Sign in to follow this  
Nur

Khaatimada Wanaagsan

Recommended Posts

Nur   

Dedicated to all Terminally ill Somalis

 

 

Someone I know is in his death bed, no hope, and he is getting weaker and weaker, let us view his illness and what may be in store for him in light of this old post of mine, Please make duaa for him if you like this post, again it is AfSomali, not Somali Si Jiwi( Kenya), or somali Shunuu( Sudan) or Somali Khaliiji, or Somali Kangaroo, just plain Somali, I've tried to write like the BBC Somali.

 

 

Mahad oo dhan waxaa mudan Allah, Kan uuma, u taliya, koriya, gargaara, ka warhayaa uunkoo dhan. Hana ahaato nabad iyo salaad Nabigeenna dushiisa, iyo reekiisa, asaxaabtiisa iyo inta ku raacday wanaag ilaa iyo maalinka xisaabta.

 

Dabadeed

 

 

Khatimada wanaagsan:

 

Khaatimada wanagsan waa in addoonka la waafajiyo geerida ka hor inuu ka laabto wax walboo Allah ka careysiiya SWT, oo markaas la jecleysiiyo hoggaansanaanta Allah iyo acmaasha kheyrka leh, dabadeed uu ku dhinto asagoo xaaladdaas ku sugan.

 

Taasna waxaa daliil u ah xadiithka ku sugnaaday Anas Ibn Maalik Allaha raalli ka noqdee oo yiri " Wuxuu yiri Rasuulka Allah SAWS ( Hadduu Allah la doono addoonkiisa kheyrka, (Allah) Addoonkaas wuu adeegsadaa, wexey yidhaahdeen " sidee buu u adeegsadaaa, wuxuu yidhdi SAWS " (Allah) wuxuu waafajiyaa camal wanaagsan intuusan dhiman ka hor" )

 

Waxaa wariyey imaam Axmed, tirmidhi, waxaana ku xaqiijiyey Mustadragga, Al xaakim

 

Khaatimada wanaagsanna wexey leedahay calaamado.

 

Calaamaadkaas waxaa ka mid ah qaar qofka geeriyoonaya uu iska garto iyo qaar dadka laga tuso ooy u arkaan.

 

Markaan ka hadallo kuwa calaamadaha addoonka la geeriyoonaya la tuso oo ugu bishaareeya khaatimada wanaagsan oo ka timid Allah agtiisa iyo raallinimadiisa siduu Allah yidhi:

 

" Kuwa yidhi RABBUNAA ( Kan uuma, u taliya, koriya, gargaara, ka warhayaa uunkoo dhan) Waa Allah, dabadeedna qumaati u toosay, waxaa dushooda ku soo degta malaaigta ( ayagoo u qalbi dejinaya oo odhanaya) ha cabsanina hana murugoonina, kuna bishaareysta Jannadii la diin ballan qaadi jirey" .....................Fussilat # 30

 

Bishaaradaasna waa mid u sugnaata mumininta marka nafata laga saarayo iyo markey galaan qubuurtooda, iyo goorta la soo saarayo.

 

Waxaa kaloo daliil u ah macnahaas wixii laga soo wariyey Al Bukhaari iyo Muslim oo ku yaalla axaadiithta saxiixa ah ay koobeen, ayagoo ka soo warinaaya Hooyada muminiinta Caa'isha, Allah raalli ka noqdee wexey tidhi " Wuxuu yidhi rasuulka Allah SAWS ( Qofkii jecleysta la kulanka Allah, Allahna wuu jeclaada la kulankiisa. Qofkii naca la kulanka Allah, Allahna waa nacaa la kulankiisa) "

 

Macnaha xadiithkaas waxaa faahfaahiyey Al Imaam Abu Cubeidallah Al Qaasim Ibn Salaam oo ku fasirey:

" Xadiithkan macnishiisu agteyda ma ahan neceybka geerida iyo xanuunkeeda, maxaa yeelay taasi geeri walba wey leedahay, laakin waxaa loola jeedaa in laga jecleysto adduunka aakhirada, oo la is dhigto lana naco in Allah la hor istaago iyo aakhiro" asagoo sii wata wuxuu yidhi imaamka, waxaana caddeynaya macnahaas inuu Allah ku ceebeeyey dad qaarkood jeceylka nolosha adduunka oo uu yidhi " (Kuwa aan filaneynin la kulankeenna , oo kuna raalli noqday nolosha dunida, kuna maqsuuday...) Younis 7.

