Sign in to follow this  
Member-sol-

Xizbul islaam treat the sick in S/hoose

Recommended Posts

Tan iyo intii uu Gobolka Shabeeladda Hoose ku dhuftay Cudurka Shuban Biyoodka waxa uu Ururka Xisbul Islaam Dhakhaatiir iyo Dawooyin kala gedisan gaarsiiyay Dhowrkii Maalin ee u danbeysay Dadka tabaaleysan oo ku dhaqan Deegaano iyo Tuulooyin kala gedisan oo ka tirsan Gobolka Sh/Hoose gaar ahaan Dadka sida aadka ah ula ildarnaa Cudurka Shuban Biyoodka oo ku dhibaateysnaa Deegaano aad ugu fog fog Magaalooyinka. (Daawo Sawirada)

 

Shabakadda Somalimirror oo Goob joog ka ahayd Dadka ay Dawooyinka Gaarsiiyeen Dhaqaatiirta iyo Saraakiisha ka socotay Xisbul islaam ayaa ahaa Dad Reer Miyi u badan isla Markaana aad ula Ildarnaa Cudurka Shuban Biyoodka ama Daacuun Caloolaha oo Xiliyada Abaaraha iyo kuleylaha Dilaaco.

 

Meelaha ay Dhaqaatiirta ka socotay Xisbul Islaam ay gaarsiiyeen Dawooyinka iyo Gargaarka Caafimaad waxaa kamid ahaa:

 

 Degmada Wanla-weyn.

 

 Deegaanka Yaaqbariweyne.

 

 Deeegaanka Ceelbashiir.

 

 Deegaanka Toora-toorow.

 

 Iyo Deegaanka Haakaw

 

Dhamaan Deeganadaas aanu soo sheegnay iyo waliba Tuulooyinka iyo Baadiyaha ku hareereysan waxaa ka dilaacay isla markaana faro ba’an ku haya Cudurka Shuban Biyoodka oo ay u sii dheer tahay Biyo la’aan iyo Abaar Saameysay Dadkii iyo Duunyadiiba.

 

 

dsc06956-copy.jpg Those fallen Ill

 

 

-supplies of cholera medication

dsc06968-copy.jpg

 

 

for the full story visit> http://www.somalimir ror.com/2009/03/29/w arbixin-xisbul-islaa m-oo-deeq-dawooyin-a h-gaarsiiyay-dad-uu- soo-ritay-cudurka-sh uban-biyoodka-oo-ku- dhaqan-g-shhoose/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warbixin:- Xisbul Islaam oo Mar 2-aad Dawooyin & Biyo Gaarsiiyay Tuulooyin ka tirsan G/Sh.Hoose oo ay ka jiraan Abaaro & Cudurka Shuban Biyoodka

By Somalimirror on 3 Apr, 2009 7:40 PM in Main, Wararka, Warbixinnada

 

Xoogagaga Xisbul Islaam ayaa Markii 2 baad waxa ay ka fuliyeen Deegaano Dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Sh. Hoose Mashruuc loogu Magacdaray:{ مشر ;وع أغا ;ثة متض ;رر¡ 0; مرض ; الك ;لي 5;او 75;لج 601;اف} waxaaney Biyo, Dhaqaatiir iyo Dawooyin kala gedisan oo ay Dadka Tabaaleysan ugu tala geleen gaarsiiyeen Deegaano iyo Tuulooyin ka tirsan Gobolka Sh/Hoose gaar ahaan Dadka sida aadka ah ula ildarnaa Cudurka Shuban Biyoodka ee ku dhibaateysan Deegaano aad ugu fogfog Magaalooyinka.

 

Goobaha ay Biyaha, Teendhooyinka, Dhaqaatiirta iyo Dawooyinka Gaarsiiyeen ayaa waxaa ka jiray Dhibaato Xaddhaaf ah oo isugu jirta Xaga Biyo la’aanta, Cudurka Shubanbiyoodka oo ka dilaacay, Abaaro baahsan iyo dhibaatooyin kale oo aan la soo koobi Karin.

