Sign in to follow this  
Wiilo

Baahida Loo Qabo Bulsho Soomaaliyeed oo Aqoon Leh:

Recommended Posts

Wiilo   

Baahida Loo Qabo Bulsho Soomaaliyeed oo Aqoon Leh

 

Qore: Abdisamad Mohamed

 

Sannadihii u dhexeeyey 1920-kii ilaa iyo 1950-kii, ma ahayn dhaqaale ahaan wax fiican?in Wiilka dhalliynarada ah oo Maraykanka ama Japanese-ka ah uu Iskuul waqti isaga lumiyo. Dadka badankoodu waxay u shaqayn jireen warshadaha macdanta ama kuwa baabuurta, waxayna ka samayn jireen nolol-maalmeed fiican.?

 

Laakiin wixii ka dambeeyey sannadihii 60-aadkii, Shahaadada Iskuulku ?School Certificate? waxay baddashay kaarkii la oran jiray ?Union Card? oo ay xoogsatadii warshadaha maraynkanka ka shaqayn jiray ay isticmaali jireen sannadihii 50-aadkii. Aqoontuna waxay noqotay furaha horumarka. Iskoolku waxa uu ahaa meesha kaliya ee dadku aqoonta u soo raadsado. Waddamada maanta adduunka ugu dhaqaalaha badanna waa kuwii maalgalinta ugu badan kusameeyey inay dadkooda waxbaraan.

 

Tusaale ahaan, sannadihii 60aadkii, Waddanka Maraykanka, xataa iyadoo lagu jiro dagaalkii Vietnam, dowladdu waxay kharash ka badan kan difaaca (defence) ku bixisay waxbarashada (education). Natiijadiina waxay noqotay in dhaqaalaha maraykanku uu gaaray heerkii ugu sarreeyey.?

 

Waqtigan xaadirka ah, in Iskuul la galo maahan sida kaliya?ama ugu fiican ee?

 

 

qofku waxkubaran karo ama aqoon ku kasban karo. Technologiyada casriga ah,?

 

Sida madbacadaha iyo compurradu waxay sahleen in Maktabadaha, Goobaha shaqada, Internet-ka, iyo xitaa xabsiyada ay noqdaan goobo aad ugu fiican waxbarashada aadna uga riqiisisan Iskuullada. Maaddaama ayaan dadkoo dhan isku si wax u baran karin, dad badan oo markoodii hore Iskuullada ku guuldarraystay waxaa u suura-galay inay helaan hab kale oo ay wax ku baran karaan.

 

Xaqiiqadu waxay tahay aqoontu waxay kordhisaa wax soosaarka. Dalka Jabbaan, oo in ka yar 10% ay beeraley yihiin waxay soo saaraan cunto aad uga badan tii ay soo saari jireen beeralaydii qarnigii 19-aad, markaasoo waliba dadka Jabbaanka intooda badan?80%?ay beeraley ahaayeen.

 

Iyadoo aan gumaystayaashii meelo badan oo adduunka ka mid ah?oo ay Soomaliyana ku jirto?ka talin jiray ayan ka tagin manhaj waxbarasho oo horumar lagu gaari karo, ayaa waxaa dowladihii kala duwanaa ee Soomaaliya soo maray la soo gudboonaaday marxalad adag oo ku saabsan sidii dadka wax loo bari lahaa. Su?aalaha ay ka mid yihiin: ma macallimiin baa la raadiyaa, mise arday waxbarashadooda dhammaysta oo markaas dadka waxbara? Waxay noqotay ?ukunta iyo digaagga keebaa horreeyey? oo kale.

 

Dhowr qof oo dowladdu u soo diri jirtay Qurbaha si ay wax u soo bartaan oo hadhow looga faa?iidaysto, waxaa dhici jirtay?intooda badan?inaysan sooba noqon ama xitaa hadday soo noqdaan waxay la soo noqon jireen dhaqan iyo luuqad shisheeye oo kaliya. Inta yar oo wax soo baratana waxaa kala duwanaan jiray manhajka ay iyagu wax ku soo barteen iyo kan lagu khasbay inay wax ku baraan ardaydooda.?

