Sign in to follow this  
Meygaag

Siday tahay Aqoontada Af-Soomaaligu?

Recommended Posts

Meygaag   

Af soomaaligu wuxuu ku kala baxaa laba FOOC

1- Soobaan ,

2- Suugaan

 

Soobaantu waxa ay kala tahay :

1.1- HADAL(Spoken) iyo 1.2- HAWRAAR(Formal Statement)

 

Hadalku waxa uu ka kooban yahay:

1.11- LAQANO(Dialects)

Waa siyaabaha kala duwan ee afka loagu hadlo ama loogu kala yeedhafo.

 

1.12- OROG(Colloquil)

Waa sida guud ee wada-jir ku hadalkiisa maalin walba looga siman yahay.

 

Waxay 1.2-HAWRAAR-tu ka kooban tahay

1.21- Tibaax(phrase)

1.22- Warbaan(Sentence)

1.23- Codbaan(Speech)

1.24- Curis(Composition)

1.25- Curis-sare(Essay)

1,26- Deex(News-Article)

1.27- Baanise(Legal Argument)

 

Intaas weeye SOOBAAN-tu.

 

SUUGAAN:

Waxa aan toos kuu siinayaa qeybata gabayga:

 

Gabayaga Afsoomaaligu waxa uu ka kooban yahay:

Tidicyo (lines of poem)

Tidic kastaa waxa weeye Laba Odhaahood oo loo kala yaqaan

HAKAN + HOORIS,

e.g. Dabuubtiisa Gabay (HAKAN) Waanigii Daayey Calow'e (HOORIS)

 

Waxa jira TIBIXQAAR lamaan ,ama Qaafiyad lamaan, oo tidica tusaalaha aha aad

ka heli karto waa TIBIXDA "D" oo uu gabaygu ku dhisan yahay.

 

Waxa kale oo aad helaysaa SHAQALTIRIS , tidic kasta waa in laga helaa ugu

yaraan 19-shaqal ugu badnaanna 21-shaqal.

 

Tidicyo dhowr ah oo ku wada saabsan arrin-keliya waxa la dhahaa

TUDUC(Paragraph)

Marka aad gabay hidinayso waxa uu dalban yahay;

1-DABUUB(Theme)

2-DULUC (Contents)

3-MEEXAAN(Harmony/Delicacy)

 

Seid Abdillahi Abdi

 

Mr Seid is an erudite, profitable linguistic, who possessed a broad range of knowledge in the field of Somali Language.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this