Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Shuqul Soomaali

Recommended Posts

Magaca Soomaali

 

Maxaa loo eedeeyay magaca Soomaali?

 

Teer iyo markaan caqliyeystay ilaa iyo hadda waxaan markasta isweydiiyaa waa kuma Soomaaliga la wada eedeeyo? Ma wax baa naga khaldan? Hadday wax inaga khaldanyihiin, ma sixi karnaa oo hal hayska u ah qof kasta oo Soomaali ah oo arka wax bulshada dhexdeeda ku xun? Waa kee eedeeysane kan eedeeynaya maxuu yahay?

 

Run ahaantii dhacdooyinkaa aan la kulmay ma ahan kuwo la soo koobi karo waa dhacdooyin qof Soomaali ahi uu eedaynayo Soomaali kale.

 

Tusaale ahaan: Galab ay tahay soon 5:30 ayaan waxaan isiri ajar doono oo ku tuko masaajidka intaad ku tukan lahayd gurigaaga. Markii salaada la tukaday baa qof walba u jeestay meeshuu ka bixi lahaa anigu waxaan abaaray irridda koonfureed oo aan ku ogaa kabahaygii waxa aan ku soo beegmay saf dheer oo dad badani isku garbinayaan, isagoo qof waliba ku dadaalayo inuu isagu horbaxo. Meesha kabaha lagu xafido hoosteeda waxaa ku dhegen “ogeysiis" dadka looga codsanayo inayan kabaha ku istaagin. Dadkii baxayay qaar ka mid ah ayaa ku istaagay meeshii calaaamadda lahayd balse waxaan u arkayay wax si qalad ah u dhacay oo aan qof lagu eedayn karin qofkii sameeyay maahee.

 

Nin ka mid ah dadkii baxayay baa arkay qaladka dhacay oo yiri, "Meeshan yaan lagu istaagin baa ku qoran." Isla markiiba 50 jir garmadoobe ah baa soo booday oo ku dhawaaqay -- magacii dulnmane Soomaali -- oo yiri, "Soomaalidaan wax ma maqlaan." Markaasuu inta ugama harine waxuu yiri, “Waligoodba meel kasta oo ay joogaan dhaqan xumay la joogaan."

 

Arintaa aad bay iiga careysiisay anigoo isu haysta inaan Soomaaliga aniga kaliya ka joogo markaas, baan iri, “Meel baad kaga dhacday magaca Soomaali dhaqan xumana laguma yaqaan.” Qaar ka mid ah dadkii ayaa si naxariisi ku jirto ii soo fiirshay, iyagoo u riyaaqaya jawaabtaydii ayay hadalo goos goos ah soo tuurtuureen, kadib ninkii jareexeeyay magaca Soomaali baa inta soo booday yiri, "War yaad ka xigtaa magacaan Soomaali?"

 

Waa wax yaab leh oo Soomalidaa wax ay tiraahdaan -- "isuqabe aan loo qabin isla qaayo weeynaa" -- oo waxaan moodayay inaan ka xigo magaca uu ceebeeyay.

 

Waxaan dhacdadii labaad kala kulmay maqaayad ay Soomalidu ka qaxweeyaan iyo waxaan tagay barta lacaghayuhu dalabka ka bixiyo, waxaan soo qaataya shaah anigoo abaaray darka sonkorta iyo caanaha looga darsado dad door ah baa iga hormaray iyadoo isheydu qabatay Soomaali iyo dad kalaba. Waxaan soo gaaray kaalinkii, waxaa garbahayagu simeen nin dhalinyaro ah si fiicana u labisan, isla markaas aan isiri reer magaalnimadiisu way qotodheertahay. Miiska waxaa ku daadsanaa wax yar oo sonkor ah iyo xoogaa caano ah, wixii meesha ku daad sanaa baan damcay inaan iska nadiifiyo markuu arkay inaan warqad qaatay oo aan tirtirayo buu yiri, "Maxaad ka nadiifinaysaa meel Soomaali joogta nadiif noqon meysee."

 

Anigoo ka xumaaday laakiin aan u muujin baan iri, "War maxaad Soomaali u eedeynaysaa cid walbaa daadin karta." Waxa uu igu jawaabay, "Meel walba waxaad gurigiina ku soo gubteen baad la joogtaan." Arintaa iyada ahi waxay igalisay amankaag iyo yaab waxaan is iri dadkani miyaysan aheeyn Soomaali.