 

Siday doontaba ha noqotee, marna dhowr qof oo qurbaha wax ku soo baratay ma dabooli karin baahida waddanku u qabay ?Macallimiin? waaya-aragnimo fiican leh. Soomaaliya?sannadihii 80aadkii?baahida macallinka loo qabay waxay la mid ahayd sidii beeraleydii Maraykanka sannadihii 1750kii. Oo labaatameeyo qof oo beeraley ah ay soo saari jirtay cunto ku filan hal qoys oo magaalo deggan.

 

Maanta oo in kabadan hal malyan oo Soomaali ah?oona u badan carruur iyo dhallinyaro?ay ku nool yihiin qurbaha, gaar ahaan Yurub iyo Woqooyiga America, waxaa wax aad loogu farxo ah in shanta ama tobanka sano oo socda, baahidii loo qabay dad Soomaaliyeed oo aqoon leh laga bixi doono. Laakiin su?aasha kaliya waxay tahay goormaa dadkaani ku noqonayaan waddankii oo dadkii iyo dalkii wax u qabanayaan?. Ma waxay sugayaan inta waddankii hagaagayo mise iyagaa laga rabaa inay inta noqdaan wax baddalaan? Sideebayse aqoontooda ugaga faa?iidayn karaan dalkii iyo dadkii iyagoo xitaa aan wali ku noqon waddankii maaddaama aan nabadgalyadu sugnayn oo aan qofna lagula talin karin inuu dib u noqdo waqtiga hadda la joogo.

 

Waxaa lagama maarmaan ah in la helo qaab lagu ururiyo dadka Soomaaliyeed ee qurbaha jooga intooda wax baratay, si ay u noqdaan Jaaliyad isku duuban oo waxa kaliya oo ay ku midoobeen ayan ahayn ?Qabiil? ee ay tahay ?Aqoon?. Waxaa tusaale fiican ah, meelo badanna ka jira ururro (associations) ay samaysteen arday Soomaali ah oo inta badan isku Iskuull ah, ama Iskuullo kala duwan dhigta laakin isku magaalo ah. Nasiib xumada ururradaan ku dhaca waxaa ka mid ah ?maaddaama aan ujeeddo dheer laga lahayn?in dadka hormuudka u ah ay isaga tagaan markay waxbarashooda dhammaystaan Hadhowna la waayo wax meesha ka sii wada.

 

Si ay ururradaas ardaydu (students Associations)u noqdaan kuwo wax tar wayn yeesha oo Soomaalidana u horseeda horumar waa inay yeeshaan ujeeddooyin ka fog in ay u shaqeeyaan inta ardaygu uu iskuulka dhigto oo kaliya iyo waliba in ay ku egyihiin magaalada uu Iskuulku ku yaallo oo kaliya. waxaa muhiim ah in ardayda Soomaaliyeed oo dhan ay helaan urur wayn oo ay kulligood xubno ka yihiin isuguna gudbiyaan aqoontooda, isku dhaafsadaan figradohooda iskuna bartaan si ay mustaqbalka u noqdaan kuwo wada shaqayni ka dhexayn karto.

 

Maaddaama uusan qofka aqoonyahanka ah?waliba kan takhasuska u leh hal shaqo oo kaliya ?Specialist? kaligiisa waxba qabsan karin, wuxuu u baahan yahay dad badan oo iyaguna aqoon leh inuu xubin ka yahay. Tusaale ahaan ?Market Researcher? waxa kaliya oo uu u tababaran yahay waa inuu soo helo xog ?Data?, si xogtaas loogu beddelo warbixin (Information) waxaa loo baahan yahay ?Marketing People? si loo iib-geeyo alaabtana waxaa loo baahan yahay shaqaale wax soo saara ?production people? iyo kuwo xirxira (packaging people) iyo kuwo u safriya meelo kala duwan ?distribution people?

 

Taas micneheedu waxaa weeye qofka aqoonyahank ah oo waliba ?specialist? ah, wuxuu aad uga duwan yahay qofkii beeraleyda ah ama xoolo-dhaqatada ah oo kaligiis wax qabsan kara ama xaaskiisa iyo carruurtiisu ay yihiin hay?ad iskeed u taagan (Organization).?

