Sign in to follow this  
Tuujiye

Sheekooyin Qosal Eh (gaagaab Somali)

Recommended Posts

Tuujiye   

Meeshaan Waxaad ku qortaan sheeko kaste oo aad maqli Jirtay inta aad yareed..Wax ala wixii lagaaga sheekeeye oo fani eh.

 

Hada Kahor aa QOOM aa Duufaan gilgishay nooh ilaa ay ka baqeen in ay halaagsamaan. Waxa ay baryeen ilaahey, Hadii uu ilahey ka qaadana, waxa ay ku nidreen in ay adoomadooda xoreyn doonaan. Markii Duufaantii laga qaaday ayey adoomadoodii xoreyeen, nin ka mid ahaa ayaa dhahay, ilaahayow ani adoomo aan xoreeyo ma qabo, laakiin naagteyda aan saddex iigaga furan..kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk...

 

Hada kohor aa galowgoo reer miye eh oo aan aqoon dhaqanka harqaan tolayaasha ama dawaarlaha ayaa maro u dhiibtay nin harqaanle eh, ninkii harqaanlaha ahaa maradii lee ha jeex jeexo, galowgii aa soo booday oo dhahay maxaad marada iigaga jeex jexeysaa, harqaanlahaa dhahay lama toli karo iyadoo aan la jeexjeexin, ninkii reer miyiga ahaa aad buu u carooday, intuu uluu sitay ninkii harqaanlaha ahaa madaxa ugaga kuusay (ku dhuftay) ayuu ku dhahay walee intaad maradeydii cusbayd ku dheeshay adna nabad kuma fadhidid. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk..ilaahoow dhoore aan dhar u tolin....

 

Wareer Badanaa!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

Hadda kahor baa nin reer Xamar ahaa Hargeysa u guuray. Ninkii dukaan xarqaan buu Hargeysa ka furtay. Maalin maalmaha ka mid ah dukaan kale oo u dhow baa alaab laga xaday. Kadib police-kii aa yimid ninkaan waa laga shakiyay, meesha police-ka aa loo waatay si loo wareesto..

 

Police: Waryaa soo adiga kuma jirin raggii meesha wax ka xaday?

 

Ninkii wuu diiday markaasay feer iyo fara laab kala daaleen...

 

Ninkii reer xamarka calaacal uu galay Sheekh C/qaadiroow wax ma sameenin...

 

Police: C/qaadir iyo yaa kaloo kugula jiray....

 

Ninkii: Sheekh Aweeso iska kee dhaafa....

Police: Aha wa kaa! Awees-na noo qor, war sheeg yaakaloo kujiray....

 

Ninkaana awliya uu baryooyaa ragaana magacyo caadi ey umaleeyaan. L0L.

 

Haye, One more :D . I like this one..

 

Nin Talyaani baa hadda kahor Boosaaso kasoo dagay markaas markuu xoogaa joogay aa la dhahay kawaran reer bariga? Mar kasto ileyn wuxuu arkaa iyago calaacasha dhafoorka saaro, sidey qoraxda isaga celiyaan wuxuu dhahay: "reer bari bravo, sembre saluto" waa dad fiican kuye, oo mar walba saluuto kuu saaraayo, yacni ku salaamaayo. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

LooL horey aan u maqlay kurtigood.

 

Disclaimer:Walaalayaal waxaan waa foorjo, yaa la xanaaqin minfadlak.

 

Ooookeey,Hooya Tan:

 

Markey qabta dhacday kabacdi: Nin reer xamar(muudeey ladhoho) oo labodiisa gabdho wato ayaa waxaa ka soo horbaxay kuwo M.O.ryaan eh. Waxay bilaabeen in ay qashqashaadaan gabdhaha, oo ey damceen in ay kufsadaan gabdhihii. Odeygii reer xamarka ahaa wuu baryootamay oo wuxuu yiri "waa idin tuugaa, gebdheheega ha iga kufsanina, anaa xeher sii loo sameeto kasaayo, hada aan idinku mehrinaa" M.o.ryaantii labo ka mid ah aa waxey dheheen " haye, anaga nagu kala mehri"

 

Dhawr bilood ka dib Odeygii reer xamarka oo jidka maraayo ayaa waxay is arkeen nin ay saaxiibo yihiin:

 

Sxiibka: Muudeey, kheer sheeg? ma la faayoo?

Muudeey: Adaayoo, wax badarka diideey ma jiro, Laakiin Lamadoo Mukulaal oo Madmadoo aa milinka noo Joogto :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

looooooooooooooooooool...check mooriyaanta mukulaal lee dhalaan yaah.kkkkkkkkkkkkkkkkkk...

 

that was funny..

 

Ani sheekooyinka wadaada aan ka helaa yaaqee...

