Sign in to follow this  
Jacaylbaro

UDUB General Secretary to be Arrested

Recommended Posts

Maxkamadda Gobalka Hargeysa Oo Amartay In La Soo Qabto Xoghayaha Xisbiga Udub Oo Dacwad Lagu Soo Oogay

 

Hargeysa(HWN)-Maxkamadda Gobalka Hargeysa, ayaa amartay in maxkamadda la horkeeno Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB Md. Jaamac Yaasiin Faarax, ka dib markii uu nin muwaadin ah dacwad ku oogay.

 

 

Sida ay Wargeyska Geeska Afrika ilo xogogaali u xaqiijiyeen waxa Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB dacwad ku oogay Aadan Jaamac Fure, oo ah ganacsade muwaadin ah oo la sheegay inuu ku leeyahay lacag dhan $ 36000 (Lix iyo Soddon kun oo Dollar), dayntaas oo la sheegay inuu xoghayaha guud ganacsadaha ka amaahday xilligii ololihii doorashadii madaxtooyo ee xisbiga UDUB lagaga adkaaday, waxaana la sheegay in ganacsadaha lacagtan lagaga qaatay qalabayn xarumihii xisbiga iyo qalab kale oo uu xisbigu ku galay ololihii doorashadii madaxtooyo.

 

 

Sida uu Wargeyska Geeska Afrika xogahaas ku helay garsooraha Maxkamadda gobalka Hargeysa Dr. Cali Suudi Diiriye, waxa uu shalay warqad amar ah u qoray taliyaha saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa, oo uu ku amray inay Arbacada beri maxkamadda horkeenaan Jaamac Yaasiin Faarax. “Maxkamadda gobalka Hargeysa waxay kugu amraysaa inaad horkeentaan dacweysanaha magaciisu sare ku qoranyahay.

 

Maxkamadda horteeda maalinta ay taariikhdu tahay 25/8/10, saacadu markay tahay 9:00 subaxnimo, iyadoo ay maxkamada dacwadi u taalo.” ayuu garsooruhu ku yidhi qoraalkiisa, waxaanu intaas ku daray, “Sidaas daraadeed, taliye waxa lagu amrayaa inaad hor keentaan dacweysanahaas maxkamadda.”

 

Dacwadan u dhaxaysa ganacsade Aadan Jaamac Fure iyo Jaamac Yaasiin Faarax, oo ah xoghayaha guud ee xisbiga UDUB, waxa sida la filayo ay maxkamadu gudo geli doontaa Arbacad beri, marka ay booliisku maxkamadda keenaan dacweysanaha.

 

 

 

Source: Wargeyska Geeska

Share this post


Link to post
Share on other sites

Because he is the defacto leader of the opposition with Riyaale outside the country.

 

This could be seen as the goverment trying to silence the opposition. Because there is no independant judicary.

 

Something never happened in Somaliland. And this could draw negative international media.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xoghayaha UDUB Oo Sheegay In Dacwadiisu Siyaasadaysan Tahay.

 

Hargeysa(Ramaas) Aug.25, 2010 - Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax, ayaa faahfaahin ka bixiyay dacwad loo haysto oo kaga furan Maxkamadda gobolka Hargeysa.

 

Xoghayaha oo uu xalay waraysi gaar ah la yeeshay Wargeyska Ogaal, waxa uu sheegay in yeedhmo u taalo Maxkamadda, balse aanu tegaynin, maadaama sida uu sheegay dacwadu la xidhiidho dayn aanu shaqsi u gelin oo lagu leeyahay xisbiga dhowaan talada wareejiyay ee UDUB. Waraysigaas oo uu sidoo kale kaga hadlay in dacwada loo haysto sida uu sheegay arrimo siyaasadeed ku lug leeyihiin, waxa uu u dhacay sidan;

 

S: Xoghaye warbaahinta qaarkeed waxay qoreen in warqad yeedhmo ah laguu keenay, arrintaa maxaa ka jira?

 

J: Arrintaasi way isoo gaadhay, si khalad ahna way u baxday. Waxaad mooda Garsoorki iyo siyaasadiina inay isku milmeen, ninkana qalab guri iyo koofiyado uu xisbigu ka iibsaday amaahiyay ayuu ahaa, nidaamkii lagu bixinayey lacagtiisana waa lagu jiray, markaa waxaad moodaa meel laga soo daarayba inay farsamooyin dahsooni meesha ku jiraan.