 

Micnaha Organization-kuna wuu isbaddalaa hadba marka dabeecadda aadanuhu isbaddasho. Markii ugu horraysay erayga ?Organization? waxaa isticmaalay qoraa Jarmal ah, wuxuuna ku fasiray hal qof oo iskiis u shaqaysta. Maanta waxaa hal organization kawada tirsan dad kala jooga adduunka dacalladiisa oo dhan oo howsha qofba uu intii kaga aaddanayd qabanayo. Waana habka laga doonayo in Soomaalidu?gaar ahaan intooda aqoonta leh ay u wada shaqaystaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wiilo, waad ku mahadsan tahay maqaalka aad soo guurisay oo runtii ah mid dhaxal gal ah hadii si fiican loo lafaguro.

 

Laakiin, marka runta loo noqdo bulshada caalamku waxay ay leedahay wax ay ku hammido iyo target ay higsanayso kaas oo ah hadafkooda koobaad wax kastana ay u hurayaan.

 

marka loo soo noqdo soomaalida, maaha dad hadaf leh, waa dad ay qabyaaladda iyo musuqmaasuqu maansheeyay oo inta uu si habsami leh u dhex qaaday aan wax keleba aqoonin.

 

Yaa baray waddama aynu deriska nahay waxa la yiraa laaluushka ?? Ethiopia, Kenya, iwm.

 

Bal u fiirso qaybta Politics ka ee SOL ,, waxa meeshaa ka dhacaya iyo qabyaaladda iyo gobolaysiga bareerka ah ee la is waydaarsanayo ,,,, markaa soomaali meel kasta ha joogto, wax kasta ha barato haddana waxa maanta halkaa dhigay ee waddankoodii burburiyay dadkoodiina masaxay waa qabyaalad iyo musuqmaasuq.

 

Anigu runtii quus baan ka taaganahay . . . .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

J'baro walaalkiis runtii waad ku mahadsantahay boqolkiiba boqol waana runtaa Soomaalidu waa dad Cajaa'ib ah isla markaana dhib badan, balse ma'ahan inaad ka quusato walaalkiis waa dadkaadii.

 

Sida kaliya oo aan oga bixi karno dhibku waa inaan ka TANAASULNAA waxa la yiraahdo Siyaasad, Qabyaalad, iyo Masuqmaasuq

balse ma sahlana in Soomaali intaa ay ka tagto amaba ay si dhab ah oga tanaasulto. Balse walaalkiis hadda rajada jirta waa ANNAGA dadkeenaan jooga Wadamadaan Shisheeye ee wax barashada ku jiro inaan meesha ka kacno oo wixii aaan baranay dalkii la tagno si aan is badal ugu sameyno isla markaana dadka oga dhaadhicinno in dhibka loo heli karo Xal.

 

Balse waxaa is weydiin mudan Imisaa rabta inay ku noqdaan Dalkii? Imisaana rabta inay si DAACAD ah ugu shaqeeyaan Dadkooda?

 

Runtii waa Su'aalo mudan in si fiican loo fahmo, jawaabna loo helo......

 

 

Go figure:............

Share this post


Link to post
Share on other sites

waad mahadsan tahay ,,, waa si fiican laga tanaasulo waxyaalahaa foolxumada ah .

 

Walaalo runta aan kuu sheego ,,, waxba ha isku daalin ,, xataa dadka debedaha jooga marka ay dalkii ku noqdaan way ku dhex milmaan ,,, anigaana shakhsiyan u soo taagnaa ,,,, waad og tahay dad badan oo ka mid ah siyaasiyiintu inay yihiin dad debedaha ku noolaa waxna ku soo bartay maantana ay yihiin kuwa waddanka burburinaya ,,,,,

 

dadku way garanayan in qabyaalada iyo musuqmaasuqu ay xun yihiin haddana kama harayaan ,,, kuwa wada ee ugu waaweyn ayaa marka aad gooni isku noqotaan kaaga sheekaynaya qabyaalada iyo dhibaatada ay leedahay,,

 

waxaan xasuustaa sometime in the past ayaa baabuurta tiknikada ee ********ta ayaa waxa ay ku xireen sameecado ka dibna waxa ay daareen cajalad uu jiro gabaygii Abwaan Timacadde ee uu lahaa dux ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane

 

bal sawiro ,, waa ******** qabiil ka soo jeedda oo qabyaalad ku dagaalamaya waddankana burburinaya haddana waxay ay habeen iyo maalin dhegeysanayaan oo ay dadka maqashiinayaan inay qabyaaladu tahay ta wax duminaysa,,,,

 

Markaa walaal dadkeenu waa kaas ,,, way garanayaan laakiin kama harayaaan ,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Walaalkiis waa runtaa in dadku garanayaan in Qabyaaladu iyo MAsuqmaasuqu xun yahay balse ay had iyo jeer ku dhaqmaan taa.