 

Garagaarka ay u fidiyeen Xoogaga Xisbul Islaam Dadkan Dhibaateysan ayaa ka koobnaa: in kabadan 10 Booyadood oo Biyo ah , Dhaqaatiir Caafimaad, Dawooyinka lagula tacaalo Cudurka Daacuunka Caloolaha , Gaadiid lagu soo daabulo Dadka uu Cudurku soo ritay iyo Teendhooyinka lagu Karaantiilo Dadka Dhibaateysan.

 

Goobaha Xisbul Islaam uu gaarsiiyey Gargaarkan kala gedisan oo ay meeliba meesha kale ka darneyd isla markaana Hoostaga Gobolka Sh.Hoose ayaa kala ahaa sida tan soo socota:

 

1. Tuulada Libaaaxley.

 

2. Tuulada Danakuus.

 

3. Deegaanka Yaaq-Bariweyne.

 

4. Tulaadad Kabahereg.

 

5. Tuulada Showli-Mareer.

 

6. Tuulada Xabaal-Shire.

 

7. Tuulada Cadaydheere.

 

8. Tuulada Haakow.

 

9. Tuulada Galbooy.

 

10. Deegaanka Ceelbashiir.

 

11. iyo Deegaano kale oo ka farcama kuwa aanu soo sheegnay oo iyana Biyo, Dhaqaatiir iyo Dawooyinba ay Gaarsiiyeen.

 

1. Tuulada Libaaaxley.

 

Dhibaatada ka jirtay Deegaankan ayaa aheyd amaba la dhihi karaa waa tii ugu darneyd ee ka dhacda aagaas , ilaa 71 Ruux ayaa 4 maalmood gudahood ugeeriyaatay Cudurka Daacuun Caloolaha waxaana halkaa ka taagnaa dhibaato aad u weyn oo ay ka mid tahay Biyo la’aan , Cudurka Shuban Biyoodka oo fara ba’an ku haya , Abaaro baahsan iyo Baahi dhan walba leh.

 

Tirakoobka ay sameeyeen Odoyaasha Deegaanka Libaaxley ayaa ahaa sidatan:

 

Tirada Guud ee uu cudurku soo ritay

Tirada Dhimatay

Tirada hada jiifta

Tirada caafimaaday

 

345 Ruux

71 Ruux

24 Ruux

250 Ruux

 

 

Dhibaatooyinkii ugu yaabka badnaa ee ay Shabakadda Warbaahinta Somalimirror kula kulantay Deegaankan waxaa kamid ahaa ilaa dhowr Haween ah oo uu Daacuunku ka soo tuuray Caruurtii ay Uurka ku sideen.

 

Dhaqaatiirta Xisbula Islaam ayaa Daaweyn iyo gargaar Deg Deg ah u fidiyey Dadkaas aadka u dhibaateysnaa waxaanay gaarsiiyeen ilaa dhowr Booyadood oo Biyo ah sidoo kale Xisbula Islaami ayaa u dhisay Dadkaa Tabaaleysan Teendhooyin lagu Karaantiilo , ugu danbeyntii Dhaqaatiirta iyo Saraakiisha ka socotay Xisbul Islaam ayaa ku wareejiyey Odoyaasha Libaaxley Dawooyinkii ay ugu tala galeen oo ka koobnaa ilaa 10 Kaartoon oo Faleenbooyin ah, Cirbado Farabadan, dhowr Gasac oo kaniiniyaal ah, dhow killo oo ORS ah , cloriiniyo iyo Dawooyin kale oo badan.

 

2.Tuulada Danakuus

 

Deegaankan oo ay hoosyimaadaan ilaa 57 Tuulo ayaa waxa ka jiray iyadana dhibaato aad u baahsan oo ay ka mid tahay Cudurka Shuban Biyoodka oo Dadkii si safmar ah u soo ridanaya, Biyo la’aan ,Abaaro, Nafaqodaro iyo dhibaatooyin kale.

 

Markii aanu gaarnay Tuuladan ayaanu aragnay Dad isugu jira Caruur iyo Odayaal, Rag iyo Dumar oo uu soo ritay Daacuunku ayna daadsan yihiin Goof Qorax ah oo aad u kuleyl badan isla markaana aanan haba yaraatee wax Biyo ah heysanin.

