kuwaasoo awoodii si dadban oo aan toos ahayn ugala wareegay Wadaadka tabarta daran ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Dhismahan ciidan oo ay ka qayb qaadanayaan calooshood u shaqaystayaal Koonfur afrika u dhashay, lana sheegay inay maal-galinayaan Qawlaysato carab ahi waxa ay horseed ka tahay weerar xeeladaysan oo loogu talo galo galay in lagu wiiqo degenaansha, horumarka, iyo dimuqraadiyada ka hano qaaday Jamhuuriyada Somalilan, taasi oo soo jiidatay indhaha caalamka una muuqata inay soo dedejinayso Aqoonsiga Somaliland, iyada oo dhinaca kalena Doorashooyinkii quruxdaba bandaa iyo horumarka xawliga ah ee ay Somaliland ku talaabsatay ay werwer iyo baqdin ku abuurtay kaligood taliyayaal badan oo ku dhaqan Qaarada Afrika, kuwaasi oo si weyn u Rabbi tuugaya in Somaliland ay burburto isla markaasna taageeraya wax kasta oo lagu wiiqayo Somaliland la iskuna hor taagayo in la Aqoonsado. Hadaba Shirqooladan cusub ee Somaliland iyo Shacbigeeda lala damacsan yahay ma noqon doonaan qaar lagu guulaysto? Si aynu Jawaabta u helno waxaa haboon in aynu taariikhda dib u milacsano.

 

Waa Ayo Shacbiga reer Somaliland, Xorriyadooda Siday ku Heleen?

 

Inkasta oo laga wada dheregsanahay Shacbiga Somaliland iyo Taariikhdiisa oo aynaan u baahnayn soo bandhigida qoraalo balaadhan, hadana waxaa xusid mudin in Shacbiga reer Somaliland ay yihiin dadka ugu ilbaxsan, ugu wadanisan uguna aqoonta badan shucuubta ku dhaqan geeska Afrika, waxay ahaayeen shacbigii xorriyada ugu hor helay dadka Afka Soomaaliga ku hadla, ee inay Dal gaar ah noqdaan ka door biday raadinta Somaliweyn, xorriyadoodiina u sadqeeyay helida midnimo Soomaaliyeed, waxay ahaayeen shacbigii sida weyn ugu dagaalamay xornimada Dalka Jabuuti iyo waliba dhulweynihii Soomaali galbeed, reer Somaliland waa shacbigii halkii ay ka filayeen inay abuuraan dawlad Soomaaliyeed oo si cadaalad ah umadeeda ugu adeegta loogu abaal guday xasuuq dhinac kasta ah, midnimo iyo walaalnimo ay helaan ha joogtee waxaa la isugu kaashaday in la isir tiro oo xasuuq dhinac kasta ah iyo cadaadis naxariis darro ah ayaa lagula kacay, waxaa aakhirkii ay dantu ku qasabtay inay qoriga qaataan iyada oo la dhisay ururkii geesiga ahaa ee SNM.

 

Hadaba Kooxahan isa soo xulufaystay imika ee ciidamo dhisida iyo is hubaynta ku mashquulsani waxay qayb ka ahaayeen kana tirsanaayeen maamulkii naxariista darnaa ee uu hogaaminayay Maxamed Siyaad Barre, waxaana ay sanadihii Sideetamaadkii ay dadweynaha reer Somaliland u geysteen dhibaatooyin culus oo aan xaashiyo yar lagu soo koobi karin iyaga oo istcimaalay awooddi Soomaaliya ay lahayd oo dhan sida Ciidamadii Lugta, ciidamadii Bada iyo Ciidamadii Cirka ee Sooomaaliya iyaga oo sidoo kalena soo kiraystay calooshood u shaqaystaal koonfur afrika u dhashay, waxa taliskaasi dhaqaale ku taageerayay dawladaha Carbeed oo ay si khaldan uga dhaaciyeen inay dad Yuhuud ah la dagaalamayaan, Taliskii Siyaad Barre waxa kale oo uu ku guulaystay in shacbiweynihii Gobolada waqooyi deganaa uu kala qaybiyo oo uu hub isugu dhiibo, marxaladaas qadhaadh ee reer Somaliland ay ku jireen maalmahaas waxaa uu Abwaanka Hadraawi si wanaagsan ugu tilmaamay maansanan.