 

S: Xoghaye warqadani markay ku soo gaadhay maxay ku faraysaa?

 

J: Wax warqad ah oo isoo gaadhay ma jiraan jaraa’idka ayuun baan saaka (shalay) ku arkay….Laakiin haddii uu Garsooruhu arrimahaa sumcad dilka ah uu noqdo ka ugu horeeya ee durbaanka u garaacaya isagoo xaakinkii ah, wax labadii dhinac iskaga horyimaadeen oo ay ku garameena aanay jirin taa qudheeda ayaa khalad ah.

 

S: Adigu maalinna ma tagtay Maxkamada?

 

J: Maya, maan tagin ilaa hadda, laba goor oo hore ayaa warqad la keenay, markaa ninkii hawsha watay ayaa yidhi waan kala soo noqday labada jeerba imikana meel laga daba maroojiyey iyo wax ku kiciyey war iyo wacaal kama hayo. Laakiin kolayba imika way timi garoonkii, waxana wax shaqsi ahaan la igu leeyahay maaha ee waxa weeyaan wax uu xisbiga ku leeyahay qaantaa iyada ah, taana qareen baa laga leeyahay oo qareenka xisbiga ayuun baa loo dhiibi doonaa hadduu dacwada ka

jeclaaday nidaamkii dayntiisa lagu bixinayey.

 

S: Idinku ma Qareen baad u qabateen dacwadan?

 

J: Qareen buu xisbigu leeyahay oo qareenkaasaa arrinta la wareegaya wixii barri ka dambeeya.

 

S: Markaa Arbacada Maxkamada ayaad tagaysaa miyaa?

 

J: Maxkamada waa la iiga yeedhay, qareenka ayaana hawshaa qaabilsan.

 

S: Laakiin, adigu tagi maysid?

 

J: Aniga barri (maanta) sagaalka (9:00 AM) ayaa la yidhi waa lagaa rabaa halkaa, laakiin tegi maayo.

 

S: Markaad leedahay warqadi imay soo gaadhin, haddana subaxnimada ayaa la ii yeedhay ma telefoon baa laguu soo diray?

 

J: Saaka (shalay) aroortii ayaan telefoon ka helay Taliyaha saldhiga dhexe ee Booliska…

 

S: Xoghaye maxaa ku jaban haddii aad subaxnimada tagto oo ka sheegto waxaad ku andacoonayso?

 

J: Ninkani xisbiga alaab ayuu dayn ahaan uga iibiyay, cid dafirsanina ma jirto, nidaamkii lagu bixinayey ayuu imika xisbigu ku guda jiray, markaa danta kale ee uu leeyahay ee keliftay inuu halkaa tago oo uu ku fasaxo jaraa’idka isaga ayaa og.

 

S: Daynta maxaad ku gasheen ee aad ka qaadateen ninka dacwada kuu haysta?

 

J: Waxa laga qaaday koofiyadihii caddaa ee calaamada xisbiga lahaa.

 

S: Waa imisa dayntu?

 

J: Waa shan iyo soddon kun iyo dhawr boqol isugaynta daynta uu leeyahay waa qalabaynta saddex guri iyo koofiyadahaa, waxayna isla noqonaysaa $35,727 doolar, markaa wax dafiraad ahina kama joogto, waana la bixinayey, markaa isaga ayaa ka doorbiday dariiqadaa inuu maro, arrintuna waa mid madani ah.

 

S: Sida aad sheegayso mar haddii ay arrin madani ah tahay adigu inaad tagto oo aad tidhaa daynta xisbigu sidan ayuu ku galay maxaa ku jaban?

 

J: Qoraal baan u gudbinayey aan leeyahay waxani wax aan shaqsi ahaan u qaatay inaanay ahayn ee ay tahay dayn xisbiga lagu leeyahay.

 

S: Adigaaba lagu dacwaynayaaye inay hogaanka xisbigu, sida guddoomiyaha ama guddoomiye kuxigeenku inay qoraal u qoraan maxkamada miyaanay ku qurux badnayn?