 

Hada kohor aa sheekhoo la weydiiyey, sheekhoo ka waran, naagta wiilkeeda ma guursan karaa? waxa uu yiri sheekhii haday gabar tahay way banaan tahay hadii kale se maya..kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

 

Sheekh kale aa la weydiiyey dooli(jiir) dhintay haduu cunto bisil dul maro ma nijaaseynaa cuntadaas? waxa uu dhahay maya raadkiisa ayaa laga tuuraa cunatada waana la cunaa.........kkkkkkkkkkkkkkkkk..laakiin dooli dhintay shimee raad yeeshay..sheekha waa loo qayilay ma is dhahdeen...

 

Wareer Badanaa!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Alla ha Bugdhabo!

 

Wagii hore dadkii deganaa Afgooye si ay u yimadaan Xamar wey isaga soo lugeyn jireen. Marka waxaa dhacday in jidka uu ku dhibay bahal isagoo la hari jiray hadba qofkii ugu orad, hub iyo tabar yar.

 

Odayaashii Xamar ayaa la soo wargeliyey cabsida halista bahalkaas. Hadba iyagoo ka tashanaaya sidii laga yeeli lahaa loogana hortegi lahaa bahalka musaafurka ka soo cawdeen, ayey isugu yimadeen jasuur ku yaala xaafadda Koodka ee Xamarweyne.

 

Markii odayaashu fool baxsadeen, shushumoow, bajiye iyo baalbaalowna ay qaxwo xaraarey ku cabeen, ayaa waxaa istaagay Xaaji Mardaadi, wuxuuna odayaashii warbixin ka siiyay dhibaatada soo badaneysa ee bahalkaas, wuxuuna warkiisa ku bilaabay:

 

"Akhyaarey dareenaa jiro, bahalkoo aan la kaseen oo laga cabsahaayo aa cawo gashow duurka ka dafo musaafurka Xamar usoo socda. Istaqfurulowgii hore intii ka dambeysi labaatan iyo siyeed qof aas cunay, bacdamaa waayeelku fududeen, roorna aas meel ku gaareen waa qabsahaa; xalaa u dambeysi dadkii bahalka aas cunay waxaa ku jirtay Faay Shuukow habarteed, Xaajiyo Maana Abooki, waa tan maroogsinteedii ka dhacday markiis bahalka la rooray Xaajiyo Maana waxay diiqo u soo waday gabarteed oo Aw Aweyska loo soo guuriyey, wadaadkoo reer Afgooye ah oo baalguri degenaayna habeen horaas cunay. Bahalkaas hadii dad aw cuno ka waayo jidka ma leys warsahaayo iniis dirito u soo abaaraayo Koodka iyo Raqayga. Wixii kale ee talo ahna akhyaarteey u taashaa."

 

Shariif Abati oo ka mid ahaa akhyaartii halkaas fadhiday ayaa isagoo kor u taagayay bakoortiisa ku dhawaaqay, "Alla ha bugdhabo intiis nagu dhex bursan luuqyaashaan" :D

 

Wixii odayba odayga kale uu warka uga dambeeyo waxaa markii dambe istaagay duqii ugu da’da weynaa, wuxuuna ka codsaday akhyaartii gogosha fadhiday in subaxda xigta maalintaas leysu keeno dhalinyarada, isla markaasna mid kasta loo soo dhiibo baay (ul yar), iyadoo baay kastana la cayimayo magaca Baahalka loogu talo galay in lagu tumo.

 

Subaxdii markii waagu u baryay ee odayaashu ay soo af bilowdeen ayaa leysugu yimid meel barxad ah, waxaa la hubiyay in barbaartu ay tiro ahaan dhan tahay, waxaana laga codsaday dhallinyarada in mid kasta oo ka mid ah uu isagoo maqashiinaya odayaasha uu kor ugu dhawaaqo magaca bahalka ee baaygauu sito loogu talo galay in lagu dilo, odayaashu waxay kaloo isku raaceen in duullaanka jidka looga soo nadiifinayo baahalkaas iyo bahalada kaleba uu hoggaamiyo Siid Abba Nuur Good Qoyste oo lagu soo xulay geesinimadii uu caanka ugu ahaa dadkiisa dhexdooda.

 

Wuxuu ahaa oday dhiifoon oo habeenkii karbuunadiisa iyo firimbigiisa ay ka baqi jireen tuugada u qaraab doonata Koodka, Raqayga, Aw Aweyska, Hooshaanka iyo xaafadaha u dhow, hadii tuug la qabto isagaa loo wici jiray, markaasuu intuu good (maro) u qooyo tuugga feeraha uga xiri

jiray, labada daraf ee goodkana la kala jiidi jiray ilaa feeraha tuugu ay is dhaafaan.

 

Markii intaas la diyaariyay ayaa dhallinyaradii lagu amray inay dhaqaaqaan, waxaana mashxarad iyo sacab ku sagootiyay wixii Bilcaan ahaa ee xaafadahaas ku noolaa. Iyagoo shirbaya ayay markii gabalku guduutay soo gaareen geed gaabta halkii lagu sheegay in baahalka dadku ku laayo.

