Sign in to follow this  
Muhammad

Hooyooy La'aantaa

Recommended Posts

Muhammad   

this is dedicated to the mothers including the future to be! :D

 

Hooyoo La'aantaa

 

Hooyooy la'aantaa;

Adduunyadu hubaashii

habeen kama baxdeenoo

iftiin lama haleenoo

dadku uma hayaameen

dayax heego joogoo

sida haad mafuuleen

xiddig hawd ka lulatoo

hawo laguma gaadheen

hubka laguma tuureen

cirka hirar ka muuqdoo

ruux aad hagayso

usha mid aad u haysaa

Hilin toosan weligii

ka habaabi maayo

hooyooy addoomuhu

halkay maanta joogaan

adigow horseedoo

intaad hanad xambaartee

haaneedka siisee

horaadada jaqsiisee

habtay baan xisaab iyo

tiro lagu heleynoo

Marka aad nin hiillo

laga baqo hashiisiyo

halyey diran dhashaabaa

hooyo lagu xasuustaa

marka aad nin hoo-loo

gurigiisa habaqluhu

isku soo halleeyoo

hayntiisa quudhoo

hor Illaahay geystiyo

lama hure dhashaabaa

hooyo lagu xasuustaa

Marka aad nin himilada

hilin toosan mariyoo

hir markii la gaaraba

ku labaad hilaadshoo

haga maatadisoo &

la higsado dhashaa baa

hooyo lagu xasuustaa

Marka aad nin hoogiyo

ka hor tago dagaalkoo

garta hubin yaqaannoo

xaqa hoos u eegoo

halistiyo colaadaha

dabka hura bakhtiiyoo

ku hagoogata dhiigoo

dadka kale hagaajoo

kala haga dhashaa baa

hooyo lagu xasuustaa

Markaad hoobal caaniyo

hindisa farshaxanoo

hab-dhaca iyo luuqdiyo

hawraarta maansada

heensayn yaqaaniyoo

Rabbi hibo u siiyoo

labadaba hannaanshiyo

hal abuur dhashaa baa

hooyo lagu xasuustaa

Dumar iyo haween baa

nolol lagu haweystaa

kuwa lagu hammiyayee

sida hawd caleen weyn

rag u wada hammuume

ishu halacsanaysaa

hablahaaga weeyee

marka guur la haybshee

gabadh heego dheeroo

hoobaan la moodoo

karti iyo hub qaadloo

quruxdana ka hodaniyo

hufan laga aroostaa

hooyo lagu xasuustaa

 

 

Hooyooy la'aantaa

higgaad lama barteenoo

hooyooy lan'aantaa

hadal lama kareenoo

ruuxaad habinoo

kolba aanad hees iyo

hoobay ku sabinoo

hawshaada waayaa

hanaqaadi maayee

hoygii kalgacalkee

naxariistu hadataay

Hooyo dushaadaa

nabad lagu hubaayoo

hooyooy dhabtaadaa

hurdo lagu gam'aayoo

hooyooy taftaadaa

dugsi laga helaayoo

waxaa lagu hal maalaa

hooyo ababintaadee

hayin lagu badhaadhaay

hogol lagu qaboobaay

gogol lama huraaneey

dugsigii hufnaantaay

hidda lagu arooraay

Intaad hooyo nooshahay

hambalyiyo salaan baan

hanti kaaga dhigayaa

hamrashiyo xaq-dhawr baan

dusha kaa huwinayaa

hooyo dhimashadaaduna

hoogeyga weeyoo

Weligay hoggaagaan

ka dul heesayaayoo

hiyiga laabtaan

kugu haynayaayoo

hengel baan u xidhayaa

inta haadka duushiyo

idil habar dugaaggee

IFKA HIBO KU NOOLOOW

AAKHIRO HALKII ROON

Share this post


Link to post
Share on other sites

What an excellent poem!

Well it has been said that what comes from the heart touches the heart.

I don't even know if they words to describe how I feel about Hooyo. * in tears*

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this