 

Sideedaba dadku markuu dhibtoodu wuxuu raadiyaa xal, marka su'aasha meesha iman karto waa Goormey Soomaali Garan doontaa inay dhibka Xal u raadiso?

Iskuna daydo inay adduun weynaha wax la qeysato ayadoo NABAD kaamil heysato.

 

Illaahay wuxuu yiri dadaala anna weydinla jiraaye, kolka waa inaan la imaanaa dadaal si uu Allaah inoola jiro.

 

Wabillaah:..........

Share this post


Link to post
Share on other sites

Walaahi anigu waxaan qabaa in qofka is yiraahda dadaal uu waqtigiisa ku luminayo xilliga imika la taagan yahay . . .

 

Ma og tahay maanta soomaaliyi waxay ugu neceb tahay qofka wanaagsan waxaanay ugu jeceshahay qofka ugu xun ,,, ? redface.gif :mad:

 

Walaalo runtaa fiicane Hadii aad is tiraahdo wanaag u horseed waxaad tahay qofka ugu horeeya ee laga hor imanayo , , , , dariiqa keliya ee kuu furani waa inaad qof xun oo weliba dadka ugu xun noqotid si aad kalsoonida dadka u kasbatid ,, taasina wax qof sharaf lihi ku kici karo maaha runtii ,,,,

 

Markaa anigu waxaan qabaa in dadka inta fiicani ay wax iska bartaan afkoodana haystaan waqtigan imika lagu jiro inta ilaahay si kele wax u bedelayo.

 

Anigu xal aan kaas ahayn maanta ma hayo ,,, qof waliba naftiisa ha ka adkaado xumaantana yaanuu ku dhex milmin.

 

Sophist, walaal waqtigan xaadirka ah aqoon iyo aqoonyahan lama yaqaan ,,,, dadkeenu daaqad keliya bay wax ka eegaan oo ah Yaa Reer Hebel Ah

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

"Yaa Reer Hebel Ah"

 

 

Caqligaan ah yaa Reer Hebel ah makula tahay inaan ka gudbi doonno mar uun? Mase dhici kartaa jiilka (faca) hadda soo koraaya inay ka gudbaan amaba aysan ku dhaqmin caqligaan ah yaa reer hebel ah? Runtii ani ahaan waxaan aaminsanahay inaan ka gubdi doonno arintan iyada ah oo aan u gudbi doonno xaalad ka qurux badan tan maanta taagan iska markaana dhalandoonto is reeb reeb aqoon, ay aqoontu dadku kala reebi doonto. Waa ra'yi uun wixii dhici doono Allaah baa og.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aniga ilama aha inay soomaali weligeed waxan iska daynayso ,,,, maxay iska daysaa xataa kii hadda dhalanayay baa lagu naasnuujinayaa reer hebel iyo reer hebel e ,,,,

 

Iga dhaaf waddankan ilaahay dad ha u keeno

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

"Iga dhaaf waddankan ilaahay dad ha u keeno"

 

Waa tahaye ma waxaan sugnaa inay ummad kale inoo timaado oo ay ina gumaysato? Ma waxaan sugnaa inuu COLONIALISM inagu soo noqdo? Waad ogtahay in rag fara badan naftoodii ku beelay inay xuriyad dalkii iyo dadkii u soo hoyaan, ma haddaan dib ugu laabadnaa gumaysi, iyo xuriyad raadin? Bal soo daa warkaaga.

 

Go figure:.............

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wiilo ma kula tahay tan maanta lagu jiro inuu gumaysigii dhaamo ????

