Sign in to follow this  
Ahmed_Guree

Ciidamada itoobiya ee ku sugan Magaaladda Galkacyo oo Maamulka Puntland u soo jeediye

Recommended Posts

Dec 1, 2006 (QOL) Ciidamada itoobiya ee haatan ku sugan Magaladda Gaalkacyo ayaa maamulka Puntland kala shiray sidii loo joojin lahaa Taleefoonadda iyo Dhammaan war isgaadhsiinta ay kuwada xidhiidhaan Bulshadu.

 

Warkan oo aan ka helay ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Masuuliyiinta Maamulka Puntland ay u sheegeen Saraakisha Ciidamada itoobiya in arrintaasi ay adag tahay balse ay wada tashi iyo kulamo kale kala yeelanayaan Masuuliyiinta Shirkadaha iyo Madaxda sar sare ee Maamulka Puntland bal in ay suurto gal tahay arrintaas.

 

Dadweynaha ku dhaqan Goboladd Puntland ayaa arrintaas markii ay maqleen si weyn uga walwalsan waxaana laga cabsi qabaa in gabi ahaanba la jaro Taleefoonadda iyo aaladda isgaadhsiinta ee Goboladda Puntland.

 

Dawlada itoobiya ayey caado u tahay in ay jarto taleefoonada iyo khadadka is gaadhsiinta marka ay galayso hawl-gal dagaal.

 

Dhanka kale, waxaa si weyn loo hadal hayaa in Ciidamada itoobiya ay kala hadlayaan Maamulka Puntland sidii loogu soo wareejin lahaa Garoonka Magaaladda Galkacyo, Isbitaalka, Kantarooladda iyo Xeryaha Ciidamada gaar ahaan kuwa Booliiska.

 

Si kastaba ha haatee, dadweynaha Soomaaliyeed oo in badan oo ka mid ah ay si weyn uga cabsi qabaan in itoobiya ay dalka qabsato ayaa haatan dareem Tusaalooyin gumaysi oo hordhac ah kuwaas oo ka imaanaya Ciidamada itoobiya ee ku sugan Gudaha Magaladda Gaalkacyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this