Sign in to follow this  
Som@li

Nin Iidaran

Recommended Posts

Som@li   

Nin Iidaran by Ugaas Nuur Ugaas Rooble

 

 

Sida nasoo gaadhay, Ugaas Nuur wuxuu dhashay badhtamihii qarnigii sagaal-iyo-tobnaad, waxayna beeshiisu boqratay isagoon qaangaadhin oo gaban yar ah. Wuxuu geeriyooday billowgii qarnigii 20aad. Ugaas Nuur wuxuu ahaa hoggaamiye-dhaqameed magac weyn ku leh degaanka Boorame iyo Saylac, wuxuuna dhulkaa ka arimin jiray ka hor intaan gumaysigu dhulka Soomaaliyeed qaybsan. Ugaas Nuur wuxuu ka tagay tixo halhays iyo xusuus leh oo nolosha qofka Soomaaliga ah taabanaya.

 

Tixdan hoose oo aad ka fahmi karto garashadiisa siyaasadeed ama diblomaasiyadeed waxaa la odhan karaa waa midda tixihiisa ugu caansan. Wuxuu yidhi:

 

Allahayow nin ii daran maxaan, daafta hore seexshay

 

Nin ii daaqsanayaana maxaan, daafidow kariyey

 

Jidhku nimaanu doonayn maxaan, hadalka deeqsiiyey

 

Ma degdege xaajada maxaan, ugu dulqaad yeeshay

 

Weji dabacsan daymaan dareen, galin dubaaqiisa

 

Debna furan dabuub una ka didin, deexashiyo muuso

 

Qosol dibadda yaal oon ka iman, dhuunta dacalkeeda

 

Kanaan degey kanaan doorka biday, kani dan baan moodey

 

Waxaan dood kaftan ah sheekada, ugu daleeyaaba

 

Dabinkaan u dhigo maalintuu, degelka soo saaro

 

Intiiyoon dawaarka u rogoon, xeeladda u daadsho

 

Isagoon dareen qabin maxaaan, kaga dayaansiiyey

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this