 

Dhaqaatiirta ka socotay Xisbul Islaami ayaa u Fidisay gargaar Degdeg ah Dadka Tabaaleysan waxaana Goobta soo gaaray Dhowr Booyadood oo Biyo ah oo ay Maalgeliyeen Xisbul Islaami waxaaney waxbixinta ay soo gudbiyeen Odoyaasha Deegaanka ee ku saabsan Dhibaatada Cudurka Daacuunka lagu sheegay sida tan:

 

Tirada Guud ee uu Cudurku haleelay

Tirada dhimatay

Tirada hada Jiifta

 

50 Ruux

20 Ruux

30 Ruux

 

 

 

 

Dhaqaatiirta iyo Saraakiisha ka socotay Xisbul Islaami ayaa ugu danbeyntii ku wareejiyey ku dhawaad 20 kaartoon oo Faleenbooyin ,Cirbado, ORS, Clorin iyo Dawooyin kalaba Dadka Deegaanka iyo Odoyaashoodaba.

 

3. Deegaanka Yaaq-Bariweyne.

 

Deegaanka yaaq-Bariweyne oo hada ka hore Xisbul Islaami ay Daawo Gaarsiiyeen ayaa waxa ay ahaayeen Caruur Dhamaan Dadka hada u jiifo Cudurka Shubanka waxaaney si weyn ula il darnaayeen Nafaqadaro iyo Cudurka Dacuunka.

 

kalkaaliye Caafimaad oo ku sugan Deegaanka Yaaq-Bariweyne laguna magacaabo Xuseen C/lle Yacquub oo Shabakadda Somalimirror uga war bixiyey Xaaladaha Cudurka Daacuunka ee ka jira Deegaanka Yaaq-Bariweyne iyo 2 Tuulo oo hoos tagay isla markaana Daawada ka qaata Y.Bariweyne oo kala ah Kabahereg iyo Showli-Mareer ayaa sheegay sida tan:

 

Tirada Guud ee uu Daacuunku Haleelay

Tirada Dhimatay

Tirada hadda jiifta

Tirada Bogsatay

 

186 Ruux

25 Ruux

13 Caruur ah

148 Ruux

 

 

 

 

4. Tuulada Kabahereg

 

Tidada Guud ee uu haleelay Daacuunka

Tirada Dhimatay

Tirada Bogsatay

 

60 Ruux

22 Ruux

38 Ruux

 

 

 

 

5.Tuulada Showli-Mareer

 

Tirada Guud ee uu haleelay Daacuunku

Tirada Dhimatay

Tirada hadda jiifto

Tirada Bogsatay

 

34 Ruux

6 Ruux

18 Ruux

10 Ruux

 

 

 

 

Saraakiisha iyo Dhaqaatiirta ka socotay Xisbul Islaami ayaa sedexdan Tuulo u dhigay Dawooyinkii ay ugu talagaleen Deegaanka Yaaq-Bariweyne oo Saldhiga u ah labada kale waxaana lagu wareejiyey in ka badan 10 Kartoon oo Faleenbooyin, Cirbado , Kaniiniyaal, ORS, Clorin iyo Dawooyin kale.

 

6. Tuulada Xaabaal-Shire

 

Dhaqaatiirta iyo Saraakiisha Xisbul Islaam ayaa kulan dheer oo ay la yeesheen Odoyaasha Tuulada Xaabaal-shire waxa ay kaga dhegeysteen Warbixin ku aadan dhibaatooyinka Cudurka Shuban biyoodka iyo Biyo la’aanta Baahsan ee Deegaanadaa ka jirtay waxaana Deegaankan hoostaga ilaa 70 Tuulo waxaana ka jira dhamaan tuulooyinkaas Biyo la’aan waxaana lagadaa fuustada biyaha ah hadiiba lahelo waayee 70,000 ilaa 80,000 oo Sh/Sooomaali ah.

