Sign in to follow this  
xiinfaniin

Nin Ilaah Yaqaan

Recommended Posts

Nin Ilaah yaqaan oo sharciga, ku isticmaalayaa

Ashahaado loo qoray nimaan, kala allaaweynin

Oo aan inkirahayn xaq waa, la oggolaadaaye

Nin salaadda awqaadda faral, u addimoonaaya

Oo dagada oofinahayoo, ugubka dhiibaaya

Oo aan bakhaylnimo abkiis, lagu ishaareynin

 

Nimaan diinta aafo u geleyn, aakhiruu sabanka

Oo aan amxaarada sidii, obo u yaacaynin

Oo gaalka ooradu ku taal, u askaraynnaynin

 

Nimaan abuurka Soomaliyeed, ka anfi taageynin

Oo aan ajuurada kufriga, ugu adeegeynin

Oo aan ardiga beesadeed, u ashtakooneynin

 

Nin jahaad ohoominahayoo, ubaxa loo saaray

Ingiriiska eygaa ninkii, ugu uneexaaya

Oo libin ajri leh soo heloo, or iyo geeraar leh

 

Nimanyahow aqoonxumadu, waa ardaalnimo e

Asaraar ma fiicnee runbaan, lagu arooraaye

Ninkii aynigaa lagu yaqaan, saw islaan ma aha?

********************************

 

Shir aguugay waayeel abyamay, tala ashaaddowdey

Irda jiqa albaabo isku xidhan, eel la bixin waayay

Xaajadaas afraha duubatee, loo olmami waayay

 

Nin aqoon leh aw iyo haddii, odayo loo saaro

In kastoo ayyaan iyo ayyaan, lagu aloollaado

Ninkii maalintaa ka aarinsha, caaqil aw ma aha?

***************************************

 

Uu uuda qaylada haddii, uubatadu yeedho

Sengootida ilwaadda leh haddii, agabta loo qaato

Awaaraha buska leh maalintuu, xamar abraaraayo

 

Maantii warmaha oofta iyo, adhaxda lays gooyo

maantuu aboodigu ku lalo, ubaxa loo daadshay

Maantii isaaya la dhaco, idil dagaalkeeda

 

Maantii fuluu naga ordoo, alabasoo rooro

Maantii raggaan loo ileyn, naga ugaadhoobo

Mantaa ninkii aarsan sow, aarka dhacay ma aha?

************************

 

Nimaan edebdarrooneya xil, waa laga ajoodaaye

Aflagaadda aan jirin nimaan, kuula imaneynin

Oo kaa asluubanahayoo, kaa istixyoonaaya

 

Ab uu yahayba aadniga ninkii, same ekeynaaya

Abtirsiinya kii xigay nimaan, iriq u dheeraynin

Addoomaha Ilaahy nimaan, kala irdhaynaynin

 

Ninkii aamusoo shib ah haddii, eray xun loo geysto

Aan kula ekeekamin intuu, urur ku soo joojo

Aan xaaja awawgeed la gubay, ubucda jeexaynin

 

Anfaaciga adduunyada nimaan, ku anfariiraynin

Oo xeedhyo soor lagu akhtimay, eber ka yeelaynin

Oo sida ardaal wax u cunee, alam ka siineynin

 

Intuu aqalka baanjiyo nimaan aradda guulguullin

Aagaanta ciirtaa nimaan, aaska dhiganaynin

Oo aan qumbaha awdanoo, ilaxidhkow jiidan

 

Aaqibadii loo galo nimaan, kala illaaweynin

Oo kuu ixsaan fali intuu, edeg adduun joogo

Oo aan abaaldhaca aqoon sow ikhyaar maaha?

****************************

 

Adhi badan lo' iyo geel intii, mulug adduunyaada

Ugub dhalaya qaalmaha umulee, laga unnun gooyey

Eeraan fardood iyo gammaan, aradka duulaaya

 

Aqal weyn aroos bilic leh oo ilaxidh loo yeelay

Inan quruxsan oo lagu ashbahay uunsi iyo khayli

Oo qool asliya loo gashoo jalamtu eedaami

 

Nasteexiyo wanaag iyo ninkii ilindi kuu keenay

umuurtii aad leedahay ninkii, kuu abaynaaya

Adduunka iyo aakhiro ninkii, kuu aslaaxinaya

 

Ninkii maalintaad iillaan tahay, aana kugu qaataa

Oo aan abaarahakan dhacay, oodda kugu jiidin

Itaalxumana aan kaaga tegin, sow ikhwaan ma aha?

**********************

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this