 

J: Waxaan aad iyo aad ula yaabanahay haddii ninkan wax soo dacweeyey waraaqihii lagaga iibsaday ee lagala wareegay ayuu haystaa, haddii uu maxkamada qoraaladii gaadhsiiyey haddaanay u jeedo kale ka lahayn ninka garsooraha ahi dee wuxuu arki lahaa in heshiis wax lagu kala iibsaday oo ganacsadaha iyo xisbiga dhexmareen saxeexii, shaambadii iyo nidaamkii xisbiga oo dhamina way ku dhan yihiin, markaa sida uu aniga iigu yeedhay ee uu ugu yeedhi waayey xisbigii ee uu arrintii mid shaqsiya uu ka dhigay taa qudheeda ayey fari ku godan tahay u jeedada gaarka ah ee laga qabo.

 

S: Markaa arrinta waa la siyaasadaynayaa ayaad leedahay ee yaa siyaasadaynaya?

 

J: Waxaan anigu isleeyahay arrintaa uu ninkaa ku kacay garsooraha ahi ee Cali Suudi Xirsi waa wax gaar u ah oo sumcad dilid ah baa ku jiray oo ka baxsan xayndaabka sharciga, madaxdiisaananu iska arki doonaa.

 

S: Ma waxaad leedahay xukuumaddaa adeegsanaysa oo ah xisbigii aad hore isu hayseen?

 

J: Horta Soomaalidu dhaqan hoosaad ayey leedahay yaab ah, hayb hayb iyo wax bay sheeg sheegtaa, nin aan isleeyahay wuxuu u badan yahay maamulkan cusub ayey u janjeedhaa arrintu oo aan anigu qabaa inuu yahay kan wax qalqloociyey. Markaa meel uu ka daaran yahay anigu garan maayo isagu ku kacyaa gaar ahaan iyo meel kale laga so basbaaseeyaaba, waa waxaynu arki doono insha Allaah, balse waxay ila tahay haddii uu xadgudub sameeyay ninkaa xaakimka ahi madaxdiisana waa loo sheegi doonaa, waana la iska celin doonaa.

 

S: Kuwa aad uga shaki qab ee aad leedahay way isku xidhan yihiin ee xisbiga talada haya ah iyaga ma kala hadlaysaa oo ma odhanaysaa arrintaa ma ku lug leedihiin?

 

J: Maya, ninkani madax buu leeyahay, madaxduna kala dambayn bay leedahay, xuduudo ayay kala leedahay, nin walba awoodiisu ku xadidan tahay, inuu ku xadgudbay awoodiisii wixii talaabo ah ee ku haboona markaasaa la qaadi doonaa.

 

Wargeyska Ogaal

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxkamadda waa la iiga yeedhay, tegina maayo oo….” Xoghayaha guud ee UDUB Jaamac Yaasiin Faarax

 

http://gabiley.net/pages/tDetails.php?source=news&ID=13418&permission=1&audioFile=

 

 

Till 2 months ago everytime there was something with a Kulmiye supporter, they used to say Riyaale is behind it and its political motivated.

 

Now UDUB is saying this is a political prosecution of the opposition leader.

 

What do you guys think?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

It's politically motivated, the money is owed to UDUB as a party not just Jaamac Yaasiin Faarax, well spoken.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Land_Soldier:

 

What do you guys think?

What we think should not matter :D

 

So, whats the latest in the Gagala situation? Isn't that a bigger story here? See I'm trying to get you focused.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Well, the court will decide about the issue. If Jama Yasin took the money personally for UDUB them it is him ,,,, if he signed it for UDUB then again it is him to be questioned.

 

If he agrees the money is for the party then the party should manage to pay the damn money and stop the case.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Jacaylbaro:

Well, the court will decide about the issue.

Well the court decided the closure of Haatuf and the arrest of Ina Xaashi/Gaboose in the past.

 

Their indepedance is questioned.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I know the court was right. UDUB has serieuz issue's and this really annoys me.

 

Besides this scandal, the party lacks real structures. The governing bodies are filled with former Ministers, the internal campaigning for the leadership has started(Cawil, Ahmed Yuusuf Yaasin, Warancade are candidates) and it doesnt give much hope. Cawil and Ahmed Yusuf Yaasin have damaged the party.

 

UDUB needs to change. These oldies need to go with pension.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this