 

Meel hortooda ah ayaa waxaa fag uga soo yiri oday reer baadiye ah oo qaarka kore u qaawan yahay, qaarka hoosena maradu u xeydan tahay, qoortana ku duubtay Go’, gacanta midigna si qaabsan ugu heysta Gaad (ul weyn), tan bidixna wuxuu ku sitay sahayga ugu jirtay jawaan qandi ahaan loo tolay, kadibna Siid Abba Nuur oo dhalinyarada horkacayay ayaa salaamay odaygii.

 

Odaygii: Intaad u dudiheysaa dugsileydaan waaweyn?

 

Siid A. Nuur: Dugsiley maashee, waa barbaartii afar Xamar oo u soo duushay inay soo dilaan Bahalka musaafurka dhibay, mid kastana baayga aas wato waxaa lagu dilaa bahal gooni ah.

 

Odaygii: Baaygaan xumood u maleyso in dugsiley subac geftay lagu tumayo bahal dilimaayee ha haligin dhalinyaradaan.

 

Siid Abba Nuur: Baayga xanuun waaye waa guduudahaa bahalkii lagu tumo.

 

Sheekadooda markii ay halkaas mareysay ayaa waxaa meel u muuqata si kedis ah iyadoo qeylineysa uga haadday dhebed [nooc shimbiraha ka mid ah], markaasaa dhalinyaradii intuu dareen galay wada fiigeen, mid kastana ay dareen iyo cabsi gashay. Siid Abba Nuur ayaa intuu is celin waayay kor ugu qeyliyay, "Barbaarey waa leysa soo galay ha leyska jiro waxa qeylihaayo ee horteena ka buubay, waxaan u mudaa inaas baahalkii ahaay."

 

Markaasaa odaygii reer baadiyaha dhulka qosol la dhacay, "Ar waa dhebed," ayuu odaygii oo qoslaya yiri.

 

Siid Abba Nuur intuu barbaartii ku soo jeestay ku yiri,"Barbaarey yaa noo wado baaygii dhebed lagu dili lahaay?" Dhallinyaradii intay is wada eegeen ayuu mid kasta goonidiisa u sheegay inuusan wadan baaygii dhebed lagu dili lahaa.

 

Wiilkii ugu da'da weynaa barbaarta ayaa intuu waxoogaa geesinimo ah is biday yiri, "Siid Abba Nuuroow waa ogtihiin qatarta bahalkaas, amaan gadaal u gadoonnaa." Siid Abba Nuur intuu hadalkaas u bogay ayuu barbaartii amray inay dib u soo noqdaan, markaasuu soo hor kacay, wuxuuna bilaabay inuu ku shirbo ereyada ah: Dad iyo duur ma leysku daayo; barbaartuna waxay kaga daba shirbayeen ereyada ah: Dhabbahaan dhexdiisa Dhebedaa lagu sheegay, ninkii aan dhug laheen, dhex intay u gashey, dhiigiisa cabee.

 

Haweenkii, odayaashii iyo caruurtii afarta Xamar oo wada dhooban barxadda Aa Aweyska sugayana waxa ka soo yeeri doona duullaankii barbaarta ayaa waxaa hortooda ka soo muuqday boor iyo siigo ka kacayay jaanta iyo ciribta dhallinyarada shirbeysay, markaasay Dumarkii mashxarad isku dareen, waxayna niyadda gashadeen in barbaartu ay soo dileen baahalki, raqdiisana ay horay u soo qaadeen si loo arko, markii ay halkii lagu sugayay soo gaareena ayaa waxaa dadkii halkaas joogay la hadlay Siid Abba Nuur oo sheegay inay arkeen Dhebed, nasiib darana ay noqotay in Baayihii ay siteen laga waayay midkii loogu talo galay in lagu dilo Dhebed, xeelad dagaal darteedna ay dib u soo laabteen, halkaasna waxaa ku fashilmay howlgalkii loogu talo galay in looga soo taqaluso baahalkii dhibay musaafurka.

_________________

 

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qac Qaac   

waraa tuujiska adi wali wixii maa wadaa.. caajiib... kaalay gacmaha kuma daalaan miyaa.. how long aa tuujis waday.. bisinka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

Wah!... date ka fiiri dhooreyahoo.. Aniba hada lee kusoo laabtay SOL.. shimee iigu danbeysay.. meeshaan hada dad wada cusub aa joogaan.. luqad nooc kale leeba lagu hadlaa yaqee jarmal iyo shiinees iyo calabeesteen oo la factor gareeye ee ku hadlaan...

 

Qac'coos, yaaqee Wax bilow nooh.. meeshaan shaqada intaan joogo aan rabaa waqti in aan ku dilee...

 

Wareer Badanaa!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this