 

Imaam Nawawi wuxuu ku fasirey xadiithkan, " Macnaha xadiithkan waxaa weeye in jeceylka iyo neceybka shareecada ay aqoonsan tahay waa tan muuqata marka nafta la iska saarayo oo ayan tawbada wax tarayn, oo ay u caddaaneyso arrinta qofka geeriyoonaya ayna u muuqaneyso meesuu u socdo"

 

Calaamadaha Khaatimada wanaagsan wey badan yihiin, culamadana Allah u naxariistee waxyaabo ayey ka sheegeen annana qaar baan soo warineynaa kuwaas ka mid ah.

 

1. In uu ku dhawaaqo Shahaadada marka ay nafta ka bexeyso. waxaana taas u daliil ah xadiithka uu wariyey Al Xaakim iyo kuwo kale inuu Rsauulka SAWS yidhi " Qofkii uu ahaado hadalkiisa ugu dambeeya laa ilaaha ilaa Allah, jannada ayuu galaa"

 

Aniga arrintaan waxaa si gaar ah iigu caddeeyay nin ka shaqeyn jirey (Emercgency staff - Iscaafka) hosbitaal ku yaalla waddan Carbeed ah oo igu yidhi " waxaa gacan teyda ku geeriyootau 24 qof oo isugu jira rag iyo dumar, kulligoodna waan u laqqinay shahaadada, haseyeeshee HAL QOF oo qudha ayaa la waafijiyey inuu yidhaah "Laa Ilaaha Ilaa Allah". Waxaa la soo wariyey gabadh daa yar ( teen ager) dhimaneysay oo la isku dayey in loo laqino shahaadada oo ku tidhi inantii u laqineysay, (Wallahi Waxaan arkaa meeshaan naarta ka geli lahaa)

 

2. Waxaa kaloo ka mid ah calaamad ka khaatimada wanaagsan inuu qofku ku dhinto waji dhididsan taasoo u daliil tahayxadiithka uu soo wariyey Bureida Ibnu Al Xusaib inuu yidhi Rasuulka SAWS ( Geerida muminka waxaa la socda waji dhididsan)

 

3. Waxaa ka mid ah geeri habeen Jumcaad , taasna waxaa u daliil ah xadiithka " Ma jiro qof muslim ah oo geeriyooda maalinka ama habeenka jumcaha oo uusan Allah ka ilaalin fitnada Qabriga"

 

4. Waxaa ka mid aha Shahaadada lagu gaadho Allah dartiis oo lagu dhinto goob jihaad, ama uu dhinto asagoo u tabaabusheysanaya jihaadka Allah dartiis, ama uu u dhinto daacuun, sida (Cholera-plague..etc) ama jirroyinka caloosha iyo beerka ( Cancer-Hypatititus) Kuwaasna waxaa u daliil ah xadiithka uu ku soo wariyey Muslim kitaabkiisa saxiixa ah, waxaa laga soo wariyey inuu yiidhi.

" Rasuulka Allah SAWS wuxuu yidhi "Immisa, meeqa, (kuwa idinka geeriyooda) ayaad ku tirisaan shahiid iney yihiin?" wexey yidhaahdeen qofkii lagu dilo Allah dartiis dariiqa Allah ayaa ah Shahiid. Wuxuu yidhi SAWS, " hadday caynkaa noqoto, shahiidyaasha ummaddeyda waa yaryihiin. Wuxuu yidhi" Qofkii lagu dilo Allah dartiis waa shahiid, qofkii ku geeriyooda asagoo ku taagan dariiqa Allah waa shahiid, qofkii ku geeruyooda daacuunka waa shahiid, qofkii u dhinta cudur caloosha ah waa shahiid, qofka biyaha qaadaanna waa shahiid"

 

Waxaa ka mid ah geerida xun oo dhan, sida Dabka iyo waxa la mid ah

 

Calaamaadka ku gaarka aha haweenka waxaa ka mid ah iney ku dhimato dhiigbax markey foolaneyso, waxaa laga soo wariyey Cubaada ibnu Saamit inuu SAWS tiriyey shahidiinta oo uu ku daray " haweenta dhiigbaxa u dhimata markey foolaneyso, wiilkeeda/inanteeda ayaa xuuddunta xariggeeda wexey ugu jiidi doontaa jannada"

 

 

Allah waxaan ku warsaneynaa Xusnul Khaatimah.