 

Maxaad gaadde hoosiyo gurrac iyo shirqool iyo tabo igu gantoobteen

Maxaad garan-gartaydiyo guryahayga bi'iseen

Gacal iyo tol wada yaal gobol gobol u u ooddeen

laba aan is-gooyeen kala goonni yeesheen

Maxaad laba gudboonayd midna garabka siiseen ka labaad u guusheen

Maxaa Gaanni ciidmiyo hanad aan gardaadshoo ku goblamay birayseen

Golxobkiinnu ku afuray maxaa geesi aan dhalay inta gowrac mariseen gorgor baahan siiseen

Maxaa inan gashaantiya gayaxaha ka siibteen milgadeeda gawsheen ka xil baxay gayaankeed

 

Xaaladu markay heerkaas gaadhay may furnayd wado kale oo u banaanayd shacbiga reer Somaliland ee la xasuuqayay oo aan ahayn inay Qoriga qaataan oo ay wax iska dhiciyaan, waxaana markiiba ay si geesinmo leh ay ugu babac dhigeen awoodii Afraad ee ciidan ee ugu weynad qaarada Afrika, waxaana sanado gudihii lagu soo afjaray Xukunkii Siyaad Barre iyada oo dhenged lagaga sifeeyay goboladii waqooyi, duhur dharaareedna si damaashaad ku jiro Burco ayaa lagaga dhawaaqay In Somaliland ay ka noqotay heshiiskii midowga koonfureed, iyada oo lagu dhawaaqay Madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland 18 May sanadkii 1991kii, waxaana mudadii intaas ka danbeysay ay reer Somaliland ku mashquulsanaayeen dib u dhiska dalkoodii burburay, iyaga oo nabadna kula noolaaday dawladaha iyo umadaha la derisk ah.

 

Xulufadan imika soo cusboonaatay ee isu hubaynaysa isuna habar wacatay inay Somaliland furimo dagaal ku abuuraan, waxay u muuqdaan qaar durba iloobay dambiyadii ay hore ugu geysteen reer Somaliland, waxa kale oo ay iloobeen in reer Somaliland ay yihiin geesiyaal aan dagaal waxba lagu yeelli karin, guushana duhur dharaareed hantiya oo mar kasta cadawgooda jabiya. Waxay u muuqataa in reer Puntland ay ilowsan yihiin in Jabhadoodii SSDF ay ahaayeen kuwii halgankoodii ku fashilmay ee is dhiibay iyaga oo gacmaha madaxa saarayna ay Siyaad Barre gacmaha hoos dhigteen, halka ururkii SNM uu guul lagu faano oo taariikhi ah uu ka gaadhay halgankiisii, Reer Puntland waxay ilowsan yihiin in bulshada reer Somaliland ay yhiin dad Nabadgelyada iyo Deriswanaaga iyo Walaalnimada jecel, oo aan ku degdegin fidno iyo colaad, waxay reer Puntland iyo cadawga kaashanayaa ay ilowsan yihiin in Reer Somaliland ay yihiin Qaran isku filan oo leh Awood Millatari, mid Dhaqaale iyo Awood Siyaasadeed oo ku ilaashan karo qaranimadiisa. Xuluffo kasta iyo cid kasta oo isu soo kaashata inay waxay yeesho Somalilandna waxaan shaki ku jirin fashilmi doonaan,

 

*

 

Cadowgaygu duurkiyo

 

Hadduu doogga cawskiyo

 

Dareemada ka badan yahay

 

Aniguna dab baan ahay

 

Digo shidan hadaad tahay

 

Anna daad socdaan ahay

 

Damal adag hadduu yahay

 

Ana danab dhacaan ahay

 

Baaruudda duushiyo

 

Dubbe culus hadaad tahay

 

Derbi soo ceshaan ahay

 

Dulin dhiigga miirtiyo

 

Dulmi hilan hadaad tahay

 

Xaq dillaacay baan ahay

 

Nin qabiil daftiisiyo

 

Sita daramalkiisoo

 

Ku dan qaba hadaad tahay

 

Qaran dawladaan ahay

 

Somali Weyn waa Tuma?

 

Marka la isku wada daro Kooxaha Soomaaliyeed ee deegaanadooda uu dabku ka holcayo oo ay ka mid yihiin qab-qablayaasha dagaalada, kuwa Dawald ku sheegta ku meel gaadhka ah, Xisbul Islaam, Alshabaab, iyo xataa kuwa fadhi ku dirirka ah ee ku abtirsada dalka Soomaaliya waxay dhamaantood sheegaan inay Midnimada Soomaaliya Muqaddas tahay, waxay meel walba kaga hadaaqaan heesihii gaboobay ee Soomaaliyay toosoo-toosoo isku tiirsada iyaga oo iska dhigaya qaar Midnimada iyo Somalinimada jecel, halka aynu ka ognahay inay yihiin kuwa ugu neceb Somalinimada ee masuulka ka ahaa burburkii ummada, kuwa midnimada ku doodayaa waxay middayn kari waayeen deegaanada ay ku nool yihiin, waxaanay u kala qaybsan yihiin boqolaal kooxood oo midba mida kale ay cadow ku tahay, wax kale iska daayoo kuwii ku doodayay inay Diinta Islaamka u hiilinayaan ayaa kooxo u kala baxay oo xabada iskula dhacaya Xamar gudaheeda, Midnimada ay markaas ka hadlayaan waa mid xagee taallaa? Inta aanay midnimo Somaliland iyo Somaliya dhex marta ka hadlin, waxaa la gudboonayd inay marka hore iyagu is nabadgeliyaan oo ay nabadgelyo samaystaan.