 

everyday meeqa qof oo soomaaliyeed baa dhinta ?? oo ku weliba ku dhinta gacanta walaalkiisa soomaaliyeed ??? ,,,, gumaysi ilaahay inaguma soo celiyo laakiin ta maanta lagu jiro walaahi gumaysigii baa dhaama ,,,,,, ugu yaraan dhimashadaa yaraan lahayd ,,,,,

 

Meeshan dadkii way dhamaadeen ,, dalkii wuu burburay ,,,,, wax soo saarkii cagtaa la mariyay ,,, qofkii wax yaqaanay ama waa la dilay ama waddanka debedduu uga cararay ,,,, mana soo noqon karo oo xabbad baa ka horraysa ,,,, dadkii waxa keliya oo lagu wacyi geliyaa waa qabyaalad iyo reer hebel iyo weliba dagaal ,,,

 

maxaa ,, ma rajaa taalla markaa ???

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Walaal runtii waan gartay meesha aad ka imaanayso, balse waxay runtu tahay in uu san dhaamin Gumaysigu waxa maanta taagan. Waa run in ummad badan ay ku naf wayday dagaalada sokeeye ee soconayay in ka badan sanado balse anigu umalayn maayo in Gumaystuhu ku dili lahayn. Way dhici kartaa in numberka dhimashadu ka yaraan lahaa inta maanta ku nafwayday, bale dhimasho waa kuu dhimasho ogow.

 

Adigu maxaa kuu diiday rajo fiican oo aadan u rajaynayn nabad, wax wada qabsi walaaltinimo, kala dambayn, iyo ummad wadani ah la helikaro ama ay dhalan karto. Waligayd baa lays'leen jiray dibna loo heshiin jiray. Wadamadan horu maray kuligood way soo wada maray marxalado kala duwan haddana waad aragtaa sida ay u horu marayn (in kastoo marxaladaha ay soo marayn ku salaysnayn Qabiil) haddana way soo wada marayn. Anigu rajo wayn baan filayaa in Allaah inaga saaro dhibka helnana nabad waarta dadkuna ka suulo Qabyaalad.

Share this post


Link to post
Share on other sites

anigu mar alla marka arrimahaa dalka la soo qaado rajo la'aan uun baa i gasha ,,, waxa fiicnaan lahay inaad hal mar soo booqato dalkii oo aad soo eegto reality ga meesha yaalla,,,

 

Walaal meeshan dad ma jiraan ,,, waa dad ku seexda kuna soo toosa qabyaalad iyo dagaal ,,,, fikir kele iyo hammi kele midna ma laha waxaana shufeer ka ah afar nin oo dantooda ku wata oo daraagaystayaal ah oo marba meel u jeediya.

 

dadku kumaba baraarugsana wax adduunka ka socda iyo sida loo horumaray iyo weliba sida horumar lagu gaari karo ,,,, keliya waxa weeye , , xageed mijintii qaadka ahayd ka heshaa maanta,,, xageed ku qayishaa iyo intaas ka dib reer hebel iyo reer hebel ,,,,

 

Markaa ilaahay lagama quusto marnaba laaakiin anigu dadkeenna QUUS baan ka taaagnahay runtaa fiicane . . . .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Dadka aan ka hadlayo runtii waa dadka aqoonta leh ( Mid diinayd iyo mid kalaba ) ee hadda ku nool dibadaha isla markaana garanaya dhibka iyo macaanida ay leedahay wadaniyada ama ku noolaanshaha wadankooda. Si kastaba ha'ahaatee arintu waa in lahelaa dad fir fircoon isla markaana garanaya wadaniyada waxa aytahay niyad sanna u haya dalkoodii iyo dadkiiba.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Walaal waan kula fahamsanahay taas laakiin maxay kaaga taallaa hadii dadka aad sheegaysaa aanay dalkiiba tegi karin oo aanay suuragal ahayn inay dadkoodii la hadlaan ,,, ma debedaha keliyay maxaadarooyin ka geli ???

 

Midda kele ,, dadkeenu xataa hadii ay debedda joogaan ama ay aqoon kasta leeyihiin haddana bahashaas sida uga haraan way adagtahay walaahi ,,,,,

 

Anigu waan iska daawan uun waxa dadkani ku dambeeyo ,,,, waan ogahay oo ceelna uma qodna ciidanna uma maqna ,,,, laakiin ummad waliba meesha iyadu ay is dhigto uun bay taallaa ,,, Somaaliyina halkaasay is dhigtay ,,,

 

Ilaahay ha u sahlo ,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this