 

Aamiin

 

 

Nur

 

2002 e-Nuri Softwaano Series

Dunida, Xalaasheeda waa Xisaab, Xaareenteedana Waa Cadaab

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Nur:

again it is AfSomali, not Somali Si Jiwi( Kenya), or somali Shunuu( Sudan) or Somali Khaliiji, or Somali Kangaroo, just plain Somali, I've tried to write like the BBC Somali.

 

 

If ,perchance, you wrote in English you would betimes recieve replies. You must needs employ English as your language of communication as the alternative (Somali), as it were, is dead.

 

With Salaams

 

PK

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Garab Rarato, waxaa inna soo haya Ramadaan kale, Allah ayaan ka baryeynaa inuu na gaadhsiiyo annagoo ladan, na waafajiyo camal inta u fiican uu raalli ka yahay.

 

Dad badan oo nala soomay Ramadaankii hore ayaa maanta Rabbigooda agtiisa jooga, Naxariistiisa dushooda ha ahaatee, annana ma naqaan inaan gaadhi doono Ramadaankan, ama kan ku xiga, sidaa darteed, waa nasiib badan yahay qofkii Allah waafajiyo khaatimo fiican.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Dr. WOL

 

 

Here is my quick attempt to translate my own Somali language post, pardon my typos , punctuations and grammar.

 

 

(Khaatimada Wanaagsan)

 

 

The Successful Final Chapter Of Life.

 

Success at the end of this temporal life is attained when a person finds comfort in doing all the right actions and accomplishes results valued by our maker, repenting from all evil and developing a new love for the obedience of Allah and to engage in all good endeavors, securing a dignified departure from life on earth.

 

The above fact is substantiated by a Hadeeth narrated by Anas Ibn Malik RAA, : The Messenger of Allah SAWS said " When Allah wants to guide His servant to do the GOOD, ( Kheyr), Allah uses that servant to serve Him by doing good deeds before the servants death"

Reported by imam Ahmed, Tirmidhi, verified by the Mustadrak Collection of Al Hakim.

 

A Successful Final Chapter of Life has its signs:

 

These signs can either be signs a dying person can experience or signs that others, such as family or friends can witness, dream about, or experience regarding the dying person.

 

 

1. Signs that the dying person experiences as mentioned in the Quraan Surah Fussilat Verse 30:

 

" As for those (who've given their true Allegiance to Allah) saying ( Rabbunaa Allah), Allah is our Sovereign Lord, ( Following-up that statement with) steadfastness ( on Allah's path), (at the moment of death) upon them descend the angels, assuring them " Not to to worry, nor feel sorry, and to expect the good news of the Paradise your were promised before"

 

That assurance and the good news above is given to believers who've earned good deeds with their iman up to the moment of death, and upon final placement in the their grave, and the day of resurrection and judgement.

 

In addition to the above verse, Bukhaari and Muslim have also narrated Hadeeths reported from Aisha, mothers of Believers, that the Messneger of Allah SAWS said: " The person who is happy to meet Allah, Allah is also happy to meet that person"

 

The meaning of the Hadeeth according to Imam Ubeidallah Al Qassim Ibn Salam is that the above Hadeeth (contrary to wrong understanding), does not imply the hatred of death and its agony, because that aspect goes naturally with every death. Instead, the Hadeeth means that this brief worldly life shoudn't be preferred over the eternal life after death when one is confronted with conflicting personal desires on one hand, and devine commandments on the other.

 

Because the wrong preference of this life over the eternal life causes a person to hate the final audience with His maker to account for the deliverables to Allah against resources recieved from Him in this worldly life. ( i.e. in the form of Intelligence, wealth, children, education, health etc.)

 

The Imam had further supported that meaning by saying that those who have committed so much evil on earth wish that they never meet Allah to hold them responsible for their past evil actions. This picture is illustrated by verse 7 of Surah Younis " Those who are not anticipating our audience, being tranquil and intimately loving life on earth ....."