 

Xaaladdaas qalafsan ee qofkasta oo waxgaranaya dhibka ku ah ama uu ka danqanaayo waxaa cadeystay dad aan ku tilmaami karo caqligaab ama aqoonyare, dadkaa iyaga ah waxay ilbaxnimo moodeen iska fogeynta dhaqanka iyo magaca Soomaali, soo dhaweynta dhaqan iyo magac aysan laheyn ku faanid iyo ilbaxnimo qof isaga la mid ihi sameystay, aan ku fakarin inuu la tartamo laakiin doorbiday in laga fiican yahay oo isdhiibay.

 

Markasta oo aan maqlo Soomaali waxa ka sheegaya magaca Soomaali waxaan soo xusuustaa heestii ahayd, "San ku neefle ma ogali inuu iga sareen karo oo Soomaali baan ahay." Waxaa badashay, "This is Ameerika."

 

[Waala tifaftiray qoraalka.]

Share this post


Link to post
Share on other sites
Buuxo   

This is so common, hearing somaalibaan nahay! after any event ,like being somali equals dhaqanxumo. :mad:

Share this post


Link to post
Share on other sites

what about Afrikaan baan nahay ,,, iyo bloody africans and waxaas kele ,,, ?

 

I think it is common ,, lakin at least waynu is og nahay inay jiraan waxyaalo khalad ah oo aynu dadka kele kaga duwannahay soomaali ahaan ,, i mean general mistakes oo soomaalidu inta badan isku mid ka tahay ,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

Waa salaamay yarka Soomaalinamada u gubaanaayo...Sheekuuba wadaayee...Oo isaga yaaka dhigay afhayaha Soomaalida? Waa runee, "War yaad ka xigtaa magacaan Soomaali?"

 

MMA, kan sheekadaan qoray adookale lee iga dheh... :DMr. Midnimo, Wadajir, Iskaashi, Isku xirnaan, Isbiirsi, iyo Isbaheysi!!!

 

Soomaaliya, Hanoolaato!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

^Iyaah, shimee qabqablaha meesha noqotay? Maxaa meesha iiga saaree? Mar mar baa kabta taakadeeda ila santeecsataa, markaasaan dhican kusoo kala fireeyaa... :D

 

Where are the MODs when you need them? Wiilkaan 'dool' ka iigu wocooyo maa iga celisiin! :mad: I will kick his (you know what) back to the politics section yaah, ani maba itaqaaniin... cagojugleys.com lee iga dheh... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

Gariiree, alla gariiree miyaa sheekadaada? Is dajibo aboow...Soomaalinimada kuma jirto in la is gargariiriyee... smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

Originally posted by Buuxo:

^dagaal lee wadiin labadiina, shuqul somali lee iga dheh
icon_razz.gif

Anigaa? Maya maya...Dagaal qaamuuskeyga xataa kuma jiro, anaa maskiinad oo macruufad eh oo hadana aqiyaarnimo ku darsatay... :D Eeshcalaa gabar dhehee? :D

 

Horta, about the topic, my kusban baa ayaan hore shaqadiisa wiil Soomaali ah la dagaalay...Wuxuu maqlay wiilkii oo ku leh kuwo cadaan ey isla shaqeeyaan (and he was yelling yaah) "THAT'S IT, FROM NOW ON I HAVE TO BE HARD ON SOOMAALI GUYS, THESE SOOMAALI GUYS ARE ANIMALS AND JUST DON'T UNDERSTAND"...Iyaah!!! N'way, my kusban intuu utagay uu ku dhahay (afSoomaali ku weydiiyay) "Maxaa dhacay?"...Oh lord, as they say the rest was history...Doesn't he just turn to him and reply "ALL OF YOU SOOMAALIS ARE ANIMALS AND NEVER EVER UNDERSTAND A SIMPLE DIRECTION OR INSTRUCTION"...Hayehee war maa sii wadeenaa, waa iska fahmi kartiin tan dhacday...

 

Ok Ok, mala is dagaalin, wuxuu ugu jawaabay lee "well if we are animals, what does that make you, since you're in a higher position than us? THE HEAD ANIMAL OF THE ANIMALS HERE, RIGHT? So walaalkiis isdaji, adna xayawaan lee nala tehee..." :D:D And of course a few very very colourful words inbetween...

 

Soomaalida horta maxey u jecel yihiin inee istustusaan markey meesha gaalo la joogto? Qatar mee ismoodaan markey gaalo la joogaan? Ani mugoo ma fahmin...Mana aha wiilkaan kaliya, kuwo badan soo sisi kale iska dhigo markey ajnabi lajoogaan aan arkay...

 

N'way, yea CAWAANO badan baa naga buuxa...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

^Waji dhaq? At 10:30am, ameyba barqo ii tahay ani...Dagaalkana markaa buuba ugu fiican yahay baa xan igu soo gaartay, saa anigu madagaalamee... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this