 

*

 

Duni aanan weli maqal

 

Nin I daawisiiyow

 

Kuma arag daraandaro

 

Midabbada dalxiiskiyo

 

Ku dalaysan dheehee

 

Dux la'aanta gadantee

 

Wax intaas ka door roon

 

La dugsado ma haysaa?

Ugu danbayn waxaan usoo jeedinayaa Xukuumada Somaliland inay qaado hawl galo degdeg ah oo lagu weerarayo goob kasta oo lagu tuhmo in laga soo abaabulayo cadawga Somaliland, waxaana loo baahan in dadweynaha reer Somaliland ay indha furaan, kana hor tagaan xulufada shaydaaniga ah ee isu soo gaashaan-buuraysatay inay khalkhaliyaan amaanka iyo Qaranimada Muqadaska ah ee Somaliland, sidoo kale waxaa looga fadhiyaa Wasaarada Gaashaandhiiga ee Somaliland inay ku dhaqaaqdo talaabo kasta oo lagu xoojin karo Ciidamada Qaranka ee Somaliland dhinac kastaba, loona hawl galo in hubka noocyadiisa kala duwan degdeg dalka loo keeno, kol hadii si cad loo jabiyay cuno qabatayntii hubka ee la saaray Geyiga Soomaalida.

 

NB: Tixaha suugaanta ahi waxay ka mid yihiin Maansooyinka Abwaan Maxamed Ibraahim Hadraawi

Share this post


Link to post
Share on other sites
Timur   

Why does the establishment and people of Waqoyi regions always feel the need to bring up SSDF or Puntland? Why do you like to associate yourselves with an organization that had nothing to do with you nor recognizes your existence. I think there are fears and insecurities you lot have with a certain clan, but those people pay no mind to you.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

SSDF = another name for Bintiland. Samething. Besides i don't think you can read somali. Hence your confusion about the article.

 

 

Cadowgaygu duurkiyo

 

Hadduu doogga cawskiyo

 

Dareemada ka badan yahay

 

Aniguna dab baan ahay

 

Digo shidan hadaad tahay

 

Anna daad socdaan ahay

 

Damal adag hadduu yahay

 

Ana danab dhacaan ahay

 

Baaruudda duushiyo

 

Dubbe culus hadaad tahay

 

Derbi soo ceshaan ahay

 

Dulin dhiigga miirtiyo

 

Dulmi hilan hadaad tahay

 

Xaq dillaacay baan ahay

 

Nin qabiil daftiisiyo

 

Sita daramalkiisoo

 

Ku dan qaba hadaad tahay

 

Qaran dawladaan ahay

 

Somali Weyn waa Tuma?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Timur   

I refuse to listen to a grown man cry about another grown man. This is the same crap we've been hearing from a certain region for 20 years. Move on, tears shouldn't last forever. Young kids in Garowe and Mogadishu did not harm you, so stop begging for apologies from them.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hadaba Kooxahan isa soo xulufaystay imika ee ciidamo dhisida iyo is hubaynta ku mashquulsani waxay qayb ka ahaayeen kana tirsanaayeen maamulkii naxariista darnaa ee uu hogaaminayay Maxamed Siyaad Barr

ninkan warkan qoray ujeedadiisa waan ogahay ee sida uu maleyneysid maha waxba ha cabsanin cid idin wareereyso ma jirto ee dalkeena ayaan xoreysaneyna.. Tan kale hadii aad kaso hor jeedid dadka qeybtii ka ahaayeen dowladii hore ee maxamed siyaad barre oo aad ku sheegeysid ''iney idin xasuuqeen'' Maxaad raali ugu noqoteen inuu Kaahin riyaale noqdo ''madaxweyne'' ''somaliland'' oo la ogyahay wixii uu geystay......

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sensei   

Miskiin walaahi, miskiin to the power of infinity. ***** walaahi, please pray that the good lord may open your mind. Doqon walaahi, for you misconstrue taariikh.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The secessionists are getting worked out for nothing, we are not in the mood, never have been in a mood to deal with small pple like you.

 

Cayaarihi gobaladaa inoo socdee aan idinka baashaalno. Anagu idinma naqaan wax idinkama sheegee idinkuna nahilmaama dee SSC iska dhiciya, noogooya oo iskaba goosta, gooni isku taagtaagiina ahaada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Bintilanay gormaad diyaaraadii soo furanaysan? 2yvqyo5.gif kubaad iyo wax kuma so furayaan diyaraadiini lol. And piece of advice in the future do not invite Somaliland into any of your little competitions staged in bintiland. Since it will be met with a rejection anyway.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Rabish talk.

 

All Somalis from every corner are in Garowe today playing and enjoying together except your cuqdad filled Habros clan. Markaa Saaxib hanaga qasin, let us enjoy and please do continue with your mirqaan loool.

 

 

 

 

17_DEC_2010.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Why are you posting those pictures in this thread? :S i don't see your point kid. All somalis from every corner? there we go with the delusional grandeur 2yvqyo5.gif2yvqyo5.gif . All i see is just 13 regions and a half playing in a dusty little playground. Let alone all somalis from every corner. cut down what you are drinking kid it isn't good for your health. 2yvqyo5.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this