Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Bilooyinkii iyo sidahii hore

Recommended Posts

Soon wanaagsan horta.

 

Haye magac soonka la xiriiro ayaa raadineysaa miyaa? Ka waran Masoonto? Soondiido? Soonmasugto? Soonsooneey? Malawaxdoonto? :D:D:D

 

Qamarji maa i dhahday. Waa ila heshee. Anaaba isku bixin jiray waayadii hore sida Qamarji-Quuqaaye-Qamqamle ama Xariif-Xaaji-XuuXaaX [XXX] ama Jinoole-Awjacburis [JaJ]. Bas ka dheh i dheh.

 

Marxab, marxab, yaa ramadaan

Marxab, marxab, yaa ramadaan

 

Soorta la cunaayo

Haddee subag tahay

Sa...

 

Markee heesahaas idaacaddaha kasoo gali jireen oo ahayd marka afurka soo galo, oo ciyaalka banaanka loo wada diro sambuuskooda iyagoo afka ku heystaan, banaanka oo wada shib shib ah, kaliya ciyaal isku soo wada baxay. Markee dadka waa weynaa soo wada afuraan, banaankii wada shidmo, maqaayadihii wada furmaan. Oo ciyaar la wada wado. Tarawiix markaas la aado. Tarawiix laga soo noqdo, maqaayadihii sii shidmaan, kii turub ciyaaraayo, kii dublad habarshiish wado, ciyaalkeena ciyaar markaas galeyno, sida Kadhimeey, Kadhim.

 

Maalintii markuu soonka jiro iskoolka lasoo gaabin jiray, masaajidka buux la iska wada dhigi jiray, oo la wada jiifi jiray, mid ee ka taalo iyo mid ay ka heyso, tacbaan ah. Afurka oo ka koobnaan jiray mishaari, malawax, sambuus, qaxwa, burka, mac macaanka kale iyo isbarmuuto baraf lagu qaboojiye. Hadhoowna cashadii babaayga iyo cambaha ka koobnaa qofkii rabo.

 

Aaaaaaaaaa, iga daa, soon Soomaaliya ayuu soon ka ahaa inta kale been.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Buuxo   

Ramadan Wanagsan to you too, walaalkiis.

 

It sounds lovely ,the memories of soon in somalia.My family always sing that songs when we are about to put down the afur. "soorta la cunayo ,hadee subag tahayo sahariitay..." Isbarmuudo aah? dont mention it while we fasting dear.

 

lool maxaad tiri masoonta,soondiido? iga daa marka. meelkalaa iga tuureysa. wayaha how about wiil-waal? i like that i think it will fit you.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Heesta marxab, marxab, yaa ramadaan waligaa ma dhageysatay?

 

Haddaa dhageysan, inta ka dhageyso. Hees aad u qaayo badan waaye. Maba ogi in hees la dhihi karo maadaama ku jirin wax muusik ah.

 

Boggaan heeso kale oo la jeclaa soonka ku saabsan ayaa ka helee, sida wadac, wadac, yaa ramadaan iyo afuraay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this