Sign in to follow this  
Wiilo

Heeso Wadani ah (Please Post Any)

Recommended Posts

Wiilo   

Dhammaan Nomads waxaan idinka Codsanayaa Inaad soo Qortaan Heeso Wadani ah. Aad iyo aad ayaan oga helaa Fadlan Haddii aad Heyso ii soo Qor, waxaan Heysaataa Kuwo ay Qaadeen Maxamed Saleebaan Iyo Hibo iyo Hobodo kale balse waxaan rabaa kuwo Kale sida kuwii wadanka lagu Amaani Jiray.

 

 

Waad Mahadsantihiin:......

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wiilo ,, anigu waxaan kuu hayaa gabay ,,, inkasta oo uu dheer yahay laakiin hadana waxaan filayaa inuu ku anfici doono ,,,

 

 

 

Nin duddumo wacdiyayow

Dan adaa u noogiye

Dhagax inaad dubbaysiyo

Dufan inaad marmarisaa

Dareen waa isaga mide

waxaan ula danleeyahay

Ama taa la darajo ah

Somaalidaan dedan

Oo daqarro halisiyo

Daabka culus ku dhacayee

Misna aan dareenkiyo

Caqli duxaba lagu arag !!.

 

Dawladnimiyo sharafteed

kuwa diiday ee nacay

Ee daarad dhaxan badan

Ku meersaday duggaalkee

Dirri meel ah yuurura

Dantiinnii gartaan iri.

 

Masaakiinta daashee

Dacaskiyo rafaadkiyo

Darxumada ka dheregtee

Wax u diirnaxaayiyo

Duul caawinaayiyo

Aan helayn daryeel iyo

Daawiyo wax quudshiyo

Wax daneeya oo raba

Waa duul la ciilaye

Halla daafacaan iri.

 

 

Qabqablaha dibbirayee

Doollaraadka haystee

******** wax dumisa le

Oo darajo beeniyo

Duub bililiqaa iyo

Wax dhac tahay dantiisuba

Dad-qalkaa wax jarayee

Dam ka siiyay shacabkii

Halla dayriyaan iri.

 

Duunyadaan lahayn iyo

Deeradiyo cawshii

Qaalmaha la didiyee

Dekedaha ka dhoofiyo

Dheddigaan la daabulay

Xooleheenna dabar-go’ay

Dahab iyo macaadiin

Dheemankeeni duugnaa

Doqonkaan xaraashana

Ha loo diro xabsaan iri.

 

Halkaa diillin ii saar

Dabra celi ujeeddada

Daalaco wixii tagay

Dulmanaha u buro daa

Dacay geli cadaawaha

Dalkiibaa hadlaayee

Ha dacwiyo markiisoo

Danihii ha sheegtee

Su’aalahaan is-dabayaal

Ummaddii u daabaca?

 

 

Wuxuu yiri dadweynow

Sow ma ahi dalkiinii

Degelkaad ku dhalateen

Degaankaad lahaydeen

Maxaa lay duminayaa?

Loo bur-buriyay daarihi?

Waxa lay dayacayoo

Lay dayrshay yaa garan?

 

Nacab inuu i soo dago

Miyaad doorbidaysaan?

Maydin deeqi waayoo

Ciriiri baad dareenteen?

Dalagga iyo beeraha

Miyaan iga dul-bixi Karin?

Ninka yaambo daabtoo

Dibjiryooday waa kuma?!

 

Webiyada dur-durayiyo

Dooxooyinkaygaan

Dacar miyay dhadhamayaan?

Baddaa deeqa Eebbaa

Goormaad dayaysaan?

Macaadiinta dihin iyo

Daakhilkayga waxa yaal

Nimcadaan ku daahnahay

Yay dani kahaysaa?!

 

Kuwa dibedda aadow

Maxaa layga didayaa?

Haddii aad i diiddeen

Yaa iga dun wacanood

Igu doorsanaysaan?

Degaan miyaa qaxootigu?

Dal ajnabi ma guri baa?

Miyaa laygu kiin diray?!

 

Aqoontiina dahabkaa

Dunjigeeda yayska le?

Maad igu dadaashaan

Doqontiyo ma-garatada

Dayradood miyaan ahay?

Dhaxalkayga duuggaa

Yaa dheefsan doonoo

Hadhow loo dambariyaa?!

 

Aawaye dadkaygii

Digta igu dhacaysiyo

Madfacaan i dooxiyo

Dhiigga daadanaayee

Dushaydii hareeyiyo

Waxa daanno igu taal

Yaan u dabagalaayoo

Dacwaddayda yaa qori?!

 

Tahriib doonayaashiyo

Doonyaha la raacee

Lagu daatay waayahan

Daliil weeye igu filan

Inaad iga rug-dayateen

Dawladaha kaleetee

Derisnimada ii xiga

Way i daawadaanoo

Dulligaan i haystay

Dusha sare ka eegtaan !!.

 

Ninkii dumi lahaa geel

Uu sii didinayaa

Ilayn doy ma celisee

Hooyadii nin dayrshoo

Daleel uga dhaqaaqana

Inuu habaryar daadihin

Diiwaan ma qorayee

Jiilaal dangiigsaday

Cawskiisa duuggaa

Lama huro dabaadiye

Midka iga dallacayow

Adigiyo dadnimadaa!!

 

Anigu daawadaan ahay

Xummaantayda doonaha

Duugaaya sharaftay

Dibindaabyo taliyaha

I duleedinaayiyo

Midka daacaddayda ah

Kala ogi dirkoodaba.

 

Dad Islaama baan nahay

Waayagaa ku doodee

Diintay sheeganaayaan

Ma dibnaha korkoodaa?!

Haddaan ficilku daakhilin

Oon lagu dabbakhin camal

Aayad ruux dareershaa

Dux miyuu ka helayaa?!

 

 

Dulmi qoom bannaystaa

Daal wuu ka haagiye ( ka dhargiye)

Maxaa dirir ka xaasilay

Aakhirana danab iyo

Naar baa dambaysoo

Diiwaan la qoraybaa

Daabacan hortaadoo

Dafir la is xaqiro iyo

Doodi waa dhammaate

Qof kastaa wuxuu dilay

Wuxuu duudsiyoo dhacay

Wuxuu daba-maryeeyoo

Dulmanaha ka meersaday

Dakanadiyo godobaha

Deyn weeye laga rabo!!

Dooddiina ii xiran.

 

 

Xasan Bulxan Cali

C/waaq, Soomaaliya

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

J'baro runtii aad iyo aad baan oga helay waadna ku mahadsantahay, haddii aad hesho heesana pls ii soo qoray.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Inkasta oo aan aniga raadinayay Heeso wadani ah oo qoraal ah haddana waxaan filayaa in dhagaysiguba uu ok yahay, waad ku mahadsantihiin dhammaantiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

wiilo, intan yarta ah waxey ka hadleysaa calankeena iyo dhibka loo soo marey, translation in englsih as well

 

Hinjinne u sara kaca

Calankaan harraad iyo

Haydaar u mudateen.

 

Hir cagaarku qariyayiyo

Habkay samadu tahayoo

Xiddig dhiigleh hoorshoo

Caddaan lagu hadheeyaay.

 

Maxaa haybad kugu yaal.

 

Arise with strength! For we have raised our flag,

The flag which has cost us dear

With extremes of thirst and pain.

 

Our flag, whose colours are the everlasting green of the earth,

The blue of the sky, and white, the colour of peace;

And in the centre the red star of blood.

 

Oh flag of ours, what a glorious sight!

 

 

I hop u may like it smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this