 

Imam Nawawi explained the above Hadeeth by saying that the love and hate of Allah's audience in the day of judgement according to the Sharia is defined at the moment before Gharghara( just before ) death, after which repentance is no longer an acceptable option. At that crucial time, a person can vividly see her/his place after death.

 

2. The dying person proclaims the Shahaada according to the Hadeeth reported by Al Haakim, and others that the Messenger of Allah SAWS said: " A (dying person) whose last words are the (proclamation of faith) Laa ilaah illaa Allah,( No one is worthy to be held as Sovereign other than Allah), enters Jannah ( Paradise)"

 

From my personal experience, an Emergency Medical Doctor in the gulf told me (in a lecture) " More than 24 patients, both men and women, have died in my hands. I have reminded all of them to say the Shahaada (proclamation of faith), I succeeded with a single patient to say the words of (laa ilaaha illaa Allah) after me"

 

A dying teenage girl was once asked to say the words of (laa ilaaha ilaa Allah), the dying girl responded to the woman who was reminding her the Shahaada : " Wallahi, I see from here my place in Hell"

 

 

3. Another sign is heavy sweat on the dying Muslims face according to a Hadeeth by Bureida ibn Huseib that the Messenger of Allah SAWS said " The death of a Believer is accompanied by a sweaty face"

 

4. The death to take place on a Friday Night and day( nighttime of Thursday's day and Friday's daytime), according to hadeeth " There is no one who dies on a Friday day or night who Allah leaves unprotected from the punishment of the grave"

 

5. Another sign is to die as a martyr in Allah's cause, in Jihaad, or while getting ready for Jihaad.

 

6. Another sign is death caused by epidemic, such as Cholera, cancer or infectious liver deseases accodring to Hadeeths of Sahih Muslim , The Messenger of Allah asked: " How many (of terminally dying do you count as) Shaheed (Martyrs)?, They said " anyone who is killed in the cause of Allah is a (martyr)Shaheed" The prophet SAWS said, " In that case the martyrs in my Ummah ( Nation) are few" the Prphet went on to say, "

 

a. A person who is killed in Allah's cause is a Shaheed (Martyr)

 

b. A Person who dies while steadfast on Allah's Path is a Martyr ( Shaheed)

 

 

c. A Person who is killed by infectious desease outbreaks or epidemic i.e. (daacuun/cholera etc ) is a shaheed ( Martyr).

 

d. A person who drowns in water/lake/river/ sea, dies as a Shaheed" End of Hadeeth.

 

 

7. A person who dies in a fire accident or (any violent death, by deduction)

 

The above are for General, as for specific signs of Martyrdom of women.

 

8. A woman who dies in labor pains or upon delivery of a baby dies a Martyr. It was reported that Ubada ibnul Saamit said that the Messenger of Allah classified the Martyrs and added the class of a woman who dies for bleeding in labor or when delivering a baby. Her infant will drag her to Jannah (paradise) by the (same) placenta of (that connected them at death)"

 

I ask Allah for me and for all my readers, of all faiths, a successful journey back to our maker by NOT DYING WITHOUT SURRENDERING ABSOLUTELY TO THE SOVEREIGN ALLAH.

 

 

Aamiin

 

 

Nur

 

2002 e-Nuri Softwaano Series

Life's goodness is audited, its evil punished by A True Sovereign.

.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Allah waxaan uga baryayaa dhammaan inta u dhimatay Allah dartiis iyo inta ahlul tawxiid ah oo gardarro lagu dilay guud ahaan, iyo Akhi Al Xabiib fillaah, Ibraahim Caddow si gaar ahaana oo aan aad uga xanuunsaday geeridiisa, anigoo filaya iney aakhiro uga fiican tahay adduunka ( Naxsabuhu Kadaalika) , sababtoo ah inaan ku bartay Taqwo, jeceylka Islaamka, xishood badan, akhlaaq aad u sarreysa, jeceyl inuu dadka kaalmeeyo, toosnaan iyo amaano, naxsabuhu kadhaalika.

 

Waxaan Allah uga baryayaa inuu ka aqbalo Shahaado Allah dartiis ah, lana soo saaro anbiyada, Shuhaadaada, Siddiiqiinta iyo Saalixiinta iyo inuu anigana igula kulmiyo jannada.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this