 

Kiisaska Cudurka Daacuunka ee loo soo gudbiyay Shabakadda Somalimirror ee Tuuladan ayaa ahaa sida tan:

 

Tirada Guud ee uu Daacuunku halelay

Tirada dhimatay

Tirada haatan Jiifto

Tirada Bogasatay

 

50 Ruux

12 Ruux

15 Ruux

23 Ruux

 

 

 

 

Dhowr Booyadoo oo Biyo ah iyo Dawooyin Gaaraya ilaa 10 Kaartoon ayey Odoyaasha Deegaanka gudoonsiiyeen Dhaqaatiirtii iyo Saraakiishii ka socotay Xisbula Islaami.

 

7.Tuulada Caday Dheere

 

Odoyaasha Deegaanka ayaa uga war bixiyey Xaalada Nololeed ee ka taagan Deegaanka Saraakiisha iyo Dhaqaatiirta ka socotaya Xisbul Islaami waxaaney sheegeen in ay Cudurka Daacuunka u dheertahay Biyo la’aan Baahsan iyo Abaaro Culus, waxaney kaga warbixiyeen Xaaladaha Cudurka Shuban Biyoodka Sida soo socota:

 

Tirada guud ee uu haleelay Cudurku

Tirada Dhimatay

Tirada haatan Jiifta

Tirada Bogsatay

 

40 Ruux

10 Ruux

10 Ruux

30 Ruux

 

 

 

 

8. Tuulada Haakow

 

Tuuladan Gudaheeda waxaa 24 saac ee ugu danbeeyey ugu Geeriyooday Cudurka Shuban Biyoodka ilaa 6 Ruux oo ay 3 Caruurtahay Sedexna Dumar tahay Sida uu inoo Xaqiijiyey Gudoomiyahay Tuulada Haakow Macalin C/llaahi.

 

Sarakisha iyo Dhaqaatiirta Xisbul Islaam ayaa Gaarsiiyey Deegaankan Dadooyin kala gedisan.

 

9.Tuulada Galbooy

 

Tuuladan Dhibaatada ugu weyn ee ka jirta waxay aheyd Biyo la’aan waxaaney Gaarsiiyeen Saraakiishii iyo Dhaqaatiirtii ka Socotay Xisbul Islaami ilaa Dhowr Booyadood oo Biyo ah Deegaankan iyo Deegaanada ku hareereysanba waxaaney ahaayeen Dadku kuwa aad u ooman.

 

10. Tuulada Ceel-Bashiir

 

Gudoomiyaha Deegaanka Ceel-Bashiir Sh. Xasan Ibraahim (Xasan Boor) iyo Odoyaasha Deegankaas ayaa ugu horeyntii uga warbixiyey Xaalada Deegaanka Dhaqatiirta iyo Saraakiisha ka Socotay Xisbul Islaami waxaanaey kaga warbixiyeen Kiisaska Cudurka shuban Biyoodka Deegaanka Ceel-Bashiir sidatan:

 

Tirada Guud ee uu Daacuunku Haleelay

Tirada haatan jiifta

Tirada Bogsatay

 

25 Ruuux

5 Ruux

20 Ruux

 

 

 

 

Dhaqaatiirta ka socotay Xisbul Islaam ayaa ku wareejisay Odoyaasha Deegaanka ilaa 6 Kaartoon oo Dawooyin ka Cudurka Shuban Biyoodka ah isla markaana ka kooban noocwalba.

 

Waa Makii 2-aad oo ay Xisbiga Islaamiga Soomaaliyeed gaarsiiyaan Dadka ku dhibaateysan Deegaano ka tirsan Gobolka Sh.Hoose Kaalmooyin isugu jira Dhaqaatiir, Dawooyin , Biyo , Teendhooyinka Karaantiilka iyo Gargaar kale,

 

Soo tabinta Barnaamijkani waxaa iska kaashaday Shabakadda Warbaahinta Somalimirror iyo Xisbul Islaam, waxayna Shabakaddu Marwalba u taagantahay kala qeyb qaadashada Bulshadeeda tabinta waxqabadka wax loogu qabanayo Bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this