Sign in to follow this  
Kamaavi

Zenawi oo Qaabilay Farmaajo

Recommended Posts

Kamaavi   

128621.jpg

 

 

Raysul wasaaraha DKMG ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta magaalada Addis Ababa kula kulmay Raysul wasaaraha dalka Ethiopia Meles Zenawi iyagoo isla soo qaaday xaalada amni ee Somalia.

 

Raysul wasaare Zenawi ayaa sheegay in dowladiisii ay sii wadi doonto dadaalka ay Beesha caalamka iyo Ururka Midowga Africa kagala shaqeynayaan sidii xasilooni waarta loogu soo dabaali lahaa Somalia.Zenawi ayaa sidoo kale xusay in xasiloonida Somalia ay muhiimad weyn u leedahay Gobolka Geeska Africa islamarkaana oo hoosta ka xariiqay in Ethiopia ay dhinac kasta kala shaqeyn doonto xukumada DFKMG ee Somalia.

 

Dhanka kale Raysul wasaare Farmaajo ayaa tibaaxay in xukumadiisu ay ku dadaali doonto sidii usii xoojin lahayd xidhiidhka kadhaxeeya labada dal.

 

Farmaajo ayaa sheegay in shacabka soomaaliyeed iyo Beesha caalamkaba ay cambaareynayaan ficilada argagixisada caalamka sida Alshabaab waa sida uu hadalka u dhigaye.Wuxuuna cadeeyey in DFKMG inay si adag ula dagaalami doonto kooxda nabad diidka iyagoo kaashanaya quwadaha caalamiga ah ee nabada jecel.

 

Kulankan ayaa noqanaya kii ugu horeeyey ee uu Farmaajo kula kulmo madaxda dalka Ethiopia tan iyo markii loo magacaabay xilka Raysul wasaaranimada, waxaana la odhan karaa mid gundhigiisu yahay isbarasho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Xaaji Xunjuf;680324 wrote:
oo kalay muxu gacmaha jilbaha ugu haya , inu yara nerfiis yahay ba la mooda .

Follow your leader...

20090204210204203x152